Home » Warar »

Beesha Asharaaf oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Caleema saartay Ugaas Cusub

Waxaa Hatelka Dooxa 2 ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey, taasoo ku saabsaneyd Caleemo Saarka Ugaaska ama Malaaqa Beesha Asharaaf waxaana ka qaybgaley Caleemo Saarkaas Ugaasyo, Malaaqyo, Nabadoono, Garaadyo, Xildhibaano iyo Masuuliyiiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Marti Sharaf kale oo lagu Casuumey Caleemo Saarkaas.

ugaas1 ugaas3Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadley Dr Cabdiraxmaan Shariif Mukhtaar oo sheegey in ay si aad ah u soo dhaweynayaan Caleemo Saarka Ugaaska Beesha Asharaaf Ugaas Shariif Abshir ,waxaa kale uu sheegey in Beesha mar hore laga rabey in ay yeelato Ugaas , dhinaca kale markii loo fiiriyo ayuu sheegey in Calaamo Saarkaan uu yahay mid wax weyn ku soo kordhinaya Dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, maadaama beeshu ay tahay Beel Nabadeed .

Wxaa kale halkaas Hadalo Dardaaran ah ka jeediyey Shariif Cabdulaahi Caliyow oo Ugaaska ama Malaaq u Jeediyey in uu ka shaqeeyo sidii Somaaliya la isugu keeni lahaa maadaama Dhowr iyo labaatan sano ay ku jireen Dagaalo aan dhamaad laheyn ,wuxuuna kaloo uu kula dardaarmey in uu La garab galo Xilgaas weyn ee Ugaasnimo ee loo Duubey.

Xafladaas waxaa kaloo ka hadley Suldaan Maxamuud Cabdi Farey wuxuuna ugu horeyn u Mahadceliyey intii isku soo dubaridey Xafladda Caleemo saarka Ugaaska Beesha Asharaaf isagoo sheegey in Caleemo Saarka Ugaas uu ku soo beegmey Xili ay umadda Soomaaliyeed u Baahan tahay dib u heshiisiin Guud wuxuuna Ilaah ugu baryey in uu la garab galo Xilgaas Ugaasnimo ee loo unkadey,Ugaaska Cusubna uu Horseed u noqdo Nabad ka Dhalata Soomaaliya .

Ugu dambeyn waxaa Xafladaas lagu Caleemo Saarayey Ugaas Beesha Asharaaf ka hadley Ugaaska Cusub,Ugaas Shariif Abshir Shariif Maxamuud oo ugu horeyntii u mahadceliyey intii Gacanta ka geystey in loo Caleemno Saaro Ugaas ama Malaaq isagoo balan qaadey in uu qaadan doono wixii dardaaran ah ee ay u soo jeediyeen Ugaasyada , Nabadoonada , Imaamyada, Garaadyada iyo Malaaqyada waxaa kale uu sheegey in ka shaqeyn doono sidii Soomaaliyeed u Mideyn lahaa islamarkaana wuxuu Ilaah ugui baryey Umadda Soomaal;iyeed in uu dhibka ka qaado.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.