Home » Warar »

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo booqday goobo Waxbarasho

Wasiir Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa la sheegay inay tahay wasaaradiisu tii Ugu Nasiibka badanaa ,marka loo eego Mixnooyinka iyo dadaalada uu Ugu Jiro sare u qaadida tacliinta PL, Juxa ayaa la sheegay inuu dhawaan deeq waxbarasho ka helay Yeman isaga oo si Saami ah Ugu qaybiyay Gobolada Puntland. waxana uu Haatan Kulamo la Leeyahay Maamulayaasha Iskuulada Bosaaso iyo Dalladaha waxbarashada.

Wasiirka wasaarada waxbarashada dowlada Puntland ayaa booqday Xarumaha Waxbarashada ee iskulaadka Magaalada Bosaso,iyadoo uu halkaasi kulamo kula qaatay qaar ka mida masuuliyiinta iskulaadkaasi gacanta ku haysa ,su aalona waydiinayey Macalimiinta iyo Ardayda heerka ay iminka u marayso waxbarashadoodu.

Wasiirka waxbarashada dowlada Dr.Cabdi Faarax Juxa ayaa Booqashadiisan ku kala bixiyey Machadka cafimaadka iyo meelo kale oo badan isagoo sidoo kale ay socdaalkiisan booqashada ku weheliyeen Agaasinka waxbarashada Gobolka Bari iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari Dr Caynab waxaaba uu ka bixiyey Wasiirka waxbarashada Dowlada PL Dr.Cabdi Faarax Juxa Booqashadiisan sadaal dhaxal gal ah.

Waa markii u horeysey ee Waxbarashada ay u kuurgasho wasaarada Cafimaadka dowlada PL inta la xusuusanyahay iyadoo wasiirka wasaarada Waxbarashadu kula dardaarmay Dhalaanka somaliyeed ee Reer Bosaso inay waqtigooda ka faaidaystaan isla markaasina ay beri ka maalin dalka waxkaga qabsadaan Waxbarashada qaaliga ah ee waqtiga badan ay ku lumiyeen.

Mr Juxa wasirka waxbarashada ayaa sidoo kale kulan la qaatay Maamulka iskuulka sare ee Dowlada Bosaso Secandry iskuul Maamulihiisa Siciid Fisigis oo ah Maamulaha Guud ee iskuulka sare ee dowlada isla markaasina waxbadan gacanta ku hayey.

Maamulka iskuulka sare ee Bosaso iyo Wasiirka waxbarashada ayaa si wayn isula soo qaaday sida ugu Haboon ee loo sii amba qaadi karo kaalimaha waxbarasho ee iskuularshibka Jaamacadaha dalka debidiisa ah.

Jaamac Feyte
Feyte37@hotmail.com
Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Wasiirka Waxbarashada Puntland oo booqday goobo Waxbarasho "

  1. Mustae says:

    Asc, aad baan u salaamayaa wasiirka waxbarashada dr juxaa.
    Salan ka dib, waxaan leeyahay wasiirka dadaalka aad ugu jirto horumarinta waxbarashada puntland waa mid aad loogu farxo, sidoo kale mideeynta ama u sameeynta man’ah mideeya dhamaan iskuulada wax lagu barto ee ku yaal puntland, waa arin horay loo qaaday, dadaalkaaguna waa mid lagugu mahadiyo.
    Halkaa ka sii wada shacabka puntland cida wax u qabata iyo cida aan wax u qaban isku si uma aay eegi doonaan,
    waxaan leeyahay juxaa ilah ha kula garab galo howsha balaaran ee aad u hayso dadkaaga

  2. Eng Ahmed says:

    salaan dhamaan umada somaliyeed , marka xigta waxaan salamayaa reer somalitalka iyo akhristayaasha waxaan aad iyo aad aan ugu hamalayanayaa hawasha aya wadaa intaa ka bacada hadaan soo gudbiyo waxa aan qabo runti aad baan ugu faraxsanahay hormarka ay gaartay wasaarada waxabarshda puntaland taasina kuma imaanin fadhi siada aan qabo waxay ku imaatay howlkarnimo ay sameeyayan wasaarda iyo madaxadeeda tanlabaad waxaan ku faraxsanahan in aan loo helaya ardayd iskuulkin aan ka soo baaya waxbrsho debadeed iyo in macalinkayga Mr said fisikai lagu sheegay artikalaka kaas oo aad ii farax galioye waxaan dhahayaa horemar ahlal mackumaa
    amiin

  3. sulfa says:

    WAXAAN SALAAN SARE OO QAALI AH HAWADA UMARINAYAA QORAAGA SOO QORAY DHAMBAALKAN QIIMAHA BADAN
    WAXAAN KALOO SALAAMAYAA DHAMAANBA BAHDA SOMALITALK

    RUNTII WAXAAN AAD UGU FARAXSANAHAY SIDA QIIMAHA BADAN OO AAD UGU SOO TABANAYSAAN DHAMAANBA SHACABKA SOMALIYEED MEEL KASTA OO AY JOOGAA WARARKA SAXDA AH OONA MAR WALBA NIYADOODA FARAX GALINAYA
    WAAANAD KU MAHADSANTIHIIN
    HADAAD TIHIIN BAHDA SOMALITALK

  4. 5KAROON says:

    Juxaaaaaaaaa waa wax garad aqoon yahan ah viva Juxaaaaaa noolow weligaaaaaaaa