Home » Warar »

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegey in ay Meesha ka baxdey Isafgaranwaagii u Dhaxeeyey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaalaiya ayaa ka hadlay Xiriirka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kiinya.

Guuleed oo Warbaahinta qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya inuu yahay mid si aad ah u wanaagsan isla markaana aysan jirin xiligan wax is faham waa oo u dhaxeeya labada dhinac

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday Booqashadii dhawaanta Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud uu ku tegay Dalkaas iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Kenya. Guuleed oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in labada dhinac ay isla soo qaadeen xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya iyo sidii loo sii horumarin lahaa Xiriirka haatan ay wadaagaan labada dhinac waa Soomaaliya iyo Kiinyee.

Wasiika Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in arrimihii ugu cuslaa ee labada dhinac ay isla soo qaadeen in ay ka mid ahayd sidii si wadajir ah ay uga wada shaqeeyn lahaayeen dhinaca Xadka iyo ammaankiisa.Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa farta ku fiiqay in booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay Kenya ay ahayd mid mira dhal ah isla markaana meesha ay ka baxeen wixii Mad Madoow ahaa ee Saxaafaddu qaarkeed hore u sheegeen.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in labada dal ay leeyihiin Hal Cadow kaasoo ah waa sida uu hadalka u dhigaye Xarakada Shabaab sidaa darteedna loo baahan yahay sidii loola dagaalami lahaa. Si kasta ha ahaatee hadalkan wasiirka ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambe la hadal hayay in Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya inuusan wanaagsanayn isla markaana uu jiro mad madow soo kala dhex galay labada dhinac ka gadaal markii Ciidamada Kiinyaanku ay qabsadeen Gobolka Jubada Hoose kuwaasoo la sheegey inay si aad ah ugu xaglinayeen in Maamul ay halkaa ka sameeyaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


War-saxaafadeed*
*Shirka Golaha Wasiirada*

*Isniin, December 24, 2012—–*Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid).

Kulankan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Amniga, Natiijada Safarkii Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka uu ku tegay dalka Ciraaq, Mudane Muxiyadin Moxammed Kaalmoy. Sidoo kale Duufaanno la filayo inay ku dhuftaan qeybo ka mid ah xeebaha Bari ee Soomaaliya.

Gebagebadii kulankan ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariim Xuseen Guuleed isaga oo sheegay in qodobada laga hadlay ay ugu horreeyey sidii Amniga magaalada Muqdisho loo sii adkeyn lahaa, wuxuuna xusay in la howlgalinayo ciidamo gaar ah oo habeen iyo maalinba roondooyin ku sameeya degmooyinka magaalada, waxaana kabi doona Booliska AMISOM.

Dhinaca kale, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka oo socdaal shaqo ku tegay dalka Ciraaq, kana qeybgalay kulan halkaasi ay ku yeesheen Wasiirrada Hawlaha Guud ee Dalalka Carabta ayaa gebegabadii lagu go’aamiyay in Soomaaliya laga taageero dhanka dib u dhiska iyo Horumarinta.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Dowladda Ciraaq ay balan qaaday inay u soo direyso Soomaaliya Markab sida mucaawino ah kaasoo lagu qiimeeyay 8 Milyan oo Doolar, iyadoo sidoo kale ugu yaboohday Soomaaliya lacag dhan 10 Milyan oo Doolar oo lagu horumarin doono Wasaaradaha Xukuumadda iyadoona soo direysaa wefdi ballaaran oo ka socda Wasaarado kala duwan oo eegi doona baahida dalka.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradu waxay go’aamiyeen in dib-u-eegis lagu sameynayo howlaha Maxjarka Xoolaha la dhoofinayo kaasoo lagu waday in la bilaabo 31-ka bishan Disember, waxaana loo saaray guddi isugu jira Wasiirro iyo Ganacsato oo soo diyaarin doona howlahii fududeyn lahaa dhoofinta xoolaha.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa digniin u jeediyay dhamaanba shacabka Soomaaliyeed ee ku nool nawaaxiga Badweynta Hindiya, gaar ahaana kalluumeysatada ka jilaabata xeebaha, isagoo uga digay in la filanayo inay kacaan dabeylo dhanka badda ka imaanaya, taasoo waxyeello u geysan karta doonyaha kalluumeysiga

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.