Home » Warar »

Hay’adda OXFAM oo ka Digtay Xaalad Cuna Yari ku soo Fool leh Koofurta Soomaaliya.

Hay’adda Oxfom oo saldhiggeedu yahay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska ayaa ka hadashay xaaladaha Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya. Oxfam ayaa sheegtay in Abaarihii ku dhuftay kal hore qaybo ka mid ah Dalka Soomaaliya gaar ahaana Koofurta ay salfadeen Xoolo aad u fara badan isla markaana dhinaca wax soo saarka Dalaggii Beeraha uu si weyn hoos ugu dhacay Sanadkan.

Hay’adda ayaa intaa sii raacisey wax soo Saarkii Xiligii Gu’ga oo baaqday dartiisa ay suurta gal tahay in mar kale Xaalad Cunta yari ah in ay soo wajahdo Gobolada Koofureed ee Soomaaliya. Gobolada sida gaarka ah farta loogu fiiqay ayaa waxaa ka mid ah Gobolada Gedo, Bay, Bakool iyo Shabeelaha hoose taasoo la sheegay in meelaha qaar ay u sii dheer tahay Biya la’aan iminkaba ka jirta.

Hadalkan ay soo saartay Hay’addaas sama fal ayaa lagu sheegay in meelaha qaar oo si wanaagsan wax soo saarkoodu u sareeyay sanadkana Raja wanaagsan laga qabay in si weyn ay haatan wax isaga bedeleen isla markaana Rajada laga qabi karaa ay tahay mid aan wanaagsan. Boqolaal qoys ayaa xaalado kala duwani soo wajahayaan ayaa warbixinta lagu xusay haddii aan si deg deg ah looga hor tagin taasoo laga yaabo ayaa lagu yiri warbixinta in Musiibo tii sanadkii hore la mid ah ay soo laabato

Oxfam ayaa ugu baaqday Hay’adaha samafalka ah sidii loogu heli lahaa Dhaqaale gaar ahaana kuwa hoos yimaada Qaramada Midoobay.Hadalkan Oxfam ayaa imaanaya xilli Gobolo ka mid ah Koofurta Soomaaliya ay ka bilowdeen Roobabkii Xilligii Deyrta kaasoo la filan karon in dhinaca Beeraha Dalagyo ay ka soo go’aan.digniintan ayaa waxaa ay ka digaysaa Xaalad Aadanimo oo mar kale ka dilaacda Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ah meelihii Sanadkii hore ay ku dhufteen Abaarah.


Xukuumadda Ereteriya oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Weydiisatay in Laga Qaado Cunaqabataynta.

Qoraal ay Qaramada Midoobay u Dirtay Xukuumadda Eritireeya ayay ku Codsatay in Cuna qabataynta saaran laga qaado maadaama aysan xiligan jirin wax Xiriir ah oo kala dhaxeeya Xarakada Shabaab. Qoraalkan Eritireeya ay u gudbaysey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in aysan jirin wax Taageera ah ama Tababaro ah oo ay u fidiso Dhaqdhaqaaqa Shabaab ee ka dagaalama Gudaha Dalka Soomaaliya Eritireeya iminka loo ogolaado in Cunqabataynta mudada saarneyd laga dul qaado.

Xukuumadda Asmara ayaa muddooyinkii dambaba ku doodeysey in Cuna qabatayntaas laga qaado iyadoo aysan jirin ama ay joojisay waxyaabihii hore loogu soo Eedeeyay ee ahaa inay taageerto Xarakada Shabaab. Dhawaan ayay ahayd markii Guddiga Cuna qabataynta Hubka Soomaaliya iyo Eritireeye ay sheegeen inaysan jirin wax caddeyn ah oo lagu hayo Xukuumadda Eritireeya oo ku aadan in ay taageerto Xarakada Shabaab.

Wixii xiligaas ka dambeeyay Xukuumadda Eritireeye ay wadday Ol ole ay ku dooneysey sidii cunqabatayntaas looga qaadi lahaa. Asmara ayaa ku Eedeysey in arrintaas ay ka dambeeyeen dawladaha Itoobiya iyo Maraykanka kuwaas oo ka been abuurayay Dawladda Eritireeya iyadoona cuskanaysey warbixintii Guddiga Cunaqabataynta Hubka saran Soomaaliya iyo Eritireeya.

Dawladda Kenya ayaa iyaduna ku Eedeysey Dalka Eritireeya in dhwor Diyaaradood oo Hub ah ay ka dejisay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo in kastoo Hay’adda Cuna qabataynta Hubka aysan Kiiskaasi si buuxda u caddeyn. Isku soo duubo Xukuumadda Eritireeya ayaa inta badan waxaa Eedeeya DalalkaDerisika la ah Soomaaliya iyadoona la sheego in Eritireeya ay gacan weyn ku leedahay Rabshadaha Gobolka ka jira iyadoona si gaar ah u taageerta waxa loogu yeero Argagixisada.


Nabaddoon caan ah oo Kooxo Hubaysani ay ku Toogteen Xerada Qaxootiga IFO.

Wararka naga soo gaaraya Kenya ayaa sheegaya in Kooxo Hubaysani ay ku Toogteen goob Suuq ah Nabaddoon lagu magacaabi jirey Weli Diini Maxamuud xilli uu ka shaahayay Maqaayad halkaa ku taala Nabaddoonka ayaa waxaa weerar ku soo qaaday sida ay wararku nagu soo gaarayaan Kooxo hubaysan kuwaasoo dhowr Xabadood ku dhuftay dabeetana isaga baxsaday goobtii dhibku ka dhacay.

Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Degaankaas ayaa isku dayay in ay qabtaan Raggii Dilka gaystay waxaase u suurta gashay in mid ka mid ah Raggaas ay kala haraan qorigii uu sitay.Ciidamada Amaanka ayaa markiiba goobta soo gaaray kuwaasoo markiiba bilaabay baaritaano ay halkaa ka samaynayeen iyagoona isku dayay in ay soo qabtaan dadkii Dilkaas ka danbeeyey.

Ciidamada ayaanay u suurta gelin in ay soo qabtaan dadka dilka gaystay iyadoo aysan ahayn markii u horeeyay ee fal noocas ah halkaa laga sameeyo.Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidamada Kiinyaanku gudaha u galeen Soomaaliya waxaa jiray weeraro kala duwan oo isugu jira Dilal qorsheysan Qaraxyo iyo rabshado kale oo ka dhacayay gudaha Waddanka Kenya.

Xaaladdan ayaa waxaa cabasha ba’an ka miijinaya Qaxootiga Soomaalida ah ee halkaa ku dhaqan iyagoon ka codsaday Xukuumadda Kenya in la sugo Ammaanka Xeryaha Qaxootiga ee Soomaalidu ay deggan tahay.Dawladda Kenya ayaa la Harjadaysa falalka amnidarro ee ka jira Gobolka iyo waliba Caasimadda Nairobi oo marar fara badani Qaraxyo ay ka dhaceen iyadoona inta badan falalkaas ku Eedeysa Xarakada Shabaab.

Si kastab Dilka Nabaddoonkaas caanka ahaa loogu gaystay Xerada IFO ayaa waxaa si aad ah uga xumaaday dadka Soomaalida ah ee halkaa ku dhaqan iyagoona ugu baaqay Ciidamada ammaanka in gacanta lagu soo dhigo kuwii dilkaas ka danbeeyay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.