Home » Warar »

Magacyada Weriyaasha Lagu Diley Soomaaliya

Wariye Tuur Yare oo Dhawaan lagu Dhaawacay Magaalada Muqdisho oo Maanta lagu Aasay Magaalada Muqdisho

Iyadoo Todobaadkii hore Kooxo Hubaysan ay Fal Toogasho ku dhaawaceen mid ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacadda Shabeelle ayuu Habeenkii Xalay ahaa Wariye Maxamed Maxamuud Tuur Yare Dhaawacaas dartiisa ugu Geeryooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho

.AaskaWariyahaan ayaa waxay ka dhacadey Duleedkas Magaalada Muqdisho gaar ahaan Qabuuraha Baqadaad , waxaana ka qayb galey Bahda Saxaafada iyo Dadweyne aad u fara badan kuwaas oo wajiyadooda ka muuqta Muqro iyo Tiiraanyo

Tuuryare ayaa 21kii Bishan Kooxo Hubaysan waxa ay ku rasaaseeyeen Xaafadda Xaawo taako ee Degmada Wadajir xilli uu ku sugnaa meel aan ka fogayn Gurigiisa oo ku yaala degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Wariye Tuur Yuare ayaa waxaa uu ka mid noqonayaa Tiro Wariyayaal ah oo sanadkan gudihiisa lagu waxyeeleeyey Gudaha Magaalada Muqdisho.

Qaybaha kala duwasn ee Warbaahinta ayaa cambaareeyay dilka loo gaystay Wariyahaas oo ay ku tilmaameen inuu yahay xad gudub loo gaystay Saxaafadda Madaxa banaan iyagoona xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabato falalka lagu Ugaarsanayo Saxafiyiinta Madax Banaan.

Si kastaba Dilka wariyahan ayaa waxaa hore u cambaareeyay Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee marka Magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano Nusoj kuwaasoo soo jeediyay in wax laga qabto dilalka loo gaysanayo Wariyayaasha Soomaaliyeed.

Sannadkaan kaliya ayaa waxaa Soomaaliya lagu diley ilaa 16 Wariyey waxayna Magacyadooda kala yiihiin

  • 1-Wariye Xasan Cismaan Cabdi Fantastic Agaasimahii Idaacada Shabelle laguy Diley Muqdisho 28/1/2012
  • 2-Wariye Axmed Caddow Canshuur Wariye Shabelle lagu Diley Muqdisho 24/5/2012
  • 3-Wariye Abuukar Maxamuud Kadaf Agaasihigii Idaacada Soomaaliweyn lagu diley Muqdisho 28/2/2012
  • 4-Wariye Faraxaan Jeemis Cabdulle Wariye Radio Gaalkacayo lagu Diley Gaalkacyo 3/5/2012
  • 5-Wariye Mahad Salaad Aadan (Mahad Jarmal ) u Shaqeynayey Shabelle lagu diley Beled Weyne 6/4/2012
  • 6 Cali Cabdi Axmed Radio Gaalkacayo lagu diley Gaalkacayo 4 Maarso 2012
  • 7-Wariye Fanaan Cabdi Jaylaani Malaaq Marshaale u shaqeynayey Radio Kulmiyey lagu Diley Muqdisho 31/7/2012
  • 8-Wariye Yuusuf Cali Cismaan Xiriiriyaha Wasaarada Warfaafinta iyo Saxaafada lagu diley Muqdisho 8/8/2012
  • 9-Libaana Cali Nuur Radio Muqdisho lagu diley Muqdisho 20 kii Saptembar 2012
  • 10-cabdisataar dahir Sabriyey Radio Muqdisho lagu diley Muqdisho 20 kii Septembar 2012
  • 11-Cabdiraxmaan Yaasiin Cali Agaasimihii Radio Xamar lagu diley Muqdisho 20 kii Septembar 2012
  • 12-Xasan Yuusuf Absuge Radio Maanta lagu diley Muqdisho Saptembar 21 dii 2012
  • 13-Cabdiraxmaan Maxamed Cali Webka Ciyaaraha lagu diley Muqdisho 27 dii Septembar 2012
  • 14 Axmed Cabdulaahi fanax Wakaaladda Wararka Yaman SABA lagu diley Muqdisho 28 dii Septembar 2012
  • 15 Axmed Saklin Faarax TV-ga Universal lagu diley Laascaanood 23 Oktoobar 2012
  • 16- Maxamuud Maxxamed Tuuryasre Idaacada Shabeelle lagu diley Muqdisho 28 dii Oktoobar 2012.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Magacyada Weriyaasha Lagu Diley Soomaaliya "

  1. waddaniarts says:

    a/c runtii aad baan uga niyad jabay sida bareerka ah oo weriyaasha loo bartilmaameedsaday iyagoo shaqadoodii ku jira eebaanse talo saaranay wixii dhiba bulshdaan la qabnaa