Home » News »

Caaqil Caabi Tahliil Dhoore “ 63 Qoys ayey Ciidamada Burundi ka Barakiciyeen Guryahoodii Hantidoodiina ka Burburiyeen waxaana Ka Codsaneynaa Dowladda Federaalka in ay….”

‘ Anagoo markii hore aan ahayn Qoysas Noloshooda la la Daala dhacaya ayaa waxaa waqti Habeen ah oo aan ku suganahay Guryaheennii nagu Dul Habsadey Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom gaar haaan kuwa Burundi kuwaas aan wax Ogeysiin ah na siinin” sidaa waxaa yiri Caaqil Caabdi Tahliil Dhoore oo ay soo Wakiisheen Qoysaskii ay ay Guryahooda ka Barakiciyeen Ciidamada Amisom ee ku yaaley Deegaanka Km 13 ee Duleedka Magaalada Muqdisho

Caaqil Caabi waxan weydiiney Taarikhda Guryahooda ka Barakiciyeen Ciidamada Amsom waxaa ku jawaabey “ Bishu waxay ahayd 26/9/2012 waqti Habeen ah ayey nagu soo Guureeyeen markiiba Ilmihii iyo Dadkii Jilicsanaa ayaan halkaa kala Cararney , markii aan niri war wax yar noo suga aan Alaabada aan Guryaha kala Baxnee,Codsigeenaas cid Dheg Jalaq u siisey ma jirin, waxa bilaabeen in ay Guryaha Cagaf Cagaf geliyaan iyagoo ay ku jiraan Alaabadii iyo wixii aan Quudan lahayn”

Caaqil Caabi waxaan weydiiyey Cabashadiina Ma gaarsiiseen Dowlada Federaalka waxaa uu ku jawaabey ‘ Haa waxaa u geyney Qoraalo aan kaga dalbaneyno in Guyaheenii Ciidamada Amisom nooga saarto hase yeeshee markii aan Damacney in aan u Gudubno Xafiisyada Dowlada waa nalaga hor istaagey waa yaab Dowlada Dadweynaheedii laga hor istaagayo weligeey ma arag”

Waxaan weydiiyey Caaqil Caabi Tahliil in ay cabasho iyana ay u gudbiyeen Ciidamada Amisom waxaa uu ku Jawaabey ” Kuwa Dul degey Guryaheenii ee Burundi Qoraalo ayaan u gudbiney sidoo kale kuwa Xalane Degen Saraakiishooda iyagana waan u gudbiney iyo kuwa Degen Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyaga waan u gudbiney Xitaa Madaxweynahooda waxay dhaamntood nagu yiraahden waxbaan ka qabaneynaa cabashadiina balse waxay arrintu isugu soo Biya Shubantey Afka Baarkii”

Waxaan weydiiyey halkee bay ku sugan yihiin Qoysaskii la Barakiciyey waxaa uu ku jawaabey Caaqil Caabi “Dhowr meelood baan u qaybiney waxaana dadkaas haatan Dulsaar ku yihiin dad kale waxaana haysta nolol xumo tii ugu darneyn , marka waxaan Madaxweynaha,Raiisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ka codsaneynaa in ay Ciidamadaas naga Dulqaadaan weliba ay Mag dhow ka bixiso wixii Hanti iyo Guryo ay baabi’ieen Ciidamadaas sidoo kale Hayadaha samafalka waxaan ka Codsaneynaa in ay gacansiiyaan Qoysaskaas laga Barakiciyey Guryahoodii ay ku noolaayeen”
Caaqil Caabi Tahliil Dhoore
Tel 00252618152464

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.