Home » News »

Xisbiga Tiir oo waydiiyay su,aal muhiim ah dhallinyarada Soomaaliyeed.

 

Markahore waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee kuhoowlan sidii waxlooga badalilahaa xaaladda dalkeena iyo dadkeena murugsan muddadadheer.

Dhallinyarooy dalkeenii iyo dadkeenii waxay marayaan xaalad kalaguur ah oo ubaahan in aan qeebteena kaqaadano silooga saaro dhibaatada dalkeena iyo dadkeena. Dhallinyarooy, sidaad wada ogtihiin horusocodka dalkeena waxaa ragaadiyay oo hortaagan kooxo kaladuwan oo wadta qorshayaal ayaga ugaar ah. Kooxahaas oo caado kadhigtay in aynan isku tanaasulin siloo sooceliyo sharefteenii qaranimo ayn lahaanjirnay.

Dhallinyarooy, adduunyadu waligeed waxaa wax kabbadalijiray dhallinyarada, markaste ooy umadi kudhacdo dhibaato hogaanxumo iyo caddaaladdaro waxay dhallinyaradu bilaabijirayn isbadal cusub kaasoo uhorseeda waddo cusub oo hormar bulshadooda.

Tusaale, Imaam Axmad Guray markuu bilaabay kacdoonkii kadhanka ahaa boqortooyadii Itoobiya, kadibna uuqabsaday intabadan dalka Itoobiya waxuu jiray 22 sano. Sidookale, Sayid Maxamad Cabdile Xassan markuu bilaabay kacdoonkii ladagaalankii guumeesiga iyo raadintii midnimo Soomaaliyeed waxuujiray 39 sano. Si,lamid ah, 1956 SYL waxay udooratay in uu hogaamiyo xiligii xornima doonka Cabdullahi Issa Mohamud oo jiray 34 sano.

Kadib markii xoriyadda uu qaatay dalkeenu 1960, Ra,iisul Wasaarihii oogu horeeyay ee Soomaaliya waxuu ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaake oo jiray 41 sano; kiikuxigayna waxuu ahaa Cabdirisaag Xaaji hussien oo jiray 40 sano; kiikuxigayna waxuu ahaa Muhammad Haji Ibrahim Egal oo jiray 39 sano.

Haddaan xusno taariikhda waddamada kale iyo dhalinyaradu doorka ay kulahaan jireyn hogaanka siyaasadda, Itoobiga waxaa hogaaminjiray dhallinyaro lagabilaabo 1916-1991. Tusaale, Haile Selassie waxuu qabtay hogaanka dalka Itoobiya asagoojira 24 sano, sidookale Mengistu Haile Mariam waxuu qabtay hogaanka dalka Itoobiya asagoojira 40 sano, silamid ah, Meles Zenawi waxuu qabtay hogaanka Itoobiga asagoojira 36 sano.

Haddaan xusno taariikhihii hore, markeey jirtay doowladdi Muslimiinta ee Umawiyiinta waxaajiray xilli dadku kukala sareyn jirayn midabka, qabiilka, maalka iyo waxii lamid ah. Kadib, waxaa hogaanka gacanta kudhigay Cumar ibnu Cabdul-caziz oo jiray 35 sano, kadibna waxuu baddalay dhamaan waxyaabihii qaldaadka ahaa ay kudhaqmijirtay doowladdii Umawiyiinta. Sidookale, Harun Al-Rashid oo jiray 23 sano ayaa hogaanka uqabtay doowladdii Muslimiinta ee Cabaasiyiinta, kadibna gaarsiiyay heer dhamaan umadaha kale ay usoodoontaan tacliinta, maamul wanaagga, iyo barashada tiknoolajiga.

Haddaba waxuu Xisbiga Tiir su,aal weediini dhamaan dhallinyarada Soomaaliyeed su,aashaas oo ah “Maxaa inaga hortaagan in aan isbaddal biloowno, kadibna qabsano hogaanka dalkeena?” sidii dhalinyaradii hore, kadibna aan ciribtirno dhamaan waxyaabaha qaldaadka ah ee kataagan dalkeena sida, qabyaaladda, eexashada, dagaalka, isutanaasul la,aanta, iyo maamul xumada.

Dhamaantiin dhallinyarooy, waxaan idiinku baaqaynaa in aad xubin kanoqotaan Xisbiga Tiir, waayo waa xisbi ay aas aasayn dhalinyaro, waxaana hogaamiya dhalinyaro. Xisbiga Tiir waakacdoon cusub oo raba in uu waxkabadalo siyaasadda dalkeena murugsan mudadadheer. Xisbiga Tiir waxaa loogu talagalay in lagu mideeyo dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed meelkaste iyo meelwalba ooy joogaan. Sidaas darteed waxaan oogu baaqeenaa dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed in ay kusoobiiraan Xisbiga Tiir.
Macnaha magaca ‘Tiir’ uu xunbaarsanyahay waasidaan: “T” Talowadaag, “I” Israac, “I” Islaanimo, “R” Raxmad).

Xisbiga Tiir waxuu kagaduwan yahay xisbiyada siyaasiga ah ee Soomaalida todobadaan qodon ee hooskuqoran:
1) Waxaa aas aasay dhalinyaro, waxaana hogaamiya dhalinyaro.
2) Waxuu aaminsan yahay in loosameeyo Soomaaliya doowlad dhaxe oo xoogbadan, waxayna kassoo horjeedaan nidaamka fadaraalka.
3) Waxuu rabaa in lagatirtiro dastuurka dalka jagada Ra’iisul Wasaaraha, laguna baddalo siyaassad kudhisan sadex awood: Madaxweena, iyo golahiisa, Baarlamaan iyo afhayayn kooda, Maxkamad sare oo awoodleh.
4) Waxuu diyaar u yahay in uu laxaaltamo dhamaan dadka kashaqeeya danaha umadda Soomaaliyeed iyo dalka.
5) Waxuu aaminsan yahay 4.5 in aan lugu xalinkarin dhibaatada Soomaaliya, loona baahan yahay in lagubaddalo nidaamka Xisbi-Xisbi.
6) Waxuu kudoortaa xubnahiisa aqoontooda, khibraddooda, iyo shaqsigu jaceelka uu uqabo u adeega bulshada Soomaaliyeed
7) Xisbiga Tiir qofna kumadiido in uu xubin kanoqdo sabab laxiriirta heebtiisa,
dadiisa, siyaasaddiisii hore, ama rag iyo dumar midkuuyahay.

fadhil

Fadhil Sh.mohamud
Gudoomiyaha Xisbiga Tiir
Fadhil.s@tiir.org

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.