Home » Warar »

Aabbe Muxyadiin “Xaaskeyga waa la Kufsadey, Xukunkii Shalayna wuxuu ahaa mid Cadaalodaro ah

Dowladda , Garsoorka,Xeer Ilaaliyaha iyo Booliiska oo ku Goobtey Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul

Ban Ki Mon”Aad buu ii Niyad jabyey Xukunkii lagu ridey Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul”

Wariye Cali Muuse Cabdi “ Xeer Ilaalinta Qaranka waxay noo Muujisey Cadaawada ay u Hayaan Saxaafadda

Dowladda Mareykanka oo Xukunkii Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul ku Tilmaamey mid Goodis ahaa.

Caydiid Ilko Xanaf oo beeniyey in Xukunkii Wariye Cabdicasiis Koronto la Siyaasadeeyey.

Wariye ka Caroodey Xukunkii Cabdicasiis Koronto iyo Luul oo Xabsiga loo Taxaabey.

Iyadoo Maxakamadda Gobolka Banaadir min Hal Sanno oo Xarig ku Xukuntey Wariye Cabadicasiis CabdI Nuur Ibraahim ( Koronto) iyo Hooyo Luul Cali Cismaan kuwaa oo Xeer Ilaaliyaha ku Eedeeyey in ay Sameeyaan War been Abuur oo la Xiriira Fal Kufsi balse Eedeysanayaasha iyo Qareenada u doodaya ayaa Eedeymahaasi ku Tilmaamey mid la soo Dhoob Dhoobey oo aan waxba ka jirin.

Jaraaidka Adduunka ooaad uga hadlay Hooyada 27-jirka ah ee la kufsaday oo Dawladda Soomaaliya Xabsiga ugu dartay

Jaraaidka Adduunka ooaad uga hadlay Hooyada 27-jirka ah ee la kufsaday oo Dawladda Soomaaliya Xabsiga ugu dartay

“Dhamaan Hayadaha Dowladda gaar ahaan Xeer Ilaalinta waxay noo muujiyeen Cadaawad weyn oo ay u hayaan Saxaafadda “ayuu yiri Wariye Cali Muuse Cabdi oo u waramayey Idaacada Dalsan oo Xarunteeda tahay Magaalada Muqdisho waxaa uu sii raaciyey “waxaa la yaab leh in dambi laga dhigey wariye Wareystey Haweeney la Kufsadey islamarkaana Xukunkaasi wuxuu ku Tilmaamey in uu ahaa Mid Cadaaladda la Hareer marey.

Dowladda Federaalka weli kama hadlin sida uu u dhacdey Xukunkii lagu ridey Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo luul (oo 27-jir ah) oo Maxkamada Gobolka Banaadir ku Xukuntey min Hal Sano oo Xarig ah hase yeeshee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Mon ayaa Warsaxaafadeed ka soo saarey Xukunkaas isagoo sheegey in ay Niyad Jab ku abuurtey sida uu u dhacay Xukunkaasi , wuxuuna u soo jeediyey in la txigeliyo Racfaanka ay ka qaateen Xukunaasi Qareenadii doodayey Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Haweeneydii la Kufsdey.

Dowladda Mareykanka ayaa Warsaxaafadeed ka soo saartey Xukunkii ku dhacay Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan iyadoo ku tilmaantey mid ay aad uga walaacsanyihiin, islamarkaana waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedkaasi lagu sheegey in aad uga Walaaceen handaad loo geystey dadkii doonayey in ay halkaasi ku Caddeeyaan sida dhabta ah ay wax u jiraan sidoo kale waxaa maanta Shir jaraaid qabtey Gudoomiyhaha Maxkamada Sare Caydiid Ilka Xanaf oo beeniyey in Dacwadii wariye Cabdicasiis Koronto iyo dadkii kale la xirnaa in la Siyaasaadeyey. waxaa kale uu sheegey in Saxaafadda looga baahan yahay in ay qoraan warar Xaqiiqo ah .

icaydiid-ilka-xanaf

“Dowladda , Garsoorka , Xeer Ilaaliyaha , iyo Booliiska waxay ku Goobteen Wariye Cabicasiis Koronto iyo Hooyo Luul waayo ma jirin cid Si cad u tiraahdo dadkaasi waxay ku xiran yihiin si Cadaalodaro ah , marka waan ogeyn in dadkaasi aysan heli doonin Xukun Cadaalad ah waxaa la yaab leh in mid ka mid ah dadkii la soo eedeeyey in la sii daayo islamarkaana laga dhigo Marqaati waana wax aan hore u dhicin marka waxaan leeyhaya Hayadahaasi in Xukunkaan ay ku Fashilmeen”ayuu yiri Cismaan Cali oo si aad ah uga caroodey sida uu u dhacay Xukunkaasi wuxuu sii raaciyey

“Waa wax lala yaabo in sadex Qof oo xirnaa muddo 25 maalmood la sii daayo oo la yiraahdo Caddeyn ayaan u waayey ,marka waxaa halkaa kaga cad in Cabdicasiis iyo Hooyo luul iyana ay Beri ka ahaayeen waxaa uu soo dhoobdhoobey Xeer Ilaaliyaha oo qaarkood Aflagaado ay ahaayeen , marka waxaan Dowladda u sheegayaa in dad aan dambi lahayn ay ha dhow Tiraahdo waan cafiney ,sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa Qareenada in aysan ka harin u doodida dadkaas la dulmiyey ee Xukunka Beenta ah ku dhacay ,waa in aad u raadisaan sidii dadkaasi u heli lahaayeen Magdhow

karoonto3

karoonto4Odeygii qabey Hooyo Luul ee Muxyadiin oo u waramyey Idaacadda VOA ayaa Xukunaasi ku tilmaamey mid Cadaalodaro isagoo sheegey in Haweentiisa la kufsadey islamarkaana ay ku yaalaan Nabaro ay u geysteen raggii la Kufsadey, waxaa kale uu sheegey in Booliiska iyo Xeer Ilaalinta ay handadeen isaga iyo Xaaskiisa wuxuuna u soo jeediyey Dowlada Federaalka arrinta ay tahay “Miskiinaa Misko La Fuula Leh” , marka waxaan leeyahay Dowladda in ay Xukunkaasi ay dib u fiiriyaan.

Markii uu shaley Xukunka Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul uu dhacay waxaa Booliiska ay Xabsi u taxaabeen Wariye Daa’uud Cabdi Daa’uud oo u shaqeynayey Idaacada Kulmiye islamarkaana Xubin ka ah Urur ka dhisan Afrikada Bari qaabilsan Deegaanka ka dib markii uu si weyn uga caroodey sida uu u dhacay Xukunkii Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan , waxaa Wariyahaani uu Xaley ku baryey laanta dambi Baarista ee CID , Waxaana Xarigaan Cambaareeyey Ururka Saxifiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj.

USA: Department Spokesperson, Office of the Spokesperson Concern About Somalia Rape Case Verdict

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Aabbe Muxyadiin “Xaaskeyga waa la Kufsadey, Xukunkii Shalayna wuxuu ahaa mid Cadaalodaro ah "

  1. mahad hurre says:

    as/w dowlada waxaa loo dortay in cadalada ka shaqayso oo ilaaliso xeerka dasturka lagu dhisaya iyada in ay dadka uu garsoorto si cadalaada soomaaliya waxay ku burburtay cadalad daro waxaa ka mid ah wariye koronto iyo gabdha dhibaneyd la kufsaday xabsi la geyo iyado danbilayashi in lagu abalmariyey in si wadan kufsada dhibatada siwadan waxaa jirta in labada bilood la soo dhafay marka iyo afgooye lagu kufsaday in ka badan 30 gabdhood 20jiro iyo16 jiro waxaana kufasadeyn ciidamada dowlada lagu sheko lakin ah ciidamo beeled waxaa caddeyey hayadii doctoradii iyo dadki macquul ah dhacdooyinka gobjoog uu ah waxaa kalo jira meelo uu ka dhadhaco kufsada waxa kamid ah baydhabo ilaa luq inkasto aysan ku badneyn haddaba maanta ma ah waqtigi wax la qarin jiray wax kasto la qariyo bananka uu so baxaysa ,ninkasto oo lo doorto madaxweyne waxaa uu muqda sidii maxed siyad uu oo dalka uu xukumi jiray ariintasi waxaa manta rintasi kasoconyso ma ah qofkii samatabaxin bixinaya waa inu yahay qofka ka shaqeyn kara isku soo dumida qulubta dadka kala irdhoobay ad uu kala foogaday in ay ka shaqeyn si kala foogaynta dadka iyo deeganada dalka .