Home » Warar »

Tafaftirayaasha Wargeysyada Xog-Ogaal iyo Xog-Doon oo uu u yeerey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ka dib markii ay Daabaceen Kaartoon uu leeyahay Amin Caamir.

(Warbixin)

– Madaxweyne Xasan Shiikh Ma ka Dhabeeyey Balanqaadkii uu u sameeyey Saxaafadda Inta aan la Dooran .

– Hanjabaadyo iyo Xarig lagu hayo Saxaafada Madaxa Banaan

Iyadoo weli uu Xiran yahay Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur (Koranto) oo u Shaqeynayey Radio DALSAN ka dib markii Waaxda Dambi Baarista ee CID ay ku soo eedeysey War ay sheegeen in uu faafiyey kaasoo ku saabsanaa Kufsi loo geystey Gabar ka mid ah dadka Barkacayaasha, hase yeeshee Cabdicasiis Koronta waxaa uu sheegey in uusan warkaasi siideeyn.

Iyadoo Bahda Saxaafada ay ka Murugeysan tahay Xarigaas ayaa waxaa Maalintii Sabtida ahayd Xafiisyada Wargeysyada Xog-Ogaal iyo Xog-doon la soo gaarsiiyey Warqad ka timid Xeer Ilaaliya Guud taasoo loogu yeeraya Tafaftirayaasha Wargeysyadaas in ay Maalinta Isniinta ee ay bisha Janaayo tahay 14, 2013 ay hor yimaadaan Maxkamada Sare .

Qoraalkaan yeeritaanka ah oo si toos ugu socdeen Tafafatirayaasha Wargeysyadaas ayaa waxaa la filayaa in wax laga weydiiyo Kaartoon uu Amiin Caamir ka sameeyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Cabdulaahi Ilko Xanaf , Kaartoonkaas oo ay faafiyeen Labadaas Wargeys Taariikda Markey ahayd 7/1/2012 oo ah Laba Wargeys oo maalin weliba ka soo baxa Magaalada Muqdisho.

Hadaba si aan waxa uga Ogaano u yeeritaankaas uu u yeerey Xeer Ilaaliyaga Guud labadaas Wargeys ayaa waxa noo suurta gashey in aan wareysano labada Xubnood oo ka tirsan labadaas Wargeys..

Maxamed Axmed Siyaad oo ku magac dheer ( Black) oo ah Madaxa Wargeyska Xog-doon iyo Ismaaciil Cumar Madoobe oo Tafaftire ku Xigeen ka ah Wargeyska Xog- Ogaal ayaa waxaa wax ka weydiinery Cida Warqada u yeeritaanka u keentey waxayna ku Jawaabeen “Waxaa Warqada ka soo baxdey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka waxaana ku qornaa in maalinta Beri marka oo ay bisha tahay 14-ka Janaayo Saacada markey tahay 4-ta Subxnimo aad hortimaadaan Maxkamada Sare si wax la idiin ka weydiiyo War ku soo baxay labada wargeys waxaana si gaar ah loogu yeerey labada Tafaftire“.

Waxaan weydiiyey maxay ahaayeen Warka ku Qornaa labadaas Wargeys waxayna ku Jawaabeen ”Maalntii Doraad ahayd ayaa waxaa labada Wargeys ku soo baxay Kaartoon uu lahaa Amin Caamir oo ku saabsanaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Ilko Xanaf ,” Waxaan sii weydiiyey sidee ayuu yahay Dareenkiina maadaama Tafaftirayaashiina Maxkamada looga yeerey, waxayna yiraahdeen ” Dareenkeena waa iska Caadi waayo waxaan soo marey Xaalado kuwaan ka daran marka Tafafirayaasheena ayaa laga doonayaa sidii ay isku Difaaci lahaayeen “.

Waxaan weydiiyey Labadaas Xubnood ee ka tirsnaa Wargeysyada Xog-Ogaal iyo Xog-doon Su’aal ahayd Sow Gef idiinkuma aha in aad baahisaan Kaartoon Qof Shaqsi ah lagu Aflagaadeynayo waxayna ku Jawaabeen “Waligeyn Kaartoonka Amin Caamir Wargeysyada waa qaadan jirneen inagoo ilaalineyna Xaquuqda Warka ama Kaartoonka (Copy Rights) Kaaroonkana waxaa ku saxiixan Amin Caamir marka anaga isaga ayaa soo xiganey, Kaartoonkaan kuwa ka daran Baan Amiin Camir ka qaadanay u yeeritaankaan waa kuwa Ujeedo gaar ha laga leeyahay oo wax badan lagu Qarinayo”.

Xasan Shiikh iyo Faarax Cabduqaadir iyo Xubin ka tirsan Xisbiga oo Warbixin ka dhageysanya Bahda Warfaafinta inta aan la dooran

Marka la Isbarbardhigo Dhinaca Macaamilka Saxaafadda yaa wanaagsanaa Dowladii Shiikh Shariif iyo Dowlada Xasan Shiikh Maxamuud waxayna ku jawaabeen ”iskuma Dhawa oo waxaa Wanaagsanaa Dowladii Shiikh Shariif oo Macaamilkeeda dhinaca Saxaafada uu wanaagsanaa waayo Dhinaca waxaa kaa Handadaya Booliska , Dhinac Maxakamadaha, Dhinacna Xafiisyada Warfaafinta Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha, Dhinacna Nabadsugida, marka waxyaabo aan arki jirin baa hadda aragnaa, waxaana hadda Dowlada u Xiran Wariye CabdiCasiis Maxamed Nuur (Koronto) Dastuurka waxa uu dhigayaa in Ruux aan la hayn Karin Muddo 24 Saac marka waa xadgudub aad u weyn,haddii Dowlada na Tiraah ma Daabici Kartaan Kaartoonka Amiin Caamir oo aan Daabacno Anaga ayaa Qaladka iska leh “ waxay Intaa sii raaciyeen.

Bahda Saxaafada oo Warbixin siinaya Xasan Shiikh inta aan la Dooran

“Madaxweyne Xasan Shiikh Maalmo markey ka harsan tahay Doorashadiisa wax yar waxaa uu Xarunta Xisbiga Nabada iyo Horumarka uu kulan kula qaatey Bahda Saxaafada Qaybaheeda kale Duwan Amiinow adiga Goobjoog baad u ahayd kulankaasi waxaa uu Xasan Shiikh uu balan isaga oo uu garab fadhiyo Faarax Cabduqaadi oo haatan ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada in uu si wanaagsan ula dhaqmi doono Saxaafada islamarkaana uu raadin doono Xaquuqaha ka maqan ma garan karo Isbedelka uu la yimid Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dowladiisa aniga laba mid uun bay tahay in Xasan uu ka warqabo Xadgudubyada loo geysnayo Saxaafada ama in uusan ka warqabin ee ay arrintaan iska wataan dadka isaga ka hooseeye marka waxaan leeyahay Madaxweynah in uu ka dhabaayo Balanqaadyadii uu ku soo galey Doorashada “

Xasan Shiikh oo la hadlaya Bahda Warfaainta inta aan la Dooran

Afartii Bilood ee ka soo wareegtey Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh 10-kii September waxaa la diley Dhowr Wariye waxa la dhaawacay in Intaas ka badan waxaa la xirey laba Wariye oo mid uu ahaa Wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo u shaqeynayey BBC-da midna uu Haatan u Xiran yahay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdi Nuur ( Koronto) oo u Shaqeynayey Radio DALSAN waxaana Mudadaas Wariyayaasha u sii dheer Hanjabaadyo aad u tira badan oo dhinaca Taleefoonada hadaba lama oga waxa iyana Muteysan doonaan kuwa Maanta uu u yeerey Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka ee Wargeysyada Xog-Ogaal iyo Xog-doon.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.