Home » Warar »

Haweeneydii la sheegey in la Kufsadey oo Maxakamada ka hor caddeysey in la Kufsadey, maxkamadana ka codsatay caddaalad

Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Dadkii kale ee la xirnaa oo mar kale la Hor keeney Maxkamad.

Gabar ka mid Dadkii la Xirnaa Cabdicasiis Koronto oo uu Awoowe u yahay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo la sii Daayey

Jan 29, 2013 Maxkamadda Sare ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta la horkeeney Wariye Cabdicasiis Nuur Maxamed (Korornto) iyo Shan Qof oo kale kuwaas oo Ciidamada Booliiska ku eedeeyeen in ay isku Kaashadeen Kufsi Been Abuur balse waxay Qireen dadkaasi in aysan wax dambigaa gelin oo ay u Xiran yihiin si Cadaalodaro ah.

Markii ay maanta ka soo muuqdeen Maxakamada ayaa waxaa Xeer Ilaaliyaha Qaran uu ku eedeeyey dadkaasi in ay been ka sheegeen Ciidamada Booliiska islamarkaana ay abuureen Kufsi been Abuur ah hase yeeshee Mid ka mid ah Qareenada u doodaya dadkaas ayaa sheegey in dadkaan aysan wax dambi ah gelin islamarkaana ay u xiran yihiin Arrimo Siyaasadeed.

Gudoomiyaha Maxkamada ayaa waxaa uu mid Mid u weydiiyey dadkaasi waxa lagu soo eedeeyeen, Dhamaantoodna waxay shegeen in aysna gelin wax Dambi ah iyadoo Haweeneydii la sheegey in la Kufsadey ay Maxakamada ka hor caddeysey in la Kufsadey islamarkaana la doonayo in dadkii Kufsdey la qariyo, waxayna Maxkamadda ka codsatey in si Cadaalad ah loo qaado Dacwadeeda .

Markii ay kululaatey Doodii Qareenada u doodayo dadkaasi iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran ayaa waxaa markii dambe soo kala dhex galey Gudoomiyaha Maxkamada oo sheegey in Si degenaan ah loo hadlo iyadoo Qareenada u doodayo Wariye Cabdicasiis ay soo qaateen Qododbo ka mid Xeer Ciqaabta iyo kuwa ka mid Dastuurka Qaranka kuwaas oo sheegya inn dadkaan ay Xaq u leeyihiin in ay helaan Maxkamad Cadaalad ah.

Intii ay Dacwdaa socotey ayaa waxaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabduqaadir Maxamed Muuse uu sidaayey Haweeney ka mid ahayd dadkii uu Booliska uu soo eedeeyey oo lagu magacaabo Muniiro Jaylaani Maxamed oo uu Xeer ilaaliyaha uu sheegey in aysan wax dambi ah lahayn taasoo ay la yaab ku noqtey dadkii iyo Wariyayaashii dhageysanyey Dacwadaasi iyadoo Taliyaha Ciidamnka Booliiska Soomaaliyeed uu hore u sheegey in Muniiro ay ka mid tahay dadkii Fududeeeyey Kufsigii been Abuurka ahaa isagoo afka ku balaariyey in Muniro uu u yahay Awoowe.

Gudoomiyaha Maxakamada ayaa ku dhawaaqey in mar kale Dib loo dhigey Dacwadii Cabdicasiis Koronto iyo dadka kale ee la xiran ,waxaana uu sheegey in la isugu soo laaban doonaa Maalinta Sabtida oo ay bishu tahay 2 Feberaayo haddii Eebbe Idmo sida ay Codsadeen Qareenada u doodayo Dadkaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Haweeneydii la sheegey in la Kufsadey oo Maxakamada ka hor caddeysey in la Kufsadey, maxkamadana ka codsatay caddaalad "

  1. abwaan says:

    kii dumiyey qarankaa la yidhi daacad baad tahaye
    oo loogu sii daray amaan derejo dheerayde
    markaasu dirays qaatay oo diley caruurtiiye
    markaasuu umulo doox dhigoo doolar raadsadaye
    dumarkuu kufsanayey maqleen derisyadeediiye
    weriyihii dadaalka u galaye duubay hadalkeeda
    dabar baa lugaha looga xidhay sida dameerkiiye
    markay dunidu maqashaye cambaar duudka laga saaray
    garsoor daacadaan jirin markii doodo lagu keenay
    dulmigay falaayeen la arag habar dugaagtiiye
    inaan dawlad weli jirin amaan daacadnimo joogin
    oo ay danley joogto iyo dumiyihii ciidda
    dadkana qaar la duudsiyo markii la is dacweynaayo
    dadkuna derejo kala dheer yohoo duudsi lagu riixo
    ma diintii ilaah soo dejaa looga helay daahir
    mise dastuurka somalidaa lagu dareersiiyey
    oo digtoorkii soo daabacaa xeer ku daray maalin
    mise waa durbaan dawlad baan diiradda u taagnay
    dad layskii bulshada soo qaribay qaran ku doodkiisa
    iyo kii dulmiga noo hor kacay derejo siintiisa
    dawo keeni maysoo anaa soo daliishadaye
    dacwad baaba u diyaara iyo heek in loo diro,e
    deg deg hadaan xadhkaha looga furin saxafigaa daalan
    dawladaha waaweyn ayaan soo dalbanaynaaye
    Obamaan u diraynaa waxaad nagu dilaysaane
    dib isugu noqdoo waa inaad weriye daysaane

    A A GELE

  2. bare says:

    ws waa arin murugo leh, oo laga tiiraanyoodu waa dulmi ka mid ah kuwa dumiyey wadanka, waa haddi aan ku raaco qoralkan oo mudda laba casho ah la socday qisadan gabdhan iyo reerkooda, midaa kale haddi ay cadaato in in ka qaadiga mesha ka ha uu yidhi inantan anigaa AWOOWE u ah dadka meesha isugu yimid intaas baaba ugu filan cadaalad,,,,