Home » Maqaallo »

Siyaasadda Cakiran ee Dalka Somaaliya Xalkeedu Muxuu yahay? | Eng. Daadurey

Hordhaca taariikheed ee laga tibaax qaadan karo dhammaadkii Qarnigii 20aad iyo Qarnigan cusub ee 21aad ayaa ah Burbur,Dagaal Sokeeye, Qabqable Dagaal, Qax, Qaxooti, Tahriib, Tarxiil, Xasuuq, Burcad Badeed, iyo Dhul iyo Xeebaha Dalka Soomaaliya oo la dhaco iyadoo awood Siyaasadeed la huwan yahay intaa iyo in ka badan oo aannu qoraalkan ku soo koobi karin ayaa wuxuu ka dhex muuqanayaa hordhacaan siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya oo maanta maraya heerkii ugu xumaa ee gacan ka hadal Dagaallo iyo Ismiidaamayn aan rajo lahayn oo aan Dad aan waxba galabsan lagu laynayo maallinba maallinta ka dambaysa.

Haddaba, waxaannu ognahay oo aan marna dabool la saari karin Heshiiskii ay qaar ka mid ah Wasiiradda DFKMG ahi la galeen Dowladda Kenya kuna macneeyeen Heshiiskii is- afgaradka ahaa ee Dhulka lagu muransan yahay taasoo ah mid lagu bannaysanayo in lagu dhaco Dhulkii iyo Xeebtii Soomaaliyeed aannu Xaqa u lahayn taasoo ay mas,uul ka ahaayeen, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee DFKMG C/raxmaan C/Shakuur Warsame iyo R/Wasaare ku xigeenka DFKMG ah Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi)oo Xiriir u samaynayey Wasiirka Maalliyadda ee DFKMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan si ay ugu adeegtaan danahooda u gaarka ah Xilka iyo awoodda Wasiirnimo ee uu Shacabka Soomaaliyeed ku aaminay.

Waxaa is weydiin mudan Baarlamaanku muxuu arrinkan uga aamusay? R/Wasaaruhuse Tallaabo uga qaadi la’ yahay iyadoo ay tahay in Xubnahani si deg-deg ah looga Tanaasulo bedelkoodana si dhaqsi ahi loo magacaabo “Casilaad iyo Xil ka qaadis deg-deg ah ” Dhammaan Xubnihii ka qayb qaatay bixintii Dhul Xeebeedka Soomaaliyeed ee Muranka geliyey isla markaana Maxkammad la soo taago Xilkii iyo awoodii ay ku adeegteen iyagoo ah Wasiiro Qaran Murana geliyey Dhul Xeebeedka Dalka Soomaaliya ee Xaqa ah, R/Wasaaraha waa inuu Baarlamaanka soo hordhigaa Mooshin ka dhan ah Seddexdaan Wasiir ee ka tirsan Dowladdiisa isla markaana Xil ka qaadis deg-deg ah lagu sameeyaa si loo badbaadiyo Sharafta iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed uusanna u dhaqan gelin Heshiiskaa Xaaraanta ee lagu boobayo Xeebaha iyo Dhulkaa Soomaaliyeed.

R/Wasaare ku Xigeenka Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi), waxaad moodaa inuu sugayey oo keliya in Xil uu ka qabto Dalka Soomaaliya si uu ugu awood sheegto hase ahaatee uma uusan sharaxnayn Daacadnimo sida ka muuqata Shaqsiyadiisa iyo Khaladaaka is dabajooga ah ee uu galay intii uu Xilkan hayey arrimahan iyo kuwa kale oo qarsoon oo ay Baaristoodu socoto iyadoo Xilalkii hore ee Dowladdii Mudan Madaxweyne C/Qaasim Salaad Xasan la ogaa (FADEEXADDII DEEQDII TIMIRTA EE SUCUUDIGA LAGA KEENAY) oo aanan doonayn inaannu Maqaalkan ku fallanqayno, haddana u Tallaabay inuu Jabuuti Macaash kaga boobo isagoo Heshiiskii Kenya ee Is-afgaradka ahaana uu dhexda u marayo sidaa ma ahayn Ballantii Is-bahaysiga Dib u Xoraynta Dalka Soomaaliya in Dalka Dib loo boobo oo Bad iyo Berriba Qofba meesha uu soo gaaro Xayuubsado dib isu eega oo ka jooga.

Arimaha Dagaallada ,Qaxa , Qaxootiyada ,Tahriibka iyo Tarxiilka

Dagaalladan dambe ee Dalka ku soo cusboonaaday ayaa waxay noqdeen kuwa abuura Barakac,Qax, Qaxooti, Tahriib iyo Tarxiil aan xad lahayn taasoo laga dareemayo Xeryahay Qaxootida ee Dalka Soomaaliya deriska la ah iyo Qayladhaanta ka soo yeeraysa Hay’adaha Samafalka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Dunida u qaabilsan Qaxootiga Dadkan Qaxootiga ahi oo u badan Dad rayd ah ayaa waxay la kulmaan Dhibaatooyin kale markii ay ku jiraan Xaaladan qalafsan ee naftooda la soo deristay waxayna qaarkood ku mutaan Xabsi, kusi Dil , Silic , Macaluul ba’an iyo Hoyla’aan, sida laga war hayo Dhallinyaro fara badan oo Soomaali ah ayaa ku jira Xabsiyo fara badan oo Dunida ku yaal kuwaa oo loo haysto Tahiib iyo Sharci darro iyagoo ku joogay Dalalka ay ku xiran yihiin iyo arimo kale, waxaanna ayaan darro ah in aysan ka hadlin Dadkan Soomaaliyeed arimahooda DFKMG ah ee Dalka ka Talisa Xiriirna kala samayn Hay’adda Qaramada Midoobay ee Adduunka sidii Dadkaa Soomaaliyeed ee u badan Dhallinyarada , Dumarka iyo Carruurta loo badbaadin lahaa Xabsiyadana looga siidayn lahaa.

Tallo soo jeedin ku aadan Casilaadda Wasiirada kor ku Xusan;

Golaha Baarlamaanka FKMG, Golaha Wasiiradda, iyo Madaxweynaha Soomaaliya waxaannu u soo jeedinaynaa mar haddii Golaha Baarlamaanka FKMG ahi uu Mooshinkii ugu dambeeyay isku raacay in Dhulka iyo Xeebaha Dalka Soomaaliya aan qof shaqsi ahi go’aankii lagu bixin karin laguna dhici karin ay tahay mid Xaq ah inay si Deg-deg ahi Isu -Casilaan Xubnihii Wasiiradda ee ka qayb qaatay Heshiiskaasi iyagoon wax shuruud ah aanan ku Xirayn Is-Casilaadooda, haddii kalena Golaha Wasiiradu ay go’aan ka qaataan iyagoo u gudbinaya Natiijada ay ka soo saaraan Mooshinkooda Casilaadda ku saabsan Xubahan Wasiiradda ee aannu Magacyadooda kor ku soo Tibaaxnay Golaha Baarlamaanka ee FKMG ah si loo dhaqan geliyo isla markaana loo Magacaabo Xubo Cusub oo bedelkooda ah oo aan ahayn kuwaan la Casilayo oo kale.

Kooxaha Dagaallamaya ee aan Xabad joojinta Ogolayn.

“Xabadi Wiil kuma Dhasho, ee Wiil baa ku Dhinta” Dagaalladu waxay sii kordhiyeen Dhibaatooyinka aannu kor ku soo sheegnay oo dhan iyo kuwa ka sii badan oo aannu qoraalkan ku soo koobi karin, waxaannu” Tusaalle” u soo Qaadanaynaa Qabqablayaashii Dagaalka ee Dalka Soomaaliya Xagee bay aadeen? Su’aashan weli miyey is weydiiyeen Kooxahan Dagaalamaya ee Naftoodii iyo Naftii Shacabkaba Halaagga gelinaya lana ogayn inay guul gaari doonaan iyo in kale sida uu Qabqablihii intuu Qabiikiisii Xasuuqay haddana Miiska Wada hadaladda u soo noqday ee inta badan Maleeshooyinkii Ilaallin jiray ay Cusbitaallada Curyaamo ku yihiin wax u gargaarana aysan haysan Marka waxaa idin la gudboon in aad marka hore dib u fikirtaan oo aad u soo noqotaan Miiska Wada hadalka isla markaana go’aankiina oo Cadna la soo shir tagtaan.

Gabagabadii iyo Faalladan ku saabsanayd Siyaasadda Cakiran ee Dalka Soomaaliya Xalkeedu muxuu yahay? ayaa waxaannu ka qaadan karnaa fikrado kala gedisan hase ahaatee waxaannu akhristow ku xusuusinayaa waxaad ogaataa in Dadkan la’anaya ee dhimanaya ee dhammaanaya inay yihiin Dadkaagii Soomaaliyeed Dhulka iyo Xeebaha la boobayana ay yihiin Hantidii uu Dhulkaaga Hooyo Milkiga uu lahaa Khayraadkiisiina la dhacayo , waxaanna haboon in aadan u eegin Qabiil iyo kooxeysi ee aad u eegtaa Soomaalinimo iyo Wadaninimo Badbaadisaana Diintaada, Dadkaaga , iyo Dalkaaga Soomaaliyeed, Xornimadu waa qaali Cadowga Ummadda Soomaaliyeed waxay ku sii farxayaan Dagaalladan aan Dhammaadka lahayn ee sii kordhaya waxaase haboon inuu Caqligeenu uu noqdo mid inaga Celiya Xumaanta ee uusan noqon mid ina tusa Xumaanta.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yusuf(Daadurey)

Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.