Home » Faallo »

Gaza iyo Khaliijka kala War La’

Qofna kama Qarsooneyn wixii ka dhacay Magaalada Gaza ee Dhulka reer Falastiin , Hub nooc kasta ayaa lagu Garaacay iyadoo ay Daawanayeen Malaayin Muslimiin ah iyo Walaalahooda Carbeed inkastoo Wadamada qaar Shacabkooda ay ku Muujiyeen Banaanbaxyo sida ay uga Xun yihiin waxa ka dhaca Gaza Hadana Dalal qaar baa laga diidey in ay Banaanbax Muujiyaan sida Wadamada Khaliijka oo Xitaa Warbaahintaoda loo diidey in ay sii daayaan Gumaadka lagu Hayo Reer Falastiin.

Inta aysan Bilaaban Duqeynta Israaiil waxaa Magaalada Gaza lagu hayey Go’doomin dhinac waliba waxaa dadka qaar ay u dhimanayeen Gaajo iyo Darxumo waxaa iigu yaab badneyn markii Qoys Khaliijka ka tirsan Cuntadii ay laba Caleynayeen ay ahayd mid ay ku noolaan karaan Boqol reer Falastiin inta aad u murugoodey ayaa hoosta ka iri “ Walaakiisna ma sidaa baa loo galayaa isagana ma Laba Caleyntaas buu ku jiraa nin kale oo ila Daawanayey ayaa yiri “ ma u maleyneysaa in Hubka maanta lagu Garaacayo reer Falastiin lacagta ku baxdey ay bixiyeen Wadamo Carbeed markaas baa iri “Wallee Waa Runta Soomaalidu waxy tiraahdaan “Gudin yahay ima Gooyseen Haddi Gabal key kuugu jirin” maanta waxa lagu dhigayo Falastiin waxaa Sabab u ah Walalahooda Carbeed

Wargeys soo baxay Sanandihii Sideetamayadii markii reer Falastiin lagu qasbay in deegaankooda laga Barakiciyo islamArkaana wadamadii Carbeed ay diidEen in ay Qaxootigaas qaabilaan ayey waxay ma Ciin bideen Wadanka lubnaan oo iyadana Xeryihii Sabra iyo Shatila looga daba tagey laguna Xasuuqey ayaa Wageyskaas waxaa uu qorey Falistiin Xor noqon mayso inta ay Joogaan Madaxda Khalijka sidoo kale Xor noqonmayso Magaalada Qudus

Saansaankii in ay Xor noqoto Falstiin ayaa soo Muuqanaya markii dhawaan Dagaal ay la galeen Israaiil kuna qasbeen Israaiil in ay Ogolaato Heshiis Xabad joojin , waxaana arkinkaan Fududdeeyey Kacdoomadii ka dhacay Wadamada Carbeed oo iyagu Horseed u noqdey in Falastiin hesho Hub ay kula Dagaasho Wadanka Israiil kaasoo gaarayey Magaalada Talaviv waxaan Wargeys ka soo baxay Dalka MasAr uu qorey Maqaal uu ugu Magacdarey”Falstiinta Maanta ma aha Falastintii hore “ waxayna halkaan ku gaartey Kocdoonkii ka dhacay Masar, Yaman, Liibiya , Tuuniiya , hadii Kocdoon kale uu ka dhacay Wadamada Khaliijka sow lama oron karo Falastiin waxay heli doontaa Xoriyad taam ah.

Qoraalka aan ugu Mgaacdarey Gaza iyo Khaliifka kala War La’ waxaan u soo qaatey markii Duqeynta ku socotey Magaalada Gaza ee Reer Falastiin ayaa waxaan Daawanayey sida ay u Mashquulsan yihiin Wadamada Khaliijka oo ay kaga war la’yihiin waxa ka dhacaya Gaza waxaa la qabtey Tartan Gawaarida oo noocii ugu horeeyey ah oo ah in Gawaari lagu socotsiiyo laba ka mid ah Lugihiisa oo uu muddo Daqiiqo ku socdo waxaa dhinac ka saaran Dhalinyaro oo ay ka muuqato farxad iyo reynreyn waxayna Soomaalida Tiraaahdaa “Nina Shaahuu Shuban waayey nina Shaarkaa ku yaraadey “Maba moodid in ay dad ka maqan yihiin runtii Tatankaas la yaabka leh waxaa ku baxay Lacag gaareysa Hal Milyan oo Doolar Soomaalida waxay Tiraah”Lax Dhukan Abaar Moog”

Sidoo kale Intii ay socotey Duqeyntii Gaza waxaa Dalka Sacuudiga yimid Xulka Arjantiin waxaana la socdey Ciyaaryahanka Messi oo ah Ciyaaryahanka ugu khaalisan dunida, Boqortooyada Sacuuudiga waxaa kal hore loo sheegey in ay ka soo tagayaan Messi taasoo aad ugu Caroodey Sacuudiga waxaana lagu yiri mar Dambe “Hadii aad bixsaan Milyan iyi Shan Boqol waa soo raacayaa” Wada hadal ka dib Sacuudiga waxa uu ogolaadey in uu bixiyo lacagtaas , waxaa ka si yaab badneyn markii uu Messi uu yimid Sacuudiga sida loo soo dhaweeyey waxaana keligiis la gudoonsiiyey Seef Dahab ah oo lagu Qiimeeyey 800 oo kun oo Doolar nin aan wada dawanayney waxa ka socda Sacuudiga iyo waxa ka dhacaya Gaza ayaa inta uu is hayn kari waayey waxaa ka soo qubatey Ilmo makaasuu yiri “Nina Gaajo iyo Madaafiic baa la isugu darey nina sidaan buu u Kibrayaa waa iska Xaal Adduun maalin baa la si Xisaabin doonaa Falastiina waa Xoroobi doontaa

Guntii iyo Gabagabadii Falastiin waxa haysta Sheekadii Sadaxdii Sac ee ee Libaax inta ka adkaan waayey Maalintii Dambe u Dejiyey Qarshe uu marba mid ku Khaarijinayey markii la gaarey Sacii ugu Dambeeyey ayuu waxaa uu yiri “Talo waxay ii ahayd maalnkii la diley Sac Madoobe marka Carab qolo waliba meel baa lagu xirtay lagana dhaadhiciyey in kan kale uu Cadow u yahay waana midaas in maalin Barqo ah la daldalo Hogaamiyihii Ciraaq Sadaam Xuseen , waxaa Xigey Hogaamihii Liibaya Khadaafi oo lagu dhex diley Meel Bulaacad ah marka Falastiin waxay Xoroobi doontaa marka ay Carabi Tashado oo meel ugu wada soo jeestaan Caddowgooda .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinnkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.