Home » Warar »

Marwada Madaxweynaha Jabuuti oo maanta Deeq Lacageed soo Gaarsiisay Haweenay Soomaaliyeed oo Dhawaan Afar Mataana ah ku Dhashey Muqdisha.

Deeqdan Lacageed oo gaaraysey illaa shan Kun oo Doolarka Maraykanka ah ayaa waxaa soo dhiibtay Marwada Madaxweynaha Dalka Jabuuti Marwo Khadra iyadoona loo soo Wakiishey Danjiraha dawladda Jabuuti u Fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble si uu u gaarsiiyo haweeney Dhawaan Magaalada Muqdisho ku Dhashey Afar Caruur ah oo Mataano.

Deeqdan oo oo Haweenayda uu qabo Madaxweynaha Jamuuriyadda Jabuuti ay ugu deeqday Haweeneydaas Soomaaliyeed oo ka mid ahayd qoysas Soomaaliyeed oo ku soo Barakacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa deeqdaas Guddoonsiiyay Danjiraha Jabuuti u Fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble.

Marwo Xaliima Maxamed Cabdi oo ah Hooyada Dhashay Afarta Caruurta ee Mataanaha ah ayaa ka mahadcelisay Deeqdan ay soo gaarsiisay Dawladda Jabuuti iyadoona sheegtay inay si weyn ugu Diirsatay Deeqdan lama filaanka ah.

Danjiraha Jabuuti oo isaguna ka hadlay Munaasibaddii Deeqda uu ku GuddoonsiinayayHooyadaas ayaa sheegay in Marwada u dhaxda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ay si weyn uga danqatay Dhibaatadii haysatay Marwo Xaliima oo ka mid ah Barakacayaasha taasoo uu sheegey in ay la qaybsanayso dhibaatada haysata Haweeneydan Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay ahayd markii Haweeneydan ay ku dhashay Xero Barakacayaala oo ku taala Degmada Hodan halkaasoo mid ka mid ahaa Mataanahaas uu dhintay iyadoo Shirkadda Hormuudna ay dammaanad qaaday Seddexdaas Mataanaha ah Ugu danbayntii Deeqdan maanta la soo gaarsiiyay Haweeneydaas ayaa waxa ay tahay mid Samafala ah oo Xaaska Madaxweynaha Jamhuuryadda Jabuuti ay ku soo gaarsiisay Marwo Xaliima.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.