Home » Warar »

Fatahaada Wabiga Shabeelle oo Barakiciyey Kumanaan reer Baladwayne ah 2012 iyo Ogaysiis Muhiim ah oo ku socda Reer Minnesota

Minneapolis: Waxaa ku dhintay 6 qofood, waxaana ku barakacay qiyaastii in ka badan 3500 oo qoys, kadib markii roobab xoogan ka da’een gobolka Hiiraan, kaasoo soo sababay fatahaada wabiga shabelle, wiigii hore dhamaad kiisii. Meelaha ugu daran waa Baledwayne iyo nawaaxigeeda. waxaa laga cabsi qabaa in roobab kale da’aan, oo xaalada uga sii daraan, sida ay sheegtay, FAO/SWALIM

Daadadku waxay Dhibaato xoogan u gaysteen dadkii ku dhaqnaa Gobolka Hiiraan. Sida ay warisay Qarammada Midoobay, 21,000 oo qof ayaa fatahaada Shabelle ku qasabtay inay guryahooda ka qaxaan. Boqolaal kun oo kalena waxay ku jiraan khatar. Tiro aan la cayim oo Guryo, Buulal, Suuqyo iyo Ceelal ayaa burburay. Qarammada midoobay waxay warisay khasaaraha inuu ka midyahay, Lix dhimasho ah iyo tiro aan cayimin oo dhaawac ah.

Ogaysiis ku socda reer Minnesota
“Waxaa la ogaysiinayaa Soomaalida reer Minnesota inay kasoo qayb galaan kulan dag dag oo dhaqaale loogu aruurinayo dadka ku wax yeeloobay fatahaada wabiga Shabelle ee Gobolka Hiiraan.

Maalinta Sabtida October 6, 2012 Saacada 4:00pm iyo Goobta shirarka ee Safaari, dadka ku casuman iyo faah faahin intaa dheer fadlan halkaan ka eeg. Sidoo kalena soo wac xafiiska HARO 612-315-5691″

Fadlan caawi dadkaas dhibaataysan, Waxaad ku bixin kartaa sadaqadaada online adigoo isticmaalaya  Paypal,waa website xafidan, fadlan bixi intaad awoodo. Sadaqadaadu waxay badbaadinaysaa dad dhibaataysan.

Iyagoo ka jawaabaya ARC iyo HARO ee jooga Soomaaliya, waxay gayn doonaan shaqaalahooda oo wada jira goobta dhibaatadu ka dhacday, si ay usoo sameeyaan qiimayn dag dag ah, sidoo kale qaar ka mid ah Ha’ayada Maaraynta Musiibooyinka ee Soomaaliya. Qiimaynta kasokow, kooxdaa isku dhafan waxay u qaybin doonaan,qoysaska waxyeeloobay, waxyaabaha aan cunada ahayn, Non-food Items (NFI) waxaana ka mid ahaan kara alaabadaan, Maro Kaneeco, Baco, Saabuun iyo Caagadaha biyaha lagu shubto.

“Waxaan walaac ka qabaa hadaad qoysaskaas dhibaataysan loo gurman, inay halkaas ka dilaacaan xanuuno khatara, xaaladuna sii murugto” Sidaa waxaa yiri Hassan Jama (Hassan Dhoye) Masuulka Fulinta ee Ha’ayda Haro.

Hay’adaHumanitarian African Organization (HARO) waxay rabtaa inay si dag dag ah u aruuriso $10,000 si ay u gayso goobtaas gar gaar, dag dag ah qoysaska dhibaataysan. Sidoo kalena inay fuliso qiimayn dag dag ah oo ku saabsan baahida banii aadnimo ee halkaa ka jirta.

Fadlan caawi dadkaas dhibaataysan, Waxaad ku bixin kartaa sadaqadaada online adigoo isticmaalaya  Paypal,waa website xafidan, fadlan bixi intaad awoodo. Sadaqadaadu waxay badbaadinaysaa dad dhibaataysan.

Sidoo kale dhaqaalahaaga waxaad noosoo marin kartaa  xawilaadii kuu fudud. Waxaana Akoono ku leenahay Amaana Minneapolis, Account number #5079905288 iyo Tawakal Minneapolis  Account#  E-tawakal: HARO

Please donate generously; you can donate online by using Paypal, a very secure transaction website. Put the amount you wish to donate, your donation save lives. Also  you can send your donation any Hawala easy for you, we have accounts with Amaana Minneapolis, Account number #5079905288 and Tawakal Minneapolis  Account#  E-tawakal: HARO

Ogaysiis ku socda reer Minnesota “Waxaa la ogaysiinayaa Soomaalida reer Minnesota inay kasoo qayb galaan kulan dag dag oo dhaqaale loogu aruurinayo dadka ku wax yeeloobay fatahaada wabiga Shabelle ee Gobolka Hiiraan.

Maalinta Sabtida October 6, 2012 Saacada 4:00pm iyo Goobta shirarka ee Safaari, dadka ku casuman iyo faah faahin intaa dheer fadlan halkaan ka eeg. Sidoo kalena soo wac xafiiska HARO 612-315-5691″

Dadka goobta ka hadli doona;

1-      Sh. Mohamed Idris Ahmed (Qiblah TV)

2-      Sh. Abdirahman Sh. Omar

3-      Sh. Hassan Jaamici

4-      Sh. Hassan Jama (H. Dhooye) HARO

5-      Deinel Wordswoth ARC

6-      Abdiwah Ow-Gure

7-      Dr. nuur Farah

8-      Sh. Ibrahim Mohamed Ali

9-      Ibrahim Ishaq Yunis (Sheikh Shukri)

10-   Said Ahmed Malin

—————————————————

Warbixintaan waxaa soo diyaarisay Ha’ada HARO

Hassan Jama (Hassan Dhooye)

Executive Director

Humanitarian African Relief Organization (HARO)
3355 Hiawatha Ave South. Ste 202 Minneapolis,MN 55406

Line: 612-315-5691
Fax: 612-315-5693
hassan@harousa.org
haro.4needy@gmail.com


Ogaysiis ku socda reer Minnesota
“Waxaa la ogaysiinayaa Soomaalida reer Minnesota inay kasoo qayb galaan kulan dag dag oo dhaqaale loogu aruurinayo dadka ku wax yeeloobay fatahaada wabiga Shabelle ee Gobolka Hiiraan.

Maalinta Sabtida October 6, 2012 Saacada 4:00pm iyo Goobta shirarka ee Safaari, dadka ku casuman iyo faah faahin intaa dheer fadlan halkaan ka eeg. Sidoo kalena soo wac xafiiska HARO 612-315-5691”

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.