Home » Warar »

Sudan: Indhoole Soomaaliyeed oo Shahaadada Master Degree-ga Qaatay

Maxamed Axmed Maxamuud oo Dadka u yaqaanaan (Maxamed Indhool) waxaa uu ku dhashay Indhoolanimada, hasa yeeshee waxaa uu u istaagay sidii uu dadka kale uu ula mid noqon lahaa waliba dhanka Waxbarashada.

indhool2Maxamed waxa uu Bachelor- kaga soo qaatay Magaalada Muqdisho,kadibna Shahaadada Masterka ayuu hadda ka qaatay Jaamacad ku-taal Dalka Sudan oo lagu magacaab International Ifriiqiya University waxaana dhacdey in markii uu codsiga u gudbistay Jaamacadda ka Caga jiiday iyadoo is leh qof Indhoole ah wax ma Baran karo marka laga reebo Jamacadaha Indhoolayaasha loogu talagalay ee uusan la dhigan karin Arday indha qabta, Laakiin markii dambe way u ogalaatay waxa uuna noqday ama Jaamacadda uga baxay Darajada Masterka Imtiyaaz oo ah kaalinta 1aad ee Jaamacaddaha, ayna yar tahay inta uga qalin jabisa.

Maxamed waxa uu Jaamacadda iyo Casharada usoo xaadiri jiray si caadi ah, in kastoo marka uu doono in uu casharka ku ceshado oo qof Asxaabtiisa ah ka codsanayay in uu u akhriyo isagana waa uu xifdin jiray. Imtixaankana marka uu galayo waxaa loo qaban jiray Macalin u akhriya Su’aalaha Warqada Imtixaanka ku qoran isagana waa uu ka jawaabi jiray isla Macalinka ayaan u qoraya mar kale jawaabta .

Maxamed waxa uu noqday inta la ogyahay Ninkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee Indhoole ah oo qaata Master Degree oo aysan jirin cid ku haysata kaalintaas. Waxa laga yaabaa Maxamed isaga oo Indhoole ah in Maanta Kumanaan ama Malaayiin indho qabta ayuu ka Cilmi badan yahay. Waxa uuna rajeenaynaa Maxamed in uu Cilmigiisa Dadka uga faa’ideeyo uuna noqdo Macalin wax ka dhiga Jaamacadaha Dalkeena Hooyo ee Soomaaliya.

Maxamed waxaa uu wax ka dhigaa Dugsi ay wax ku bartaan Dadka Indhoolayaasha ah , oo ay Maalgeliso Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud , waxaa la filayaa in uu Dhawaan Shaqo ka helio mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho, Maxamed marka uu marayo Wadooyinka Muqdisho Cid la socoto ma jirto , waxaa uu wataa Ul loogu talagaley dadka Indhoolayaasha ah. Sidoo kale waxaa uu istcimaalaa Computer-ka loogu tala galey iyana Dadka Indhoolayaasha ah ,isagoo Cidna hagin ayuu Tagaa Sanduuqiisa ee E-Mail-ka

W/D Maxamed Cabduqaadir
Sudan University

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Sudan: Indhoole Soomaaliyeed oo Shahaadada Master Degree-ga Qaatay "

  1. Feysal Nuur Cali says:

    ASC: Waa mahadsantihiin dhamaan shaqaalaha wabsite-ka
    Somalitalk. runtaa arintaan marna waa iga farxisay marna iga calool xumeeysay. waa marka hore waxaan ku farxay shaqsi Soomaaliya xiligaan jooga oo hada indha la’aan ah in uu heer Jaamcadeed daraja 2-aad haweesto. waa nimco Ilaaheey dadkuu rabo siiyo. Marka labaad waa iga calool xumeeysaa arintaan sababta oo ah waxaan joogaa wadamada yurub mid ka mid ah markasta waxaan arkaa dhalinyaro internet-ka guryaha iska daa ee xataa Telfoonada gacanta ku uu ugu jiro hada aan waxba ka faa iideeysan . qaarkood waxaa laga yaabaa in ay music iyo wax aan macno badan soo kordhineyn ku mashquulaan halka dadka aan internet joogta ah heli karin ay waxbartaa oo waliba indhaha Ilaaheey ku imtixaane. taas waa fariin runtii ku socota dhamaan qofkii caqli iyo indho uu wax ku baran karo leh in uu wax uun barto, in ay qasabtahay.

  2. Bilqeyr says:

    maasha’allah maxamed axmed waxan leeyahay hambalyo hadi aad ku guuleysatay shahaadada aad waqtiga dheer ugashay safka, aadna ku guuleysatay ilaah hakugu siiyo shaqo aad qaban karto, Aamiin

  3. AANA says:

    WAXAAN LEENAHAY WALAALKAAS MAANSHA ALLAH ALLAH YAA BAARIKA KUWA WAXBASHADA AAN U DADAALINA WAXAAN LEEYAHAY DADAALAA WAA GARAA EE KU DAYDA WIILKAAS ,TUSAALENA AYDIIN NOQODO