Home » Maqaallo »

“Ilma adeerayaalow Cali Raage hakaraacina Nabiga Ilaahey”

Assalaamu alaykum.Waad salaamantihiin dhamaan walaalaha qeymaha badan ee ku xiran websitekan qaayaha badan.

Maanta iyo maqaalkeena,wuxuu kusaabsanyahay hadal aan ka soo xigtey Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh Maxamuud shibilli ee kusugan magaalada Nairobi, mar aan tagay masjid muxaadaro uu ka jeedinaayey masjidkiisa Al-Hidaayah.

Sheekha waxaa su’aal ahaan loo weydiyey waxa ay diinta ka qabto dadka sunada diida ee yirahdo ‘Qur’aanka ayaa nagu filan’!
Jawaabta sheekha oo aad udheereyd wuxuu ku soo gabagabeeyey: Ilma adeerayaalow Cali Raage nabiga ilaahay hakaraacina!

Maadama aan ku cusbaa magaalada Nairobi iyo sida la’isu hayo ayaan saaxibkey oo igu martiqaadey muxaadaradan ayaan weydiyey waxa Cali Raagi soo galiyey qoladaan Sunada diidan? Anigoo weliba kudaray “Cali Raage, sow ninkii aan aqaaney ee wadaadka ahaa Ma’ahan?” ‘Waa isagii aad taqaaney oo wuxuu noqdey qoladaas!”

Cali Raage oo ahaa nin gooni socod ah, kuma ogeyn wax kabaxsan in lagu xaman jirey naaga guursi aad ufara badan, sidoo kale horay uma maqal isaga iyo wadaad kale oo isradinaya.

Dagaalkii xamar maalintii 8aad, Cali Raage, waxaan kawada qeyb-galnay mudaaharaad ay soo qaban-qaabiyeen wadaado doonayey in xabada lajoojiyo,waana markii uhoraysay ee aan howl wada galno!

Mudadii aan wada joogney East Africa, ma aheyn nin kuxiran koox gooni ah walow uu ahaa mid ka agdhow xarakaatkii dhaq-dhaqaaqa hubaysan kawaday Somalia oo waxaa la arki jirey isagoo ku labisan dharka afghaanistaanta qaataan oo leh ‘jihaadka ha la’aado!

Muxaadaran kadib ayaan go’aansaday inaan arintaan wax ka ogaado. Waxaan lakulmay qaar kamid ah dhallinyaro tagtay majliska iyo meelaha uu Cali Raage kufaafinayyo afkaartiisa.

Cali Raage laftiisa ayaan ku arkey masaajidka sixka hortiisa isaga oo lafadhiyo dhallinyaro aad uda’yar oo aan isri wuxuu doonayo inuu wax kushubto afkaartiisa. Xaga labiska wuxuu xirnaa sarwaal Jeenis ah iyo shaati, waana labis aad ugu duwan waayada hore.

Inkasta oo aan degdegsana, hadana waxaan go’aansadey inaan salaamin si aanu iigu furin barnaamijkiisa ama la’igu tuhmin inaan xarakadiisa kamid ahay! Soomaalida qofka aad lataagantahay ayey uhaystaan inaad isku qabiiltihiin ama isku fikrad tihiin!

Waxaa xusid mudan,inuu Cali Raage yahay aftahan dood kulul oo ay adagtahay inaad waxbadashid afkaartiisa! Maanta uu wato ‘shubho’ lafahayga ayaan ugu baqay.

Baaritaan dheer kadib waxaan heley cajalado uu leeyahay Cali Raage oo lagu duubey shir uu ku qabtay magaalada Nairobi oo uu ku sharxaya xarakadiisa iyo waxa uu aaminsanyahay.

Muxuudaradan lafteeda ayuu dadka ku wareerinaya aayadaha uu Allah kula doodaya gaalada Diinta diidan, taas oo haddii aadan aqoon durugsan laheyn islaamka aad isleedahay ninkaan waxa uu sheegaya oo dhan waa run.

“Ahlu-Quraanka Soomaaliyeed waa dad aaminsan Qur’aanka iyo qaran-nimo” Cali Raage ayaa hadalkiisa ku bilaabay mar uu tacriifinaayey xarakadiisa.
Muxaadaran oo mudo sacotey wax su’aalo ah kama uu jawaabin walow uu balan qaadey; wuxuu xooga saaray inaanu jirin wax layirahdo Sunah ee Qur’aanka oo kali ah nagu filanyahay.
Wuxuu leeyahay isagoo kujees-jeesaya Sunada Nabiga SAW “Khilaafka iyo isqabqabsiga waxaa keeney Axaadiista.Nabiga imisa kitaab ayaa lagu soo dajiyey?”

Al-Qur’aaniyoon, waa magaca looga yaqaan wadamada Carabta oo ay aad ugu badanyihiin walow ay taariikh ahaan kasoo farcameen wadanka India xiligii gumaysiga; waxayna kamid ahaayeen ayaa laleeyahay xarakaat farabadan oo uu kadanbeeyey gumaysiga Ingiriiska sida kooxda looyaqaan Al-Qadyaaniyiinta.

Culima badan oo wax kaqortey kooxdaan, waxay leeyihiin hadafkooda waa inay diinta islaamka dabargooyaan ayagoo weerarkooda kabilaabay Sunada iyo taariikhda ummada.

Aas-aasaha xarakadan oo la’oronjirey Axmed Khan oo reer India ah, wuxuu ahaa nin Qur’aanka kufasira caqligiisa kadib markii uu Axaadiista kusoo rogay shuruuda aad u adag, ilaa uu markii dambe inkirey isagoo lasoo istaagey ‘Qur’aanka oo kali ah ayaa nagu filan’

Walaalyaal anigoon doonayn inaan idinku mashquuliyo xarakadaan hadana waxaay ila tahay inay Culimada Soomaaliyeed xooga saaraan ladagaalanka kooxdan oo ay meel iska dhigaan wixii khilaaf ama fikir ay ku kala duwanyihiin arimo badan.
Maqaal arintaas ku saabbsan oo ay kooxdan ku sharaxayaan fikradooda iyo jawaabo laga bixiyey, fadlan halkan kafiiri
http://sbhhbs.ahlamontada.net/t867-topic

Inta aan markale kulmayno waa walaalkii Adam Abuzuhri oo idinleh Allaha diinta nagu sugu.
Wixii talo iyo tusaalo ah abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " “Ilma adeerayaalow Cali Raage hakaraacina Nabiga Ilaahey” "

  1. Kahin nur says:

    Walaalka lagu magacaabo Abdul waxaan odhan lahaa ninyahoow Allaah ka cabso oo aakhiradaada u tur waayo waxaad u muuqataa nin diiddan in khatarta laga digo, bidcada laga hortago, halistana la wajaho si ummada loo badbaadiyo. Walaal Abduloow runti adiga weeye baqaya oo cabsidu buuxisay kelyihiisa, bal la yaabye maxaad ku galaysaa walaal Abu Zuhri Rabi ha xafdiyee.

  2. Adam says:

    Assalaamu Alaykum. Waad salaamantihiin dhamaanteen intiina maqaalkan wax kudarsatay. Anigoo ah qoraaga maqaalka, waxaan sigooni ah ugu jawaabaya walaalka magaciisa kusheegey Abdul. Walaal Abdul, waxaan kuwaydiyey madhakhtarka nafsaaniga ayaad tahay? Sideed ku ogaatey inaan baqayo? Waa runtaa oo qoraaladayda oo dhan waxaa ku jirta Cabsi aan caadi aheyn, adiga kahorna ma arag wax arintaas soo saara!
    Sababta iigu weyn waxay tahay waxaan lahadlaya ummad jiran oo hadalkii layirahdaba siqaldan ufasirayso. Anigana madoonaya in hadalkayga loo fahmo inaan qolo gooni ah kutaaganahay. Tankale, wixii faahfaahin iyo geesinimo ah adinka ayaan idinka sugaynaa inaad ku biirisaan wixii aan ka gaabsanay.
    Aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay tacliiqaas qeymaha leh

  3. Abu Abdallah says:

    ASALAAMU CALAYKUM
    SALAANTAAS KADIB WAAD KU MAHADSAN TAHAY FAALADA KADIB WAADNA KU MAHADSANTAHAY INAAD TIRI WIXII TALO AH IIGU SOO HAGAAJIYA EMAILKAAS KORE
    INTAAS KADIB WAXAAN AHAY ANIGA LAFTIGAYGU NIN SI FIICAN U YAQAANA ILAA XAMAR 1986 WAAN AQAANAY WAANA SAAXIIBNAY KITAABO BADANA WAAN KA DHAGAYSTAY OO WALIBA QAAR UU GURUGIISEE KU YAALAY XAAFADA TOKIYO UU IIGU AKHRIN JIRAY WAANA LA YAABANAHAY WAXYAABO BADAN OO LAGA SOO SHEEGAYO MAADAAMA AANAN JOOGIN ANIGU AFRICA EE BAL WALAAL MEEL AAN KA DHAGAYSAN KARO WUXUU ISAGU SHEEGAY IYO WALIBA JAWAABAHA AY CULUMADA KA BIXIYEEN KHAAAS AHAAN SHEEKH SHI BILE JAWAABTA UU KA BIXIYAY HADAAD HELI KARO MEEL AAN KA DHAGAYSTO WAAN JECLAAN LAHAA BAL SI AAN U MIISAAMO , TAN KALE FIKIRKAN SIDAAD LA SOCOTID WAXAA KU TAGAY OO AAMINSANAA SHEEKHII ABTIGIIS AHAA EE LA ORAN JIRACAY SHEEKH MAX’ED SHEEKH XUSEEN IYO SHEEKHII KALE EE QABAY EEDADIIS EE LA ORAN JIRAY SHEEKH NUUR CALI COLOW EE BAL WIXII FAAHFAAHIN AH II SOO DIR

  4. abdul says:

    saaxiib qoraalkaada waan aqriyay.laakin waxaa tahay qofbaaqanaya ,hadad baqanaysana in aad qof wax kaqorto waa qalab .markaad waxqorayso waa inaad leedahay kalsooni.waayo waxaa lka muqda qoraal kaada inaad dadka baqanayso.qofkana waxaa ladoonaya in uu illaah kabaqo

  5. kadeye says:

    Cali raage Waxaa laga soo eryay Boosaaso wuxuuna fidinayaa fahan khaldan waana in dadka loo bayaaniyaa khayr alla hasiiyo shiikh Shibili Waa uu ku filan yahay waxaana dhihilahaa halaga soo eryo keenya