Home » Maqaallo »

XIR AMA I DIL, WALLAAHI MA AAMUSAYO… !!

Caaqil dalmar Ma aha wax ku cusub dhegaha shacabka Soomaaliyeed in saxafi lagu dilo ama lagu dhaawaco gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo qorshaha laga leeyahay dilka wariyeyaashuna ay tahay caburin iyo in la aamusiyo saxaafadda Soomaaliyeed si loo waayo cid ka hadasha xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.

Tan iyo sanadkii 1991-kii, dilka saxafiyiintu waa uu soo taxnaa, xilligaasoo dalku uu ku jiray fowdo iyo burbur, waxaana guud ahaan dalka Soomaaliya wax iska caadi ah ka noqday dilalka, dhaawacyada, handadaada iyo gabood-falka loo geysto wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2007-dii ayuu dilka wariyeyaashu noqday sidii tusbax go’ay oo kale, waxaana la rumeysan yahay oo qof kasta oo Soomaali ah ka dhaadhacsan in wixii sanadkaas ka dambeeyay dilalka loo geysto saxafiyiinta ay ku lug leeyihiin kooxda Al-shabaab, walow dowladduba aysan ka marneyn dilalka iyo dhibaateynta wariyeyaasha oo ay jireen dhowr wariye oo ay dileen kooxo ku lebisnaa dareeska ciidamada, isla markaana lagu dilay degaanno ka tirsan goobihii ay dowladdu xukumaysay, kuna awood badneyd, inkastoo markaasi saraakiisha dowladdu ay dafiraad cad sameeyeen.

Guud ahaan wariyeyaasha lagu dilay Soomaaliya 22-kii sano ee burburku dalku ka jiray waxay gaarayaan 65 wariye oo 50-ka mid ah lagu dilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halka 15-ka kalena lagu dilay gobollada kale ee dalka, wuxuuna sanadkii ugu dhiig qulqulka badnaa ee wariyeyaasha soo mara ahaa sanadkii tegay ee 2012-kii, markaasoo la dilay 18-wariye oo qaarkood hal goob lagu dilay, kuwo kalena la gowracay, tiiyoo aysan jirin cid loo qabtay ama maxkamad loo soo taagay, hadal iyo cambaareyn mooyee.

Markii dowladdu ay ka baxday Kumeelgaarnimada, lana doortay madax cusub, isla markaana la wiiqay inta badan awooddii kooxda Al-shabaab dilalka wariyeyaasha waa ay soo yaraanayeen, waxaana sanadkan 2013-ka la dilay hal wariye oo kaliya, taasina waxay yididiilo iyo farxad soo gelisay wariyeyaasha, balse markii dilalku ay yaraadeen oo la is yiri saxafiyiintu hadday nafiseen ayaa waxaa haddana bilowday in wariyeyaasha la xiro, la handado, lana cabsi geliyo, taasoo iyana la macno ah qalqal gelin lagu samaynayo bahda saxaafadda iyo in gebi ahaanba la damiyo shumaca ifaya ee kaahiisu ay bidhaaminayaan saxafiyiintu.

Wariyuhu waa uu u nugul yahay in la dhibaateeyo, waayo ma hubeysna, hubna ma qaadan karo, hubka kaliya ee uu adeegsadana waa qalinka iyo makarafoonka oo uu ku baahiyo xaqiiqada markaasi jirta, waana wax la ogsoon yahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isaga soo horjeeda aysan jeclayn warbaahinta iyo dhaqdhaaqyada wariyaasha ku howlan soo tebinta xaqiiqada jirta.

Haddaba si kasta oo wariye loo dilo ama loo xiro amaba loo cabsi geliyo waxaan cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegayaa anigoo ku hadlaya magaca Saxafiyiinta Soomaaliyeed in shaqada saxafanimo aysan marna joogsan doonin oo ay sii soconayso ilaa iyo abidkeed.

I DIL AMA I XABIS oo si kasta ii cabsi geli Wallaahi sheegista xaqiiqada jirta kama aamusayo, xaqana kama leexanayo, ummadana indho iyo dhego la’aan ma dhigayno, waxaadna ogaataa haddii saxafi la dilo ama la dhaawaco in mid kale oo caaboon uu booskiisa buuxinayo, haddii mid la xirana uu mid kale oo saaxiibkiis ah shaqada sii wadayo oo marna wariyuhu uusan aamusaynin, shaqada warbaahintuna aysan joogsan doonin, waxaana taas daliil cad kugu ah meeqa wariyaa la dilay, la dhaawacay, la xabisay ama la qalqal geliyay ma aragtay saxaafad aamustay ama sal guurtay, marka haku daalin inaad wariye caburiso.

Cabsi gelinta lagu hayo wariyeyaasha Soomaaliyeed ee dilka iyo xariga loo geysanayo ma aha mid ku xambaari doonta in ay baqdaan kadibna ka aamusaan sheegidda xaqiiqada jirta, walow ay tahay uurku-taalo xannuun badan oo weligood aysan iloobi doonin, haddana waxaanu rumeysanahay in marka wariye la dilayo ama la handadayo amaba la xabisayo ay ujeeddadu tahay gudbin fariin ku socota dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed, taasoo lagu doonayo in afka la qabto wariyeyaasha oo la waayo cid ku hadasha codka dadweynaha dhiban, isla markaana soo bandhigta dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee sida dadban iyo sida tooska ah loo geysanayo.

Haddaba haddii la moodayo in wariye la dilay ama la dhaawacay ama la xiray shaqada warbaahintu ku istaagayso mar kale iyo mar saddexaad waxaan caddeynayaa in qalinku qaddiisu guri doonin, makarafoonkuna howlgab noqon doonin oo shaqada saxaafaddu sii soconeyso siina socon doonto, MARKA I DIL AMA I XABIS WALLAAHI MA AAMUSAYO oo dadka iyo dalka waan u shaqeynayaa.

dalmar
Waxa Qoray: Saxafi sare,
C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)
caaqildalmar@hotmail.com
caaqildalmar@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.