Home » Faallo »

MA DHAB BAA IN DUMARKA SOOMAALIYEED LAGU IHAANAYSTO SAFAARADDA SOOMAALIDA NAIROBI.?

Sh. Muxammad Idris

Warka websitekan lagu qoray haduu dhab yahay (http://indepthafrica.com), oo Dumarka Soomaaliyeed lagu ihaanaysto Safaaradda Soomaalida ee Nairobi, nimanka Passporka bixiyana ay ku shardiyaan iney gabdhuhu xijaabka qaadaan, si loo sawiro, iyagoo madax qaawan, waa arrin u baahan in si degdega wax looga qabto..wexeyna khilaafsantahay diinta, iyo edebta iyo anshaxa Soomaalida, bal anshaxa adduunka intiisa badan, oo dumarka Muslimaatka aan ku shardin iney madaxa faydaan, oo ixtiraama diintooda..

1) Dhacdooyinka uu maqaalku soo bandhigay oo ah in gabdha soomaaliyeed oo badan niman safaaradda joogaa si ihaana ah ugu yiraahdeen: ama xijaabka dhig ama dhabarka na tus oo bax! Waa in Dawladda Soomaliyed iyo Safaarada Soomaalidu arrinkaa jawaab cad ka bixiso.

2) hadii arrinku sidaa u dhacay, nimanka safaaradda jooga ee waxaas ku kacay iyo masuuliinta safaaraddaba waa in shaqada laga fariisiyo, dhibka ay geesteenna loo raacdo, sababtana baaritaan lagu sameeyo? Ma nimanka waxaan samaynaya ayaan Muslimiin ahayn? Hadeyan Muslimiin ahaynse: Sidee ugu dhiiradeen Muwaadiniin Muslimiina iney dalkooda ku ihaanaystaan?

3) Faallooyinka maqaalku bixiyey waxaa ka mid ah in arrinku fara bax noqday oo gabdha badan Passporka sidaa loogu diidey? Waxaanan garanayn arrinkan haduu sidaa u dhacay safaaradda iyo safiirku miyaaney ka warhayn?

3) walaalaha boggan la socda, iyagoo weliba Nairobi ay tahay magaalooyinka ugu horreeya ee boggan ku xirran waxaan ka codsanayaa iney maqaalka tarjumad soomaaliya ku sameeyaan..walaalka maqaalka qorayna nala soo xiriiro..

Arrinkaasu hadduu jirana waxaan leeyahay kama hareyno ilaa aan meel ku hubsanno inshallaah..baaritaan ayaanna ku samayneynaa inshallaah, mana aqbali karno gabdhaha soomaaliyed iyagoo xijaaban iney Passportiga dalal gaalo ka qaataan, mid soomaaliyeed niman wexey yihiin aan la garanayn ay ku ihaanaystaan..

waxaan ku darayaa safaaradaha anigu aan caruurtayda passport soomaali uga qaaday dhibkaa laguma arag waa arrin Nairobi ku gaara, waana loo fadhiyaa Dawladda iyo Safaaraddu iney kasoo jawaabaan, arrinkaan, markaasna ayaana hadalku noo taaganyahay..

Qoraalka arrintaas ka hadlay ka akhri linkigan:

http://indepthafrica.com/somali-womens-religious-rights-abused-inside-somali-embassy-in-kenya/#.UKbCeIe7Ncx

Qoraalladii hore ee laga qoray xijaabka ka akhri halkan: http://www.somalitalk.com/islam/xijaab.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " MA DHAB BAA IN DUMARKA SOOMAALIYEED LAGU IHAANAYSTO SAFAARADDA SOOMAALIDA NAIROBI.? "

  1. Abdi Hassan says:

    Scw
    Waa wax aad looga xumaado,labaatan sano oo burbur ah ka dib in wali uu socdo dulmi noocan oo kale ah oo waliba laga gelayo gabadhaha sharafta mudan ee Somaliyeed,Waxan maqlay in Nairobi wax badani ka socdaan Gaar ahaan safaaradda Somalida,runtiina anigu mar aan booqday waxaa iiga muuqday iska dabawareeggii lagu yiqiin meel aan nidaam ka jirin,dadka hawl wadeenada ahaana waxay u ekaayeen dad haykalka iyo haybadda safaaradi leedahay ka dhacsan,sidoo kale wararka beryahan ka soo yeerayey ma qurux badnayn arintuna kuma koobnayn oo keli ah gabdhaha xijaabka laga dhigayo.
    Anigu waxaan ku talin lahaa in marka hore Somalida Kenya joogtaa Samaysato Jaaliyad oo ay iska daayaan qabiilka aan waxba tarayn ee ay ku lumeen,taasay kula xisaabtami karaanSafiirka iyo kuwa ka hoos shaqeeyaba oo ay xittaa awood u yeelan karaan inay bedelaan safiirka iyo cidii kaleba taasina waa nidaam jira,safiirka waxaa ka muhiimsan jaaliyadda,Haddii aan sidaa la samayn karin Siddeennaa aan u calaacallo!

  2. Anas Macalin says:

    Assalaamu caleykum.

    Waa qoraal runtii hadii uu dhab noqdo ay qasab tahay in laga horyimaado lalana xisaabtamo waxaas foolxumada ah dadka ku kacaya iyo kuwa ogolaaday in arintaas lagu sameyo gabdhaha somaliyeed ee aadka ugu faana islaanimadooda iyo somalinimadooda. Wax la aqbali karo ma’ahan Diinteena iyo Dastuurkenana way ka so horjeedaan in passport qaadashadiisa sharuud ah in gabadha xijaabka iska qaado lagu xiro sabab walbo jirta. Waxaan codsanayaa in dadka waxbaara iyo wariyaasha xaqqa la jira mar walba ay arintaan daba-galaan xaqiiqdeedadna soo ogaadaan si hadii ay rumowdo looga dulqaado dhibta lagu hayo gabdhaha somaliyeed.

    Wabillaahi towfiiq.

  3. nasiib says:

    asc dhaman wa salaman tihin arinta safarada in gabdhaha xijabka laga dhiko waa run aniagaba waa la iga dhigay beena jama sheegayo qof muslim ah mana rabo in aan aflagadeyo safaradeena lakiin nin ayaa dadka masawira igana dhigay xijaabka masar ayuu ii rebay qoorta lakiin waa la ii baneyay meshana niman badan ayaa fadhiyay

  4. waa wax aad looga naxo, waana arin ilhaama ku ah sharafta muslimiinta, waxaana ka codsan lahayn Raga dowlada ugu jira iyo wax garadka iyo culimada inay arintaas ka dhiidhiyaan oo deg deg wax ugua qabtaan

  5. Farah Ali says:

    Waxaan halkan ku qirayaa inay jiraan dhamaan waxa lagu cadeeyey maqaalkaasi, waxaana taasi cadeyn ugu filan aniga oo dhowr jeer gabdho aan famil-nahay u raacay safaarada Soomaalida ee Nairobi.

    Waxaana dhacday in aan Pasapor aan ka qaadano iska daaye aan kala soo kulanay ihaano fool-xun oo lagu sameynayo gabdhaha Soomaaliyeed.

    Ali Americo oo sida hadda iiga muuqata halkan ku sheegaya inaysan arrintaasi waxba ka jirin, waxaan leeyahay “Walaal ilaahay ka baq oo biniáadam ha ka xishoon. Waad la socotaa waxa ka socda daarta aad adiga madaxda u tahay”

    Maalinta gabadha ehelkeyga ah lagu ihaaneysanayey safaaradaasi waxaan iskudaynay in aan la hadalno Safiirka oo taagan barxada safaarada isaga oo markaasi raaci rabay gaarigiisa, balse waxa uu inoogu jawaabay “U hogaansama sharciga safaarada, haddii kale iska baxa” Ninkii sidaasi inagu yiri ayaa maanta leh waxaasi meesha kama jiraan.

    Dadka sawirada qaadayana waa rag soocan, way jirtaa inay gabar meesha ka shaqeyso laakiin taasi ma ahan mid sawirada qaada ee computer lagu qorayo macluumaadka Pasaporka lagaaga baahan yahay lagu qorayo ayey fadhisaa.

    Allow dalkeena iyo dadkeena ka dulqaad dulmiga iyo dowlad laáanta heysata.

    Farah Ali

  6. haddii ninka soo jawaabay uu ambasador cali ameerika yahay, waa nin somalidu aaminsan tahay oo ayna khaa`n waddannimo ka filayn,haddiise uu
    ruux kale yahay,arrinta uu beenaynayana jirto waa arrin laga xumaado una baahan inay safaaraddu saxdo.

  7. yusuf says:

    Scw walalalayaal anigaba waxaan jogaa Nairobi warka aad qorteen waa sax. Safaarada waxa ka shaqeeya wiilal aad dhaqan xun islamarkaasna moodaya safaaraada Somaaliyeed dukaan ay iyagu leeyahiin. Si kastaba ha ahaate Safiirka waa uula socdaa arinkaas iyo kuwa kale oo kajira safaarada. Aad waxa uxun in safaarad Somaliyeed ay noqoto goob qabiil iyo mid ganacsi. Wabilaahi towfiiq.

  8. Abdimajid says:

    As wr wbk salaan ka dib hadaan ka mid nahay aqristayaalka somalida ee sharafta leh lana xariira webka qiimaha leh kana danqa wax waliba oo quseeyo shacabkeena somaliyeed waxaan aniga iyo saaxiibadayda oo degan magaalada mombaasa la xariira safaarada dan waliba naga gasho ha noqoto gabdho ubaahan aqoonsi ama dad ehelkooda ka xeran oo la la yahay ama xad gudub lagu haysto dhalinyaro intaba waxaan ka aragnaa wax qabad anagoo aan is garanayn qunsulka safaarada laakiinse waxaan ku arkay saldhiga mombasa isagoo kasii daynaaya dhailyaro la qabtay oo tiro badan kana codsaday in si degdeg loo gudbiyo xerooyinka oo ay helaan xoriyadooda bini aadan nimo laakiinse been abuurasho inay tahay ayaan cadeynayaa warka meesha ku qoran

  9. Abdulkarim says:

    Asc.
    Safiirku waa mahadsan yahay, hase ahaatee waxaa muuqata haddiiba uu yahay qofkan tacliiqan lehi isaga in uu ogol yahay in ay jiraan wax badan oo ku qoran war bixinta oo ay ugu horreyso in asalba ay jirto in gabdha somaliyed ee muslimadda ah lagu khasbo in la sawiro iyada oo aan xijaabkii sharciga ahaa sidan ee ilaahay uu amray, haddii kalena aysan Passaport helayn. Taas weeye waxa muhiimka ah in uu caddeyo waxa ay tahay siyaasadda safaaraddisu ka leedahay. ammaa in nin sawiro iyo in naaga sawirto wax qiima ah haba yaraatee ma alahan.

    Waa mahadsan tihiin

  10. Asc wrwb

    Runtii aad ayaan uga carooday qoraalkii safaarada laga qoray ee ku saabsanaa in gabdhaha soomaliyeed lagu dhibaateeyo. Haddana
    waxaana aad ugu faraxsanahay jawaabta ka timid Amb. Mohamed Ali Nur.

    Hadaba waxaan sugnaa waa walaalkii qoraalkii hore sameeyay iyo meesha uu xogta ka keenay??

    Allah yaa mahad leh.

    MH Ellmi (Sayid)

  11. Walaalayaal, qoraarkaas waan arkay, anigoo ah Safiirka Safaarda Somaliya ee Kenya, waxan cadaynayaa in warkaas uu been abuur yahay. Qaybta bixinta pasporada waxaa ka shaqeeysta gabar Somaliyeed oo u qabilsan inay u shaqayso Hawenka Somaliyeed, marki la sawiraayo Gabadh Somailiyeed raga waay ka baxaan qolka Si loo xushmeeyo gabdhaha Somaliyeed.