Home » Warar »

Maalinta Carafo oo ah Khamiista iyo Ciidul Adhxaa oo ku beegan Jimcada Oct 26, 2012

Dowlada Sacuudiga oo ku Dhawaaqdey Xiliga la Taagan yahay Banka Carafo iyo Xiligga Ciidul Adhxaa ..

Iyadoo lagu Guda jiro Bishii Dul Xaj ayaa Boqortooyada Sacuudiga waxay ku dhawaaqdey Maalinta la Taagan yahay Banka Carafo iyo Maalinta ay ku Beegan tahay Ciidul Adhxaa.

Boqortooyada waxay sheegtey in Maalinka Kamiista ah ee ay ku beegan tahay Bisha Miilaadiga 25 Oktoobar waxay ay tahay Maalinka Xujeyda ay Taagan yihiin Buurta Carafo sidoo kale waxay Sheegtey in Maalinka Jimcaha ee Bisha Miilaadiga ay ku beegan tahay 26 Oktoobar waa Maalinta Koowaad ee Ciidul Adhaxaa.

Dowlada Sacuudiga waxay sheegtey in Sannadkaan uu yahay Sannadkii ugu Badnaa ee ee Xajka Gutaan dad gaaraya Saddex Milyan oo qof kuwaas oo ka kala yimid Daafaha Caalamka sidoo kale waxay sheegtey Dowlada Sacuudiga in Sannadkaan si weyn loo adkeeyey Amaanka ayna ka qayb qaadanayaan Kumaan Ciidan.

Haddii aan u soo laabano Dalkeena waxa uu sannadkaan uu ahaa sanndkii ugu Xujeyda badnaa waxaa sannadkan Xajinya 10 Kun oo Qof marka laga reebo Soomalalida kale ee ka soo Xajineysa daafaha Caalamka waxaana Gudaha Dalka Xujeyda Daabulayey Laba Shirkadood ee Jubba Airweys iyo Daalo Airline kuwaas oo u diyaariyey Ta-shiilaadkii ay u baahnaayeen waxaana Xaaji kasta laga qaadey 2910 Doolar.

Xujey fara badan oo Soomaaliyeed ayaa Sannadkaan Waayey In ay soo Gutaan Xajka waxayna Tiradooda gaareysaa ilaa Saddex Kun oo Qof ka dib markii ay waayeen Fiisihii Dal ku Galka Dalka Sacuudi Caraabiya .

Maalinka la taagan yahay Banka Carafo ayaa dadka Fursada u helin in ay Bankaas istaagaan laga doonayaa in ay Soomaan Maalinkaas si ay Alle uga helaan Dambi dhaaf in Ajar fara badan hadaba waxaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay ka Faaiideystaan Maalinka si Ilaah ugu Dambi Dhaafo Dalkeenana waxaan Ilaah ugu Baryey in Nabad Buuxda uu siiyo Ilaah Nagu gaarsiiyo Caaafimaad iyo Nabad.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maalinta Carafo oo ah Khamiista iyo Ciidul Adhxaa oo ku beegan Jimcada Oct 26, 2012 "

  1. aana says:

    ALLAA MAHDLE ILAAHOW SOMALIDA HANUUNI <ILAAHOW BOGOODA BURCAD ISU MARI ILAAHOW TASHUUSHKA KA SAAR,ILAAHOW XAQA WAAFAJI,ILAAHOW DALAKOOD U NABADEE HAKU DEGAANE