Home » Warar »

Masuul sare oo ONLF ah ayaa socdaal shaqo ku maraya dalka South Africa

Maxamed Cabdi yasiin Diirane waa madaxa abaabulka iyo arimaha bulshada ee Jabhada ONLF ee u dagaalanta xoraynta 8 million oo Somaali ah ooy Ethiopia gumaysato kuna dhaqan Ogadenia . Masuulkan oo fadhigiisu yahay wadanka Ingiriiska ayaa socdaal shaqo ku soo maray magaalooyinka , Pretoria , Johannesburg , Port Elizabeth , East London iyo Cape Town wuxuuna la kulmay qaybahaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed iyo waliba bulshooyinka islaamka ee ku nool wadankan Sida jaaliyadaha carabta iyo hayadaha islaamka dalka South Africa .

Jaaliyada ogaadeenya ee magaalada Cape town ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyey hogaanka arimaha bulshada iyo abaabulka Onlf,halkaasi oo ay kasoo qeyb galeen bulshada qeybaheeda kala duwan Sida, Culumaa’udiinka , aqoon yahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Cape town.

Hogaanka Arimaha Bulshada iyo abaabulka ONLF Sheekh Maxamed Cabdi Yaasiin Diirane ayaa sidoo kale soo maray dhamaan qeybaha kale Dalka South Africa, isagoo sidoo kale la kulmay hey’adaha islaamiga ah ee saamaynta badan ee ka jira gudaha magaalada Cape Town.isagoo kala hadlay tacadiyada loo geysanayo Shacabka Somalida ogaadeenya ee kusoos jira gumaysiga Ethiopia iyo gadoob falada ka dhacaya geeska Africa gaar ahaan dalka Ogaadeenya.

Haddaba waxaa goobta ka hadlay dhamaan marti sharaftii kasoo qeyb gashay shirka waxayna dhamaantood sheegeen in dhibaatada loo gaysanayo Somalida Ogadenia ay tahay mid laga xumaado waxayna ugu baaqeen dawlada Ethipia inay joojiso xadgudubyada ay ku hayso Somalida Ogadenia iyagoo dhanka kale ugu baaqay dadka Somalida ah , Muslimiinta iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda bini’aadamka inay garab istaagaan qadiyada Ogadenia iyo sidii Shacbiga Somalida ogadenia uu u heli lahaa xaqa ayaa ka tashigiisa ayna dhamaatay xiligii la is gumaysan jiray.

Dhanka kale waxaa hadal aad u qiiro galiyay dadka aad na loo xiisaynayay kasoo jeediyay goobta Madaxa arimaha bulshada iyo abaabulka ONLF Mudane Sheekh Maxamed Cabdi yaasiin (Diirane) hadalka masuulka ayaa isugu jiray taariikhda hagalganka Ogadenia siyaasada geeska africa iyo guuldaradii Ethiopia ka raacday wadahadalki fashilmay ee ONLF iyo Ethiopia ku dhexmaray dalka Kenya bishii November oo uu isaga ka mid ahaa ergadii ONLF uga qaybgashay wadahadalkaas. Mudane Diirane ayaa sheegay in itoobiya aad loola yaabay qaabkii ay u dhaqmeen intii wadahadalka socday isagoo sheegay in jid iyo jahaba laga waayay ooy ku wareereen haayadihii dhexdhexaadinayay wadahadalka dhaqanka Ethiopia .

waxyaabaha la yaabka leh oo ergadii Ethiopia lagu dhaliilay waxaa ka mid ahaa iyada oon waxbadan ka fahmaynin luuqadii english ka ee wufuudu adeegsanaysay waxaana wax yar ka fahmayay wasiirka gaashindhiga ee Ethiopia oo kaliya sida uu sheegay mudane Sheekh maxamed cabdi yasiin . waxyaabaha kale ee lala fajacay waxaa ka mid ahaa markii wadahadalki joogsaday waxay haayadaha dhexdhexaadinta ay qoreen qoraal ka hadlaya siday wax u dhaceen intii wadahadalka socday iyo in wadahadalkii joogsaday taas oo laga codsaday in labada dhinacba sixiixaan Ethiopia ayaa diiday in ay saxiixdo ONLF ayaa dhankeeda aqbashay lakiin maadaama ayna Ethiopia sixiixin qaabki wax u dheceen ONLF ayaa noqotay geesi Alle ma xilo oo iyadoo guulaysatay looga mahadceliyay anshax wanaaga ay kula dhaqmeen ergadii dhexdhexaadinta .

Ugu danbayntii Sheekh maxamed Cabdi yaasiin ayaa ku booriyay dadka somaliyeed inay taageeraan dagaalka ay ONLF ugu jirto Xoraynta Somalida Ogadenia isagoo xasuusiyay Bulshadada Somaliyeed Cadowtinimada ay Ethiopia u hayso Bulshada Somaliyeed wuxuuna soo qaatay hadalkii Mingistu oo dil uu ku xukamay Meles Zanawi gii Bakhtiyay skadibna uga mahadceliyay qabsashadii ay Ethiopia qabsatay Dalka Somalia dabayaqadii 2006 dii iyo xasuuqii ay ka gaysatay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaaliya .
Maxamed Xaaji

Cape Town, South Africa ,
saxafi2009@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.