Federalka Soomaaliya dastuurkeeda lagu dhigey waan garaneynaa duruuftuu ku yimid iyo sida lagu keeney. Ma aheyn arrin si sax ah oo bulshadu ku wada qanacsantahey oo afti loo qaadey ku timid. Waa wax ku yimid gacan maroojin ka timid soomaalida qaar iyo shisheeye is kaashadey iyadoo laga faa,iideystey kala daadsanaanta iyo midba gees taagnaanta ku dhacdey bulshada soomaaliyeed.
Laguma eedeyn karo ayaan qabaa Sh.Shariif iyo siyaasiyiintii kale ee oggolaadey oo arrintaas in dastuurka lagu darona aqbaley iyagoon ku qanacsaneyn. Haddey diidaan inaan waxba hir gelin oo la kala taagnaado ayaa ka dhalan laheyd. Marka in federaalka dastuurka lagu qorey haddey cidi leedahey eeddeeda waa dadkii watey oo sida jujuubkaa iyagoo duruufta jirta ka faa,iideysanaya meesha usoo geliyey.Haddana dhib ma jiro oo waa qabyo qoraal dastuur oo ama lagu diidi doono ama lagu ansixin doono afti dadweyne.Haddii loo baahdo dadkaa lagu wacyi gelin karaa iney diidaan, haddii sharcigu saamaxayana baarlamaankaa laali doona.Mana jirto beel gaar ah oo dadka ka sarreysa oo iyadu kaligeed leh vito ay sharci aan inta kale rabin ku qasbi karta.
Federaalka Soomaaliya lala rabo wuxuu ka dhiganyahey in dalka la kala jar jaro oo cadba meel loo tuuro!
Federaalka Soomaaliya loo rabo waa midka ka muuqda Puntland oo dhab ahaantii aysan jirin wax la taaban karo oo ay uga geddisantahey Somaliland. Federalka ka muuqda Puntland waxaa dhaanta in si caadi ah loo kala tago oo aan la isku tashan. Sababtoo ah dowladda dhexe culeyskeedina wuxuu saaranyahey caasimadda, caasimaddana lagama xukumo Puntland. Mana cadda cid sheegi kartaana ma jirto qaab la isku waafajin karo Puntland iyo dowladda dhexe. Waxaa weeye “kaagana kula lihi keygana anaa iska leh”!
Laakiin Somaliland waxey taaganyihiin “aannu kala tashanno, kaaga qaado anna keygaan qaadanayaa,walaalo deris ah oo is ixtiraama oo wax wada qabsadana aan noqonno sida Jabuuti”!
Labadaas formula oon kor kusoo sheegey ayey kala yihiin xaqiiqda dhabtaa ee Puntland iyo Somaliland. Ka fakar marka formulada dantu ku jirto!
Rajo waxaa laga qabaa in la saxo wixii qaldamey intii dagaallada iyo loollanka dheer dalka ka socdey. Laakiin haddey dhacdo in la sixi kari waayo labadaas xaaladood ee Puntland iyo Somaliland keebaa shaqeyn kara oo xaqiiqda ku saleysan?
Waxaad xisaabta ku darsataa aqristoow in labada maamul ee Somaliland iyo Puntlandba ay si adag uga shaqeynayaan inaan wadciyaddooda waxba laga baddalin oo uu sidaas ku meel maro, labadoodabana ma ahan arrin ay qarsanayaane waa arrin ay ka shaqeynayaa har iyo habeen!
Somaliland arrinteedu intaas ayey kaaga egtahey geestaas ayeyna kaa istaageen ama hallagu guuleysto in dib loogu soo dabbaalo midnimada ama hallagu guul darreystee kuma jiro damac kale oo ah iney gobollo kale soomaaliyada kale iney kasii jar jarto.
Laakiin Puntland waxeysan qarsaneyn iney dooneyso iney ugu yaraan labo maamul oo kale oo iyada la mid ah ay Muqdisho Koofurteeda ka sameyso.
Labada maamul oo ay dooneyso iney ka hir galaan Koofurta waxey ka dhiganyihiin haddaad dooneyso inaad fahamto waa inaad qiimeysaa waxa iyada Puntland ah ay ka dhigantahey.Waa labo dowladood oo aan mid tan kale xakuntaa jirin, dhaqaalena ka dhaxeyn! Ka warran xaaladdaas oo kale oo labo la mid ah laga sameeyey Koofurta Soomaaliya? Sidee dowladnimo ku jireysaa markaas?
Waakee qofka wax yar u billaabanyihiin oo aamminsan in dowladda dhexe iyo Puntland ay sida hadda yihiin kusii wada shaqeyn karaan oo hal dal ku wada ahaan karaan? Haddaba ma xaaladdaas oo kalaa la aqbali karaa in laga sameeyo min Afgooye ilaa Dhoobley? Ma dhibbaa la xallinayey mise dhib cusubbaa la abuurayey?
Waxaa kasii daran conflictiyada bulsho oo uu xanbaarsanyahey habkaasi marka la is yiraahdo hallaga hir geliyo Koofur, oo la isku maranayo haddii sidaas wax loo dhigo, sababtoo ah bulshada Koofurtu way isku dhex milqantahey oo shanta beelood oo soomaalidu wax u qeybsatey laga billaabo Muqdisho ilaa Kismaayo way is dhex degganyihiin. Taasna qof kastoo dalka iyo dadka yaqaannaa wuu ogyahey.
Marka qorshaha Puntland ay soo maleegtey ma ahan qorshe hagaagsan oo ka shaqeynaya Koofurta, laakiin waa qorshe lagu taraan turreyn karo dowladda dhexe. Kismaayana qorshahaas ayey dhexda uga dhacdey waqti xaadirkaan.
Dastuurkaa federaal ayaa ku yaallaada noqotey hal heyska loo marayo hir gelinta qorshahaas khatartaa ayaan tusaale ka bixinayaa.
Tusaalaha federalka oo cinwaanka maqaalku xanbaarsanyahey!
Haddii ilmo aad dhashey dhaqtar usoo qoro daawo(prescription) oo lagu yiraahdo daawadaas sii, oo markaad guriga la tagteyna markaad aqrisey aad ku aragto digniin culus oo ka digeysa side effects ka daawada oo ayna ka mid tahey in qofkii jirradaas iyo jirradaas qabaa uu u dhiman karo hadduu qaato daawadaan, aabbihii ma wuxuu leeyahey wiilkeyga maaddaama dhakhtar usoo qorey daawadaan waan siinayaa ama haku dhinto ama haka toosee? Mise dib ayuu uga fiirsanayaa oo wuu ka baaraan degayaa?
Aabbihii masuulka ahaa ma siinayaa daawadaas wiilkiisa hadduu ku cadaadiyo inuu siiyo, mise khasnad adag ayuu intuu ku xiro furiheedana qaadanayaa amaba wuu tuurayaa?
Federalku waa daawadaas halistaa wuxuuna ku jiraa gacanta dowladda ee kuma jiro gacanta qabaa,ilka iyo Kenya.
Cadowgu inuu daawada wiilkaaga cabsiiyo ayuu doonayaa si uu kuu kala dhantaalo, wiilkiina aqliguu intuu kasoo xadey oo been ayuu dhegaha uga soo buuxiyey,wiilkiina afka labadi ayuu yeerayaa oo wuxuu leeyahey “aabbow cadow baad tahaye maad daawada dhakhtarku ii qorey i siisid haddaadan cadow aheyn”? Waxaa kaa fiican adeer Kenya oo waan ku qasbeynaa inaad daawada iiga soo saarto khasnadda, oo waan ku dileynaa markaasaan daawada qaadanayaa!
Aabbahaasi wiilkaas iyo ninkaas cadowgaa oo beenta usoo sheegey miyuu khasnadda u furayaa oo siinayaa daawadii mise dagaalba ha gaartee wuu diidayaa?
Federalka waxaa xaq u leh hir gelintiisa iyo qaabeyntiisa qaab uusan wax u dileyn waa dowladda. Waa daawo halis ah oo ku dhex jirta “khasnadda aabbe” furaha khasnaddana waxaa heysta aabbe(dowladda). Waxaaba dhici karta inuu aabbe daawadaas dhanba iska tuuro oo uu ka maarmo, ama uu u isticmaalo si aysan wax ku dileyn.
Kenya iyo qabaa,ilka qeylyayana waxey u faro baxsanayaan iney daawadaas u isticmaalaan sidey wax u dileysey. Kenya iyo qabaa,il toona xaq uma lahan iney federalka gacantooda saaraane dowladdaa iska leh qaabeyntiisa iyo hirgelintiisa iyo laalitaankiisaba.
Waana iney ogaadaan dadkaan faro baxsanaya in dalku dad badan kala dhaxeeyo oo aysan kaligood laheyn aayo ka talintiisa. Waa in wax noo wada maslaxo ah oo win win situation ah la helaa.
Ma ahan arrintaasi licib saqiir iyo wax madax salaax iyo hadal macaan la iskaga qancin karee waa “an issue of death or life”, waa arrin nolol ama geeri ahe waa in dadku sidaas ula socdaa.
Haddii federalka laga fursan waayo waxaa loo qaabeyn doonaa qaab uusan dhibka laga baqayo ku keeni karin oo dowladda dhexena si dhab ah u maamusho dalka. Taasna kuma imaan karto xaaladda hadda taagan oo kale oo la mid ah iyadoo xabbad dhafoorka la iskaga hayo.
Waxaan rajeynayaa dood daacad ah oo hufan in laga yeesho federaalka. Waa in dadka runta loo sheegaa oo aan laga leex leexan. Waxa laga hadlayaa waa aayo ka talin iyo wax dalkoo dhan taabanaya. Ma ahan ari tiro ah oo labo nin isku darsatey oo ay kala soocanayaan.
Waa in wacyiga bulshadana kor loo qaado. Afmadow iyo Badhaadhe Jubbada Hoose ayey ka mid yihiin. Jubbada Hoosena Jamhuuriyadda Soomaaliya ayey ka mid tahey. Qabiil iyo Kenya toona arrintaas masiirigaa go,aankeeda ma lahane waxaa leh dowladda soomaaliyeed iyo baarlamaankeeda oo matala bulshada soomaaliyeed oo dhan.
Warsame Gaabane
Wadaadyare09@gmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.