Home » Warar »

Shirkadda Hormuud oo Daah-Furtey Adeega 3G ( Third Generation )

War-Saxaafadeed ka soo baxay shirkadda Hormuud

Maanta oo Taariikhdu tahay 29/12/2012, waxaa Sharaf u ah Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia Inc. in ay ku dhawaaqdo adeegga 3 G “ Third Generation “.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia , oo ku caan baxady in ay Macaamiisheeda iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeedba u soo bandhigto hadba adeegyada casriga ah ee Dunida ka jira, waxay Xilliyadii u dambaysay soo bandhigtay Adeegyo ay ka mid yihiin, E-Voucher, EVC, EVC Plus, GPRS, iyo Adeegga Dalmar “ International Rooming “.

Sidaa awgeed Hormuud Telecom , oo marwlaba ku dadaalaysa qancinta Macaamiisheeda iyo la socodka Horumarka Technology-da Caalamka, waxay soo bandhigaysaa adeegga 3 G.

Adeeggan cusubi wuxuu Macaamiisha u sahlayaa , in ay helaaan Internet ku filan, Maqal iyi Muuqaal { Video Conference} kaas oo Jaamacaduhu uga faa’iidaysan karaan Adeegga waxbarashada , iyaga oo Macalimiin ku sugan Caalamka daafihiisa ku xidhaya ardayda ku sugan waddanka gudihiisa .

Haddaba Maamulka Shirkadda Hormuud Telecom , iyo dhammaan Shaqaalaha Shirkadduba waxay Bogaadinayaan Daahfurka Adeeggan cusub. waxayna ugu baaqayaan Macaamiisha Hormuud inay ka faa’iidaystaan adeeggan Kaabaya Noloshooda.

Sidoo Kale Shirkadda Hormuud Telecom waxay u ballan qaadaysaa dhammaan Macaamiisheeda , in ay ma rwalba u sahaminayso Adeegyo Hufan oo ay ku raaxaystaan.

“Hormuud Telecom, waa haqabtiraha baahidaada isgaarsiinedd.”

Guddoomiyaha Hormuud Telecom Somalia .
Axmed Maxamuud Yuusuf
Mogadishu

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shirkadda Hormuud oo Daah-Furtey Adeega 3G ( Third Generation ) "

  1. Kordahab says:

    Asc
    Hormuud horta ha saxdo qaabka ay macaamiisha kula dhaqanto iyo shaqaalaheeda, waxaan u arkaa inay si laqdabo ku jirto ula macaamilaan shaqaalaha ama qofka cusub ee ku soo kordha oo laga yaabo innuu ku soo kordhin lahaa fikraddo badan, intooda madaxda ah ayaa isku koobta
    rayiga waxayna u badan yihiin dad aan wax ka aqoon public relationka iyo human resource wax la yiraahdo. waxaa iga tallo ah in aad sida aad hadda u soo ban dhigteen ka horumarisaan ama wax ku soo kordhisaan, G3 uma maleynaayo innuu sii soconaayo. ee wax kale doonta, waxaa kaloo shirkadda Hormuud looga fadhiyaa qof public relation oo qibradd aqooneed iyo dad dhex gal leh ay helaan, shaqaddoodu waa gaabis.