Home » Warar »

Wiil 8-jir ah oo afka, Sanka iyo ilka ka burburay una baahan gargaar – Dhacdo Naxdin Leh

Dhacdo Naxdin Leh

Halkan ka eeg sawiro dheeraad ah (Waa sawiro naxdin leh)

Waa muuqaalo argagax leh, daka qaarkiina aysan indhaha u dhameyn Karin, waa mid ka mid ah xadugudubyada ka dhaca magaalada Muqdisho oo ay sababaan dagaalada aan dhamaadka laheyn.

Mar aan booqday Isbitaalka Madiina oo inta badan la gaarsiiyo Dhaawacyada dadka ku waxyeeloobay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ayaan waxaan la kulmay wiil 8 jir ah oo ay dhakhaatiirta iyo dadkii ehelka u ahaa ay dul tuban yihiin, markii aan damcay in aan fiiriyo ayaa waxaan u dhameyn waayey aragtida, waayo wiilka 8-jirka ah waxa uu ka burburay afka Sanka iyo mid ka mid ah Indhihiisa, kadib markii isaga iyo Hooyadii ay ku dhaawacmeen dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dr. Cumar Akram oo ah dhakhtar u dhashay wadanka Qadar, dhawaana hawl samafal ku soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa mar aan la kulmay waxa uu sheegay in aan wiilkaan waxba looga qaban Karin dalka gudihiisa, waayo ayuu yiri qalabkii lagula tacaali lahaa ayaan oolin isbitaalka Madiina, waxa uuna ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool iyo hay’adaha Samafalka in ay gargaar deg deg ah u fidiyaan wiilkaasi, isagoo ku tilmaamay in ay tahay dhacdadii ugu xumeed ee uu la kulmo mudadii yareed ee uu ka hawlgalayey isbitaalka Madiina.

wiil1

wiilka yar markii uu dhaawacmay

Wiilkaan oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho isaga iyo hooyadii waxay ku dhaawacmeen Rasaastii ay isweydaarsanaayeen dhinacyada Muqdisho ku dagaalamaya, waxaana sida sawirka kaaga muuqda halkaasi ku dhaawacmay Hooyada dhashay wiilka oo lagu magacaabo Saafi Max’ed Shidane oo gacmaha kor u haysa iyada oo barooraneysa kadib markii ay wiilkeeda oo afku , sanka iyo Il maqan yahay sida aad sawirka ka arki karto.

wiil2

wiilka oo dhakhaatiirtu la tacaalayaan

wiil3

wiilka hooyadiis oo ayaduna dhaawacantay

wiil5

Ehelkiisa oo la murugoonaya wiilka yar

wiil4

Hooyo saafi iyo wiilka oo ag  jiifa

wiil6

Dr Cumar Akram oo ka murugoonaya wiilka

wii7

Wiilka adeerkiis oo murugaysan

Hadaba ciddii dooneysa in ay caawiso wiilkaas iyo hooyadii oo ka soo jeeda qoys dan yar ah, waxa ay la soo xiriir karaan taleefa Aabaha dhalay wiilka oo ah.

Aabbe Max’ed Maxamuud Cumar
Tel: 0025215102092
Ama
Tel: 00252162331744

Ama
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
0025215532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wiil 8-jir ah oo afka, Sanka iyo ilka ka burburay una baahan gargaar – Dhacdo Naxdin Leh "

  1. Kalid Sharif says:

    Salaam aleikum wa Rahmatulahi wa Barakatuh, Walaal,

    insha-Allah i would like to help the child insha-Allah and also others that are suffering back home. Insha-Allah contact me so we may discuss more.

    May Allah (swt) reward you for all your efforts Ameeen.

    Wa Salaam