Home » Warar »

Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed oo lagu Diley Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho xalay lagu diley xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dilka marxuumka warsaxaafadeed ka soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari oo yiri “waxaan xildhibaannada Baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle naxariistii jano ha siiyee Marxuum Mustaf Xaaji Maxamed oo baarlamaanka ka tirsanaa…” Waxana uu tacsi gaar ah u diray eheladii marxuumka.

Waxaa sidoo kale dilka xildhibaanka warsaxaafadeed ka soo saaray Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobey, Mahiga, oo sheegay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo dilka xildhibaan Mustafa Haji Maalim, isla markaasna waxaa uu tacsi u diray qoyskii marxuumka oo uu ku jiro madaxweynahii hore ee Dawladii KMG ahayd Sheikh Shariif oo marxuumku soddog u ahaa, ayaa Mahiga ku xusay warsaxaafadeedkiisa.

Waxaa sidoo kale dilka xildhibaanka warsaxaafadeedyo ka soo saaray Safiirka Britain iyo AU. Waxaa sidoo kale dilkaas ka tacsiyadeeyey madaxweynaha DFS. Waxaana marxuumka la asaay maanta oo Axad ah.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedyadii laga soo saaray dilka:

Warsaxaafadeed: Gudoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Ka Tirsan Baarlaamaanka Oo Muqdisho Lagu Dilay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa mudanayaasha Baarlamaanka iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo caawa Muqdisho lagu dilay.

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn ku bilaabay hadalkiisa “inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun kulu nafsin daa’iqatul mowt waxaan xildhibaannada Baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle naxariistii jano ha siiyee Marxuum Mustaf Xaaji Maxamed oo baarlamaanka ka tirsanaa, runtii waa geeri xanuun leh,si gaar ahna waxaan tacsi ugu dirayaa eheladii uu ka geeriyooday marxuumka”

Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxa uu ahaa muwaadin u istaagay ka qeybqaadashada samatabixinta shacbiga Soomaaliyeed iyo hirgelinta hanaanka Dowladnimo Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed kooxo arxanlaaweyaal ah ayaa dilay xili uu kasoo baxay masjid uu kusoo cibaadeystay oo waajibkii uu Alle ku faralyeelay soo fuliyey,ayaga ayaase caawa dhib qawa”

“Waxaan u sheegaya Shacabka Soomaaliyeed in marxuum Mustaf uu waqtigiisa intaa ku ekaa laakiin hadaannahay xildhibaannada baarlamaanka ee u dhaartay dalka iyo dadka marnaba falalka noocaan ah nagama niyad jiben doonaan gudashada waajibaadkii aan u dhaaranay,weyna naga go’antahay inaan ka miradhalino go’aanka aan dowladnimadeenna ku xoojisaneyno,dalkeenana ku hormarineyno”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Prof Jawaari.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday iney muujiyaan isku duubnidooda islamarkaasna ay ka qeybqaataan hormarka dalkooda ayagoo Dowladoodana ku taageeraya shaqadii ay u idmadeen.

Dhamaad
Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka


Hoos ka akhri warsaxaafadeedkii Mahiga:

SRSG statement on killing of Member of Parliament

Mogadishu, 22 September 2012 – The Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Dr. Augustine P. Mahiga condemns the killing of Mustafa Haji Maalim, a Member of Parliament. According to initial reports, he was shot by unidentified armed men earlier today in Mogadishu and later succumbed to his injuries in the hospital.

“I am shocked and outraged by the killing of Hon. Maalim” said SRSG Mahiga while he called for an independent investigation on the crime and for the perpetrators to be brought to justice.

“These cowardly acts of targeted assassinations and indiscriminate bombings cannot deter the remarkable courage of the Somali people, whose tenacity and determination has overcome formidable obstacles and brought us where we are now” said SRSG Mahiga.

“The MPs were selected in a transparent, consultative and representative manner and were called upon to serve at a critical moment in the history of the country. This loss has come very early in the life of the new Parliament whose work is central to the new path that Somalia has chosen. It is a reminder of the challenges faced by the new institutions and administration.”

“My deepest condolences go to the family and friends of the victim including former President Sheikh Sharif, son-in-law of the deceased, as well as to the Members and Speaker of Parliament.” SRSG Mahiga added.

Public Information Unit (PIU)
United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)

##

Hoos ka akhri warsaxaafadeedkii Safiirka Britain:

Statement from the British Ambassador to Somalia Matt Baugh, on the killing of Mustaf Mohamud Ali MP

“On behalf of the British Government I wish to express my deep condolences to the family of Mustaf Mohamud Ali MP, and to the Somali people, following his murder in Mogadishu earlier today.

“This is another cowardly act of hatred by killers who reject change, progress and the chance of a more stable future. Their selfish intention is instead to perpetuate a cycle of intimidation and violence.

“Having witnessed Members of the new Parliament electing a new President earlier this month, I reaffirm that the UK stands with them and the Somali people as they continue on their path towards peace, security and democracy.”

Ambassador Matt Baugh
British Office for Somalia

###

PRESS RELEASE
(For immediate release)

AU Special Representative condemns assassination of Somali MP in Mogadishu

Mogadishu – September 23rd, 2012; The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia, Ambassador Boubacar Diarra, has condemned the assassination of newly elected MP Mustafa Mohamed Mo’alin in Mogadishu.

Mustafa Mohamed Mo’alin was killed in the Waaberi District of Mogadishu as he returned home from prayers on Saturday evening.

“Members of Parliament represent the voice of the Somali people and any attack on parliamentarians is an attack on the people and it is unacceptable. I deplore this attack on a Somali Member of Parliament elected just weeks ago as part of Somalia’s continuing journey of political progress. We offer our sincere condolences to his family. Such criminal and barbaric acts must not be tolerated.” Said ambassador Diarra.

Ambassador Diarra said AMISOM will continue to do all it can to help the Somali security forces to reduce the threat of attacks in Mogadishu. He said through successfully ending the transitional period, Somalia and the Somali people have embarked on a new political beginning. Cowardly attacks such as this will not be allowed to derail that hard won progress.

———-
For more information, please Contact; Eloi Yao or Colonel Ali Houmed- Spokespersons
E-mail: amisommediacentre@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.