Home » Warar »

wasiirka Dibu heshiisiinta oo baaq nabadeed soo jeediyey

Cabdirashiid Xaaji Deerow oo Baaq Nabadeed u jeediyey Kooxaha Dowladda Federaalka ka soo horjeeda

Iyadoo dagaalo ka bilowdeen qaar ka mid Gobolada Dalka kuwaas oo isugu jira kuwo beeleed iyo kuwo siyasadeed ayaa wasiirka Dib-u- Heshiisiinta iyo Nabadeynta ee Dowladda Federaalka Mudane Cabdirashiid Xaaji Deerow maanta qabtey Shir-Jaraaid oo ku aadan Dagaaladaas wuxuuna ugu horeyntii Baaq Nabdeed u jeediyey Dhinacyada Dagaaladu u dhaxeeyaan wuxuuna sheegey in xiligaan dadka soomaaliyed aysan u baahneyn dagaal balse u baahan yihiin nabad iyo dib u heshiisin

“Muddo 20 sanno ayey dadka soomaaliyeed ku soo jireen Dagaalo maanta waxay u baahan yihiin in la nabadeeyo waayo dagaaladaas waxay ka dhaxleen Barakac, dhimasho Dhaawac iyo burbur hantiyeed” ayuu yiri Wasiirka oo sheegey in Dowladiisa ay tahay dowlad dib u heshiisiineed isagoo sheegey in Dowladda ay diyaar u tahay in ay fidiso Gogol nabadeed si loo dhameeyo dhibaatada weli taagan

Wasirrka ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay in ay wada hadal la furto kooxaha ka soo horjeeda si ay ummada u hesho nabad buuxda “ hore ayey dowladda wadahadl ula furtey qaar ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda waxayna wada hadalkaas fududeeyeen in ay ku soo biiraan dowlada kuwa hadda dagaalada wada waxay diyaar u la tahay in ay la xaajooto”ayuu yiri Mudane Cabdi rashiid Xaaji Deerow oo u soo jeediyey Beelaha dagaaladu u dhaxeeye in ay u Nuglaadan baaqyada nabadeed ee loo soo dirayo wuxuu si gaar ah baaq ugu soo jeediyey Odayaasha, iyo Culumaudiin in ay gacan ka geystaan sidii loo dhameeyn lahaa dagaaladaas oo uu sheegay in ay dhibaato ku tahay shacabka soomaaliyeed

Wasiirka wuxuu baaq u soo jeediyey Jaaliyadaha dibada in ay gacan ka geystaan sidii gayiga soomaaliyeed nabad loogu soo dabaali lahaa “waan aragney gargaarkiina dhinaca Baniaadanimo ee waa in la arkaa sidii umadda nabad loogu soo dabaali lahaa “ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in Jaaliayadaha dibada looga baahan yahay sidii dalkooda Nabad loogu soo dabaali lahaa maadama Jaaliyadaha dibadda ay yihiin xoog aan qarsooneyn loogana baahan yahay in ay awoodooda isugu geeyaan ka qayb qaadashad Nabadda iyo dib u heshiisiinta

Baaqa wasiirka ayaa ku soo beegmey waqti dagaalo ka curteen qaar ka mid ah Gobolada soomaaliya kuwaas oo waxyeelo ka soo gaartey dad rayid ah oo aan waxba galabsan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.