Home » Warar »

Boqolkii Maalmood ee Dowladda oo uga Dhamaatey Magacaabis: 10kii September – 19ka December 2012

10/9/2012 – 19/12/2012: Waxaa buuxsamey 100 maamlmood oo ka soo wareegtey doorashadii Xasan Maxamuud, waa Saddex Bilood iyo Toban Maalmood…..

Guuxa Dadweynaha :

  • 1-Ilaah ha na Dhaafiyo midaan
  • 2-Waa Boqol Maalmood oo ku dhamaatey Magacaabis
  • 3-War ha loo sugu Sannad
  • 4- Lix Bilood Gaari meyso
  • 5- Waa Dowlad jabisey Gidaarkii 4.5-ka
  • 6- Tii Shiikh Shariif baa Dhaantey
  • 7-Waa Dowlada lacag yari nagu ridey oo aan Shaxaad lahayn
  • 8-Waa Dowlad fiican oo Xirtey Ilihi Dhaqaalaha ee la iska Guran jirey
  • 9- Waxay Boqolkii Maalmood nagu ridey Sicir Barar
  • 10- Waa Dowlad ay wareegtadeeda Shaqeyneysa waayo waxay qaadey Isbaarooyinkii
  • 11-haddii Boqolkii Maalmood uga dhamaatey Magacaabis Maxay qaadan doontaa Magacaabista Agaasimayaasha iyo Taliyayaasha Ciidamada
  • 12-Waa Dowlad aan markii Hore soo dhaweeyey markii ay 10 Wasiir Magacawdey balse Gadaal bay ka Dhiiqatey waxay Xukuumadii Noqtey 35 Wasiir maxay Dhaantaa kuwi ka horeyeey
  • 13-Waxaa Boqolkaas maalmood la Diley Dad fara badan oo isugu jirey Odey dhaqameed, Taliyayaal Ciidan,Wariyayaal iska dhaaf qaybaha kala ee Ciidamada iyo Dadka kale ee rayidka ah
  • 14- WaxaaDhacay Qaraxyo dad badan ku dhinteen,
  • 15- Waa Dowlada Kalsoonidii ku weysey Arrinta Ksimaayo
  • 16- waa Dowlad aan Boqolkii Maalmpood wax ka qaban Dhul Boobka ka jira Muqdisho
  • 17- Shacabka si Cad ugu ma faafaahin Sababta loo Kireeyey Safaaradii Soomaalida ee Magaalada Roma
  • 18- Dowlada Maxay uga Jawaabi weydey Cabashadii Ganacsatadii Suuqii Bacadlaha
  • 19- Nin Ku Diley oo hadan kaa warbxinaya waa dhacdooyinka Howlgada Ciidamada
  • 20- Maxay Dowlada Maxkamad u saari la’dahay dadka fara badan ee la qabtey wixii ka dambeeyey Doorashadii Xasan

Markaan Guda galno Guuxa Dadweynaha oo isugu jira Dhaliil iyo Amaan bal aan dib u qooraasano markii la Doortey Xasan Sh. Maxamuud waxaa u Buuxsamey 100 Maamlmood 10/9/2012 – 19/12/2012 waa Saddex Bilood iyo Toban Maalmood.

Hadaba haddii aan dib u Qooraansano wixii dhacay Boqolkaas maalmood waxaa Madaxweyne Xasan Maxamuud markii ay bishu ahayd 12-ka September 2012 ayaa laba maalmood ka dib Doorashadiisa waxaa lala Beegsadey Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotelka Jasiira , waxaana Maalinkaa Qal-Qal ku yimid Degenaanshihii Madaxweyne Xasan Maxamuud oo markaa la kulmayey Wasiirka Arimaha dibada ee Kenya oo isugu Afka Labadii yeerey kuna eedeeyey Qaraxaasi Madaxweynihii hore ee dawladii KMG ahayd Sh. Shariif Sh. Axmed oo isagana iska Difaacey eedeeyntaasi. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa isna sheegey in Dowlada Federaalka ugu dulqaadaneyn in loo gefo Shiikh Shariif..

Hadaba maxaa kaloo 100-Maamlmood dhacay:

Madaxweynaha waxaa uu ka baaqdey Shirkii Qaramada Midoobey oo Sannadkiiba mar la qabto, hase yeeshee Baaqashadaasi waxay dadka u kuurgala arrimaha Siyaasada ay sheegeen in Dowlada ay dhabar jab ku ahayd Baaqashadiisa waayo waxay sheegeen in Xasan Sh Maxamuud ay Fursad u ahayd kulankaas ay isugu imaanayeen Madaxda 190 Dowladood. Xiligaas ayaa Madaxda Dowladaha soo koraya ay ka faaiideystaan si ay Madaxda ay la kulmayaan loona barto uguna gudbiyaan yoolkooda, qaar kalena uga helaan Dhaqaale ay ku kabtaan Dowladooda, waxaana Shirkaas loo direy Raiisul Wasaarihii Hore DFKMG Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Dadka qaar ay ku tilmaameen Safar Dalxiis ah.

19 kii September 2012 waxaa Madaafiic lagu soo garaacay agagaarka Villa Soomaaliya waana Madaafiicdii ugu horeysey ee laga maqlo Magaalada Muqdisho tan iyo markii la Magacaabey Madaxweyne Xasan oo dad rayid ay waxyeelo ka soo gaarto. Dhacdadii ugu Xanuunka Badneyd waxay ahayd 20 kii September Laba Qaraxyo oo Ismiidaamin ay ka dhaceen Restaurant Village oo ku dhawaa Guriga Hooyooyinka waxaa Qaraxaasi uu ahaa mid dhabar jab ku ahaa Dowlada Federaalka oo markaas Jirsatey 10 Maalmood waxaana dhacadaasi ku Geeriyoodey 25 qofood oo ay ku jreen Saxafyiin iyo dad gaaraya 30 ay ku dhaawacmaan. Sidoo kale 21 September waxaa Dharaar Cad la diley Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo u shaqeynayay Idaacada Maanta isla Galabnimadaas ayaa waxa isna la diley Wariye u shaqeynayey Webka Ciyaaraha.

Weli waxaa ku guda jirnaa Dhacdooyinkii Dhacay Boqolkii Maamlmood ee ay Dowladu sheegtey in la dareemi doono Nabagelyo hase yeeshee maxaa dhacay: 23kii September 2012 ayaa Degmada Waaberi waxaa lagu diley Xildhibaankii ugu horeeyey ee Dowlada Federaalka, Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed oo uu Soddog u ahaa Madaxweynahii hore ee DFKMG Soomaaliya Sh. Shariif, isla habeenimadii waxaa halka lagu Magaaco Birta dheer ay Ciidamada Kenya ku Xasuuqeen daa reer Guuraa ahaa oo tiradoodu gaareysey 10 Qofood oo aan Dowladdu ka hadal, isla Bisha September ayaa ku Guda Jirnaa waxaa marka ay Bishu ahayd 29 Ciidamo ka tirsan Kenya ay la wareegeen Magaalada Kismaayo ka dib marki ay halkaa isaga Baxeen Ciidamada Xarakada Alshabaab waxay Dowlada u ahayd Guul balse dhinaca kale marka loo fiiriyo waxay u ahayd Guuldaro ka dib markii Dowlada Kenya ay sheegtey in arrinta Kismaayo ay kala tashaneyso Ururka Raaskambooni.

Bal aan fiirino wixii dhacay October:

Bishii Oktoobar 2012 waxaa Magaalada Beled weyne ka dhacay Fatahaad ay waxyeelo ka soo gaartey Dowlada Federaalka inkastoo Madaxweynaha uu booqdey Magaaldaasi hadana sidii la rabey Dowladda ugama Jawaabin codsigii Shacabka waxaana Shacabka ku nool Magaaladaasi ay sheegey in la Musuqmaasuqey Kaalmadii loogu talagalyey hase yeeshee Hay’adu Samafal oo ka Howlgala Gudaha Dalka iyo Shirkado Ganacsi ayaa la dhehi kartaa way ka Jawaabeen Codsigii Shacabka reer Hiiraan.

Waxaa 25 Oktoobar Bacadlhii Xamar weyne lagu wareejiyey dad kale oo bixiyey Lacago Fara badan iyadoo weli ay Cabanayaan Ganacsatadii Bacadlaha oo horey Dowladii hore u siisey , hase yeeshee Dowlada Federaalka kama jawaabin Cabashadaasi, mar aan wareysaney Ganacsatada waxay sheegeen in ay haystaan Waraaqihii lagu siiyey Bacadlahaasi.

Markii 26 Maalmood ay Dowlada Xasan Sh Maxamuud ay jirsatey yaa waxaa 6-10-2012 Madxweynaha Dowlada Federaalka uu Ra’iisul Wasaare u Magacaabey Cabdi Faarax Shirdoon, waxaana lagu tilmaamaa Magacaabistiisaasi tii ugu dheereeyd ee Muddo qaadatey, waxaana Magacaabistaan soo dhaweeyey Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

9- kii Bisha Oktoobar waxaa uu Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Safarkiisii ugu horeeyey ugu Ambabaxay Magaalada Kamabala ee dalka Uganda ka dib markii uu Martiqaad ka heley Madaxweynaha Uganda Musavini.

Waxaa la Gaarey November:

4-tii November Raiisul Wasaare Shirdoon waxaa u ku dhawaaqey Dowlad ka koonan 10 Wasiir taasoo si siman ay Xukuumadiisa ugu qaybisey Beelaha Soomaaliyeed waxaana si weyn u soo dhaweeyeyey Shacabka Soomaaliyeed , waana Xukuumadii ugu horeeysey jabisey Gidaarkii 4.5.

5 Bishii Nofembar waxaa Gobolka Shabeelada Hoose lagu diley Taliyihii Guutada Shanaad Gereaal Gordon isla Bisha Nofembar waxaa Magaalada Beled weyne lagu diley Talihii Ciidamada Gobolka Hiiraan ee Dowladan Federaalka Col Muumin, waa laba dil oo la dhihi karo waxay Caqabad ku yihiin Dowladda oo ah Balan qaadkii Dhinaca Amaanka.

7-dii November waxaa Dowladda Federaalka ay wafdi u Dirtey Magaalada Kismaayo waxaana uu Wafdigaasi isugu jirey IGAD, EU iyo Dowlada Federaalka hase yeeshe waxaa laga soo celiyey Garoonka Diyaaradaha ka dib markii Ururka Raskambooni uu u diidey in ay Gudaha u galaan Magaalada Kismaayo, waxaana arrinkaan ka Caroodey Dowladda Federaalka oo ilaa iyo Hadda Dowlada wax Xal ah ka gaarin arrinta Kismaayo. Sidoo kale Boqolkii Maamlmood waxay Dowlada Federaalka ay Maareyn kari weysey Dhuxushii laga Dhoofinayey Dekeda Kismaayo , waxaana Amaro ka soo baxay Dowlada Federaalka Gaashaanka u duruurey Ururka Raskaambooni.

9-kii November waxaa Magaalada Muqdisho lagu diley mid ka mid ah Odoyaashii Saxiixeey Dastuurka Soomaaliya islamarkaana waxaa uu ka mid ahaa Odoyaashii soo xuley Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana lagu Magaabi jirey Malaaq Isaaq Ibraahim, waxa mar qura isla dhawaaqey Odoyaashii Dhaqanka oo sheegey in Dowlada aysan wax Xil iska saarin Amaanka Odoyaasha waxaana iyadoo qayla dhaantaas lagu guda jiro hadana la diley Odey dhaqameed kale oo lagu magacaabi jirey Axmed Codeey waa dhacdo kale oo Dhabar jab ku ah Dowlada ee dhinaca Amaanka.

12 Nofembar waxaa Agagaarka Masjidka isbaheysiga ka dhacay Qarax lala damacsanaa Xildhibaanada Baarlamanka hase yeeshee waxaa ku geeriyoodey laba ruux, balse Xukuumada waxaa arrinkaas uga yimid dhaleeceyn fara badan waayo meesha uu Qarax uu ka dhacay waa meel si aad ah amaankeeda loo adkeeyey , waxaa Xigey Qarax kale oo isna ka dhacay Baarka Restaurants Village oo ku yaaley agagaarka Banaadir waxaana ku dhintey hal ruux waana Qaraxii Labaad oo lala beegsado Baarkaasi intii lagu guda jirey Boqolkii Maalmood.

26 –kii Nofembar waxaa Suuqa bakaaraha lagu diley Gudoomiyhii Ganacsatada Bakaaraha Axmed Nuure Ow Diini sidoo kale Qaraxyo ka dhacay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lala beegsadey Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka kuwaas oo ka soo gaarey Khasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Waxaa markale la gaarey December 2012:

Intii lagu Guda jirey Boqolkii Maalmood gaar ahaan bisha December Waxaa Saqdii dhexe Madaafiic lagu soo ridey Villa Soomaaliya waxaana Madafiicdaas ka soo dhacdey qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyadoo maalinkii ka horeeyey Saraakiisha amaanka ay sheegeen in la xaqiijiyey amaanka Magaalada Muqdisho , waxayna Madaaciicdaan ay Canaan weyn uga timid Laamaha amaanka oo shir dhacay midba mid kale eeda Dusha uga saarey.

Bisha December waxaa soo yeerey in la Kireeyey Safaaradii Soomaaliya ee magaalada Roma ee cariga Talyaaniga hase yeeshee Dowlada Fedraalka arrintaas waxba kama qaban, Shacabka Soomaaliyeedna waa ka Xanaaqsanaa Arrinkaas, Xildhibaanada Baarlamaankuna waxay u yeereen Wasiirka arrimaha dibada oo wax laga weydiiyey waxayna barlamaanka ka shgeetey in arinkaan ku aadan Kireynta ay ka horeysey hase yeeshee waxay sheegetey in ay Guddi u saareenarrintaasi.

Dowlada Federaalka waxay ku guuleysatey in ay qaado isbaarooyinkii ka jirey Magaalada Muqdisho taasoo ay siweyn u soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed waana wax qabadkii ugu weyna ee Dowlada Federaalka ay qabato, waxay Boqolkaas maalmood sidoo kale qabatey markii ay Dowlada joojisey lacagahii sida Macnadarada loo qaadan jirey oo lagu takri fali jirey, sidoo kale wax qabadka waxaa ka mid ah markii ay bixiey Mushaarooyinkii Ciidamada walow aan laga dhabeyn hadalkii Madaxweyne Xasan ee ahaa in Ciidamada Mushaadkooda uusan soo daahi doonin.

Xasan Maxamuud Calasow, Maxaweynaha DFS

Waxaa 13 kii Bisha December Raiisul Wasaare Shirdoon uu soo Dhameystirey Golhiisa Wasiirada waxaa uu Magacaabey 20 wasiir Ku xigeen 5 Wasiiru Dowlayaal waxayna Dowladiisa isku noqotey 35 Wasiir , hase yeeshee Maalinkii la magacaabey Maalinkii Xigey waxaa is Casiley mid ka mid ah Wasiir ku xigeenadii oo ahaa Wasiir ku xigeenkii Maaliyada Abuukar Xasan Cali taasoo Dhabar Wareentey Xukuumada Shirdoon hase yeeshee dadka qaar baa dhaliiley Tirada Wasiir ku xigeenada la Magacaabey oo ku tilmaamey mid aan wax ka duwaneyn kuwii hore.

100-kii Maalmood ee ay jirtey Dowlada Faderaalka oo iyadu sheegtey in Boqolkaa Maalmood la Dareemi doono wax qabadkeeda iyadoo sheegtey in ay Xooga Saari doonto Dhinaca Amaanka hase yeeshee Aqoonyahan lagu Magacaabo Saciid Cali ayaa sheegey in Dowlada Federaalka ay ku Fashilantey Dhinaca Amaanka waayo waxaa 100-kaas Muqdiisho ka dhacay Qaraxyo , Dillal aynaa ku dhinteen dad farabadan marka aniga waxaa dhihii lahaa Dowlada wey ku guuldareystey Barnaamijkii Boqolka-Maalmood.

Maalmihii Hore Dowlada waxaa soo gaarey Dhambaalo isugu jirey kuwa u badnaa Talooyinka ku aadan sida ay Dowlada u wajaheyso Barnaamijka 100-ka Maalmood: dadka qaar ayaa soo jeediyey in Dowlada ay dejiso Qorshe ku aadan qaabka loo wajahayo dhinaca Amaanka iyo weliba sida kor loogu qaadayo arrimaha adeega Bulshada, sidoo kale Dadka qaar baa qaba in 100-ka Maalmood ay dowlada uga dhamaatey soo Magacaabistii Raiisul Wasaaraha Golhiisa Wasiirada sidoo kale dhinaca Safarada Madaxwenaha marka la fiiriyo Dowladii Shiikh Shariif waxay Boqolkii Maalmood uu dalka ka amababaxay 16 Safar halka Xasan Maxamuud uu dalka uga amababaxay ilaa Shan Safar ,Raiisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka weli ma bixin sidii loo doortey.

Isku soo wada duuboo Boqolkii maalmood ee ay jirtay Dowlada Xasan Maxamuud waxaa dhihii karaa waa Boqol maalmood oo wax badan la qaban karay, hase yeeshee waxay uga dhamaatey Magacaabis iyo is jiid jiid ku aadan dhinaca Xilalka, hadaba waxaa Sugnaa waxay tahay Sannad ka dib maxay la imaan doontaa ma sida hada ay tahay bay sare uga kici doontaa oo ay ku soo afjari doontaa dhaliilaha Guuxa Dadweynaha.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.