Home » Warar »

Faahfaahin ku Saabsan Booqashada Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Turkiga uu ku yimid Magaalada Muqdisho.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho Barqanimadii ayaa maanta ayaa ka soo degay Wafddi Ballaaran oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaer ku Xigeenka Dalka Turkiga Bekir Bozdag. Wafdigan ka socday dalka Turkiga ayaa waxaa Magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyay Ra;iisul Wasaare ku Xigeen ahna Wasiirka arrimaha Dibadda dawladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji Yuusf Aadan.

Labada mas’uul ayaa waxa kulan ay albabaadu u xiran yihiin waxa ay ku yeesheen garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho iyadoo saxaafaduna ay dibad joog ka ahayd.
Kulanka labada dhinac kaddib ayaa waxa ay si wadajir ah u qabteen labada Mas’uul Shir Jaraa’id oo ay uga war bixinayeen waxyaabihii ay ka hadleen.

Marwo Fowsiyo oo ugu horeyntii halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in kualnkii ay la qaateen wafdiga Turkiga uu ahaa mid si weyn la isula soo qaaday kaalmada Xukuumadda turkigu ay u fidinayso Xukuumadda Soomaaliya.Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa intaa ku dartay in xiriirka labada dal uu yahay mid aad u wanaagsan isla markaana dawladda Turkigu au hore dhowr mashaariic uga fulisay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Turkiga Bozdaq oo isaguna halkaa ka hadalay ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Marwo Fawsiyo isagoona uga mahad celiyay sidii diiraneed ee isaga iyo wafdigiisa halkaa loogu soo dhaweeyay.

presiden1Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Turkiga ayaa sheegay in haatan dalka ay u yimaadeen sidii ay xarigga uga jari lahaayeen Mashaariic ay ka hir geliyeen Soomaaliya isla markaana ay u dhagax dhigi laheeyn Mashaariic hor leh oo Magaalada Muqdisho laga hir gelinayo.

Bozdaq ayaa sheegay in wafdigiisu ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda Dalkaas iyagoona Deeqo kala duwan u fidin doona Dawladda Soomaaliya.dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa la kulmey Raiisul Wasaare ku xigeenka wuxuuna ugu horeyntii Dowladda Turkiga uga mahadceliyey sida ay u garab taagan yihiin Shacaka Soomaaliyeed , waxaa kale uu sheegey in aysan marnaba iloobi doonin Dowlada Turkiga oo Dadka S oomaaliyeed u soo Gurmatey Xili ay u baahnaayeen

Raiisul Wasaaraha xigaha Turkiga oo ka Hadley kulankaas ayaa sheegey in Dowlada Turkiga ay weli Diyar u tahay in ay sii wado Mashaariicda Horumarineed ee ay ka wadaan soomaaliya isagoo sheegey in Sannadaha Soo socda ay hirgelin doonaan Soomaaliya Mashaariic aad u balaaran kaasoo waxtar u ah Shacabka Soomaaliyeed , isagoo ugu abaqey Shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan Mashaariicdaas

primemin1Sidoo kale ra’iisul wasaaraaha Dawlada Federaalka ayaa la kulmay ra’iisul wasaare xigeenka Turkiga

Si kasta ha ahaatee Ra;iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka Turkiga booqashadiisa Somaliya maanta ayaan ahayn tii u horeysey ee uu Soomaaliya ku yimaada, wuxuuna horey u yimid Dhowr jeer oo kale isagoo furey Mashaariic aad u fara badan kaasoo si aad ah looga dareemey Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.