Home » Warar »

Meliishiyaad ka kala soo jeeda Caabud Waaq iyo Cadaado oo ku Dagaalamey Deegaano ka tirsan Galgaduud

Inta la xaqiijiyay Siddeed ayaa dhimatay halka Seddax iyo Tobana ay ku dhaawacmeen Dagaal u dhaxeeyay laba Maliishiyo Beeleed oo ku wada sugan Gobolka Gal gaduud.Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadaado ee Gobolka Gal Gaduud ayaa sheegaya in shalay helinkii danbe dagaal qaraar uu dhex maray laba Beelood oo ka soo kala jeeda Degmooyinka cadaado iyo Caabud waaq oo ka wada tirsan Gobolka Gal gaduud.

Cabdulqaadir Cabdi Barre oo ah ku simaha Ugaaska Beesha ka soo jeedda Degmada Caabud waaq oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegey in Dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa Sideed ka tirsan Maliishiyadii dagaalamaysey intaas in ay ka badato dhimahsaduna ay suurta gal tahay halka dhaawaca ay arkeena uu ku sheegay Illaa Seddax iyo Toban in ay gaarayaan.

Dagaalka ayaa sida lagu soo waramay waxa uu ka dhacay Degaanka Ban-Gelle iyo Xinijilab oo dhamaantooda hoos taga Deegaanada u dhaxeeyey Cadaado iyo Caabud waaq ka gadaal markii labada Mallishiyo ay halkaa dagaalo isaga hor yimaadeen.

Nabaddoon Cabdulqaadir ayaa sheegey in dagaalkaas kaddib ay la xiriireen dhinaca Cadaado una sheegeen Mashaqada halkaa ka dhacday isagoona intaa raaciyay in Odoyaashii ay la hadleen ay ka aqbaleen in arrinta deg deg loogu baxo lana joojiyo Dagaalkaas.

Wararka u dambeeya ayaa sheegaya in ay weli soconayaan gurmadyo ka kala imaanaya magaalooyinka Caabud Waaq iyo Cadaado soona gaaraya goobihii Beelahu ay ku dagaalaameen.Dagaalkan ayaa ahaa mid aano hore iyo Xurguf labadaas Beelood hore ugua dhaxaysey kuwaasoo ku guuleystay Bishii Ogosto ee la soo dhaafay in ay joojiyaan dagaalo u dhaxeeyay labada Malliishiyo Beeleed.

Waxaa isa soo taraya Baaqyada lagu Dalbanayo in Dgaalkaas lagu joojiyo waxgarada iyo Oodoyaal maanta ku shirey MagaaladaMudisho kana kala soo jeeda Deegaanada Cadaado iyo Caabud Waaq ayaa labada dhinaca ka codsadey in deg deg Dagaalka loojiyo islamarkaana wada hadal laga galo wixii dhexmarey labada Beelood sidoo kale Siyaasiyiin ka soo jeeda Deegaanadaas ayaa iyana u soo jeediyey in dagaalka la joojiyo iyagoo sheegey in ay hore u soo arkeen Dagaalada noocaan oo kale ah oo wax faaiido ah laga helin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail aminkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.