Home » AmiinYuusuf »

Hoonka Muqdisho – Maqaal xiisa leh | Amiin Yuusuf

Hoonka Muqdisho

Shirkaddaha Gawaarida soo saara inta badan kama tagaan dhawaaqa Hoonka oo ah Calaamad u taagan in Gaari soo socdo, waxaa inta badan loo yeeriyaa Gawaarida aan maqal Guuxa Gaariga iyo dadkaba, waxaana markiiba dhacda in gaarigasi laga leexdo ama seed la siiyo.

20-kii sano ee dagaaladu ka socdeen dalka Soomaaliya, wax walba way is bedeleen, ha noqoto isku socodka gaadiidka iyo waliba Taraafikada hagta Gawaarida, waxaad arkeysaa gaari ku socda wado qalad ah, markaad u sheegto ninka darawalka ah, waxa uu kuugu jawaabayaa “Weligay sidaan ayaan ku socday”, sidoo kale Taraafigada hagta gawaarida ayaa firinbigooda dheg jalaq loo siin, waxaadna arkeysaa iyaga oo ku dhegan albaabada Gawaarida oo shaxaadaya darawalka Gaariga, waxayna dadweynuhu darawalka ku yiraahdaan “War u tuur kunka shilin maantoo dhan ayuu qoraxda taagnaa”.

Wadooyinka Muqdisho markaad mareyso waa in dareenkaagu taagnaadaa waayo waxaad daqiiqad kadib maqleysaa rasaas, haddii aad damacdo inaad cararto waxaa lagu leeyahay “Waxba ha cabsan waa hoon ka mid ah kuwa casriga ah ee Muqdisho ka soo ifbaxay”, qofkii inta uu yaabo iska jafjafto ayuu iska sii socdaa. Dhacdooyinka la yaabka leh, waxaan arkay Gaari ciidamo saaran oo ridaya rasaas iyadoo ujeedkoodu yahay in ay wadada ku furtaan, hase yeeshee waxaa inta badan ka dhasha khasaarooyin dadka soo gaara, dadka qaarkii way is jiiraan, iyadoo qofkaasi uu raadsanayo meel kaga gambado rasaasta, wax yar kadib waxaad arkeysaa wadadii oo caadi ku soo noqotay, hase yeeshee qoladii ridday rasaasta la daba dhigaa sida “Meel daran ka baxa” iyo wax la mid ah.

Waxaa la yaab, markaan indhaheyga ka qaaday haweenay uur leh oo lagu shamuumsan yahay kadib markii ay aad uga argagaxday Gaari koox maleeshiyo oo rasaas ooda ka qaadey kuwaas oo doonayey in ay wada ku furtaan, xaqiiqdii haweyneydaasi miyirkii ayaa ka tagay mudo kadib ayay soo naaxday, markaas ayay waxay tiri “Xabad miyaa igu taala”, “Maya Hooyo xabad kuguma taalo” ayaa loogu jawaabay, wax yar kadib haweeneydii waxaa ku soo deg degtay fool, waxaana loola cararay isbitaal, waxayna dhashay canug waqtigiisa ka soo hor maray, waxaa isweydiin mudan waa kuma qofka mas’uulka ka ah dhibkaasi ku dhacay haweeneyda uurka leh?.

Hoonka cusub ee Maleeshiyadda Muqdisho waxa uu markii hore ku ekaa Qoriga AK-47 balse wadada ka wareeg (Hoon) waxaa loo adeegsadaa hubka culus, sida Dhashiikaha, Shilkaha iyo Zuu, waayo dadkii ayaa xabadda ka dhacda AK-47 la qabsaday, haddii ay dhawaqeeda maqlaana u fahma in wadada lagu furanayo, si Maleeshiyadu taa u bedesho ayay la yimaadeen qorshahan cusub, oo marka la maqlo dhawaaqa xabad culus markiiba wadadu ay noqoneyso mid faaruq ah ha noqoto dad ama ha noqoto Gawaari, hase yeeshee waxaa ka dhasha dhawaaqaas argagax iyo dhaawac ka soo gaara dadka rayidka ah.

Reer Muqdisho waaba la qabsadeen haddii doonaan mararka qaar ha argagaxeen balse waxaa xusid mudan in shaqsiyaad dhawaan ka yimid dibadda laga dhaadhicin waayey in waxa dhacay wado lagu furanayey, tusaale shaqsi ku cusubaa xaaladda Muqdisho ayaa maalin korkiisa ka yeertay rasaas waaweyn oo koox maleeshiyo ah wadada ku furaneysay markiiba cagaha ayuu wax ka dayey, oo raadsaday meel uu kaga gambado xabadda, hase yeeshee dad la socday ayaa ka daba orday, wayna gaari waayeen, in cabaar ah markii laga daba cararayey lagana daba qaylinayo iyadoo lagu oraneyey “War waa Hoon… War waa Hoon… War waa Hoon…” ayaa lagu guuleystay in la gaaro, hadalkii ugu horeeyey ka soo baxay waxa uu ahaa “Yaa meesha ku dagaalamay imisa ayaana dhimatay”, “War dagaal ma ahan ee waa rasaas lagu furanayey wadada wax dhintayna ma jiraan ee fuleynimada iska dhaaf ee ina keen”, “Haddii Hoonkiinu sidaan yahay waxaan idinka codsanayaa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan dib iigu celisaan meeshaan ka imid” ayuu hadal ku soo gunaanaday.

Nin Maleeshiya ah oo aan la sheekeystey waxna ka weydiiyey waxa ay u ridaan Rasaasta marka ay marayaan wadooyinka ayaa yiri “saaxiib dadkaan waxba ma maqlaan,dhagahoodana waa hore ayey xirmeen iska dhaafee maanta waxay taagan tahay AK-47 aniga waxaan ku sii deyn lahaa Qoriga Jiibka”
Waxaa xusid mudan in ciidamada inta badan rasaasta u adeegsada jid ku furashada ay yihiin ciidmaada Booliiska Soomaaliyeed oo wata Gawaari ay ka muuqato calaamadda booliiska, kuwaas oo ah ciidamada ugu horeeya ee looga fadhiyey in ay dhowraan sharciga iyo anshaxa, hase yeshee waxay horseedeen xitaa ciidamada AMISOM hadda uga daydaaan in iyana rasaas u isticmaalaan wadooyinka marka ay mashquul noqdaan, waxayna keentaa mararka qaar dhimasho ama dhaawac.

Habka hoonka cusub waxa uu hadda si weyn uga dhex muuqdaa Caasimada Muqdisho, waxayna dadku cabasho badan ka muujiyeen arrintaan, inkastoo aysan jirin cid weli dheg jalaq u siisay, dadka intiisa badan ayaa ku talinaya in haddii aan xal loo helin arrintaan ay keeni karto iin madfac loo adeegsado furshada wadooyinka hadda waaba rasaas fudude.

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Hoonka Muqdisho – Maqaal xiisa leh | Amiin Yuusuf "

  1. umma says:

    asc dhamaantiin
    Amiin yusuf aad baa ugu mahadsantahay qoraaladaada, runtii waa qoroole ku dhisan murti iyo xaalda maanta magaala madaxdeeni ay ku sugantahay. markii aan qoraalkan aqrinayay aad ayaan u qoslay oo caruurtayda baa yari hooyo maxaa maanta kaa qoslisiiyay. Allah wadankeena nabad ha ka dhigo NABAD aad ayaan muqdisho ugu xiisnay.

  2. Cadnaan says:

    Asc mudane wariye adbad ugu mahadsantahay qoraladada qimaha badan marwalba on akhriyo maqalkaga waxay iga dhigta aniga o muqdisho dhexjoga adban ugu qoslay shekadan waliba ninka bananka kayimid adbad umahadsantahay

  3. bashiir yare says:

    asc walahi shekan markan aqriyay halsac ayan qoslayay ee aminow sxbow mid tan ka siidaran soo raadi waa sheko cajiba sxb tan oo kale man arag viva qasaro

  4. bashir says:

    Amiin yuusuf waa qoraa maqaalikiisu gaaro qofka akhriyaaya. guul amiin.

  5. Said says:

    Aamin Yusuf aad baan uxiiseeyaa maqaaladaada aad kusoo daabacdid Somalitalk.com waa kuwo qiimo iyo qaayo badan.

    shaqada fiican halkaas kasii wadan!

  6. Aways says:

    Walee walayaab waxaan maqlay jiray qabiilo qof u waalanyahay qosal kama dharagto Soomaaliya Allaha nooleeya

  7. Amiiin Yuusuf Khasaaro waan ku salamaay sxb salaan kadib qoraalaadaada waa mid aan aad ula dhaco markaan aqriyo waxaana kaaga mahadcelinayaa sida wanaaga badan ee aad noogu soo gudbiso xaqiiqda ka taagan soomaaliya
    aniga waxan ku leeyahay sxb noolow
    aniga waxaan ku siin lahaa abaalmarinta wariya sanadka dhinaca nabada
    Soomali baan ahay
    Sabadaydu waa meel
    Siman oo dagaal badan
    Haddii aan socdaal tago
    Anigoo sibraariyo
    Solay jiidha qaato
    Warankayga siibane
    Ku sibaaqa xaydhoo
    Senga fuula mooyee
    Sahal looma mari karo
    Sagal li’i ma nabadgalo

    Laba surin ku kulantaa
    Markii ay salaantiyo
    Sideed tahay dhameeyaan
    Su’aashoodu waa qolo
    Ninba saamiguu yahay
    Anigoo sansaankiyo
    Sawraca tilmaantiyo
    Saantayda oogada
    Sifo aan wadaagoo
    Sawir keliya leeyahay
    Sixirkii qabiilkiyo
    Sumadaydu waa qolo
    Yonis Nour Farah
    Khartoum sudan

  8. ganeey says:

    amin yuusuf khasaaro best writter qoraaga ugu fiican uguna fikradda badan amin noolaa , magaaladda muqdsiho mugdi ay ku jirtana way ka baxi doontaa marka uu rabi idmo