Home » Warar »

Magaalada Beled Weyne oo Haatan ka soo Kabanaysa Dhibaatooyinkii kala Duwanaa ee uu gaystay Fatahaadii Wabiga Shabeelle.

Xaaladda Nololeed ee Magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan ayaa iminka si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanaysa ka gadaal Muddo Shan iyo Afartan Cisho kaddib uu Magaaladaas ay qaadeen Biyo ka soo Fatahay Webiga Shabelle .

Dadkii Magaalada isaga Barakacay ayaa bilaabay haatan in ay dib ugu soo laabtaan Guryahooda isla markaana ay dib u habeyn ku sameeystaan iyagoo ka saaraya Haraadigii Biyaha Webiga ee ka soo fatahay Degaanadooda.Ganacsatadii Magaalada ayaa iyaguna bilaabay in ay dib Boorka uga jafaan Goobahoodii Ganacsiga isla markaana ay dib u bilaabaan Ganacsigoodii kala duwanaa iyadoo Suuqii Khudaarta ee Magaalada Beled Weyne uu haatan bilaabay Ganacsigii Khudaarta kala duwan.

Ardeydii Iskuulada ayaa iyaguna bilaabay xiligan sidii ay dib ugu noqon lahaayeen Goobahoodii Waxbarsho iyadoo Mas’uuliyiinta Waxbarashada ee Gobolka ay sheegeen in Waxbarashadii ay dib u bilaaban doonto Maalinimada Sabtida ah ee soo socota inta ka horeysana ay wadaan dib u hagaajintoo Dugsiyada Magaalada Beled Weyne.

Ganacsatada Qalabka Dhismaha ayaa shaqooyinkoodu iminka waxa ay ku socdaan si xawli badan iyagoona dadweynaha ka iibinaya Qalabka dhismaha kuwaasoo haatan wada hawlo dayactir ah oo Guryahooda ay dib ugu dayactiranayaan.In kastoo Xaaladdaas ay jirto ayaa dhinaca kale waxaa jira dadweyne iyagu weli ku maqan goobihii ay u barakaceen gaar ahaana meesha loo yaqaano Ceel Jaalle oo Magaalada u jirta illaa shan Kiilo Mitir.

Dadka halkaa u barakacay ayaa sheegay in xiligan aysan Guryahoodii dib ugu laaban karin iyagoo sababtana ku sheegay in Guryahoodii gebi ahaanba ay daadadku ay burburiyeen isla markaana xiligan aysan awoodin in si sahal ah ay halkaa ugu soo laabtaan.

Dadkan Barakacayaasha ayaa waxa ay si weyn uga cabanayaan dhinaca helitaanka Biyaha iyagoona ka codsanaya hay’adaha Samafalka iyo waliba Jaaliyadaha Reer Hiiraan ee dibadaha ku dhaqan in gargaar deg deg ah lala soo gaaro. Si kastaba Nolosha Magaalada Beled Weyne ayaa iminka soo hagaagaysa iyadoo dadkuna ay dib u bilaabeen la tacaalidda Nolosha iyo dib uga soo kabashada Dhibaatadii ay u gaysatay Fataahaddii uu sameeyay Webiga Shabeelle.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail aminkhasaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.