Home » Warar »

Isbaaradii ugu Weyneyd Isbaarooyinka ee Magaalada Muqdisho oo la qaadey

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku Sugan Ex. Kontorll Afgooye ayaa Isniintii qaaday Isbaaradii Gaadiidka Lacagaha looga qaaday ee halkaas taalay.Isbaaro qaadistaas kaddib ayaa waxaa Saxaafadda halkaa kula hadlay Taliyaha Ex. Kontorool Afgooye Gaashaanle Nuur Xasan oo Saxaafadda uga warbixiyay qaabkii ay u qaadeen Isbaaradaas.

Taliyaha ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa inaan isbaaro la ogoleen ayuu Ciidanka Aaggaasi halkaasi ka qaaday Isbaaradii Lacagaha looga qaadayay gaadiidka isaga Goosha Gobolada Koofureed ee iyo Muqdisha.

Nuur Jareer ayaa hoosta ka xarriiqay in maanta wixii ka dambeeya aan la aqbali karin in Ex. Kontorool Afgooye lagu qaado Lacago sharci darra ah isagoona farta ku fiiqay in Askari gii lagu arko isagoo Gacanta u fidsanaya Gaadiidka B.L.ka ah iyo Gaadiidka kale ee Wadadaas ku socdaala in tallaabo sharci ah laga qaadayo.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay afhayeenka Ciidamada Ex. Kontorool Afgooye oo sheegay in Ciidamadoodu Isbaarada markii la qaaday kaddib in ay qaadeen OlOle ay ku Nadiifinayaan Wadada Afgooye. Afhayeenka ayaa sheegay in hawl galkaas ay ku soo qab qabteen Tiro Dad ah oo uu sheegay in ay ku lebisnaayeen Direyska Ciidamada kuwaasoo Wadada u galayay Gaadiidka halkaa maraya.

Dhallinyaradan ay soo qabteen ayuuna sheegay Afhayeenku Axmed yare in ay u gudbin doonaan Xabsiga si loo Maxkmadeeyo.Si kasataba gaadiidka wadadaas isaga goosha ayaa maanta si madaxbanaani ah halkaa ku marayay iyadoo aysan jirin wax lacago ah oo laga qaadayay waxayna Isbaaradaan ay ahayd tii ugu weyneyd ee Nooc Isbaaro ah waxaana maalinkii ka soo Xaroon jirtey Kumaana Doolar

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyey Qaadista Isbaaradaas oo ayad mid si aad ah loogu dhibi jirey gaar ahaan Gaddidka isaga Goosha Koonfurta Soomaaliya waxaana Magaalada Muqdisho Maanta ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo Isbaara Qaadista Magaalada Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.