Home » Warar »

Hayadda Camuud oo soo Gabagabeysey Barnaamij isugu jirey Afurin, Biya Qaybin iyo Ciiddul- Fidri

Iyadoo lagu Guda jiro Maalinkii Labaad Munaasabada Ciidul Fidriga ayaa intii laguy Guda jirey Waajibaadkii Ramadaanka ayaa Hayadda Camuud ( Amoud Foundation ) waxay Bishaas ay qaar ka mid ah Gobolada ka wadey Barnaamij isugu jirey Afurin , Biya qaybin iyo Ciidul Fidri waxaana Barnaamjikaas Deeqda ah ka Faaideystey Dad aad u fara badan oo aan awoodin in ay iska bixiyaan Ramadaanka iyo waxyaabaha kale ee Bulshada u baahan tahay

Halkan ka daawo Sawirada

Gobolada ay Hayadu ka wadey Barnaamijkaan Afurinta, Biya Dhaaminta iyo Ciidul Fidriga ayaa waxaa ka mid ahaa Gobolada Bay ,Bakool iyo Gobolka Banaadir waxaana ka faaideystey Dad si aad ah ugu baahnaa , markaana soo qaadano Afirinta waxaa ka faaideystey laba kun oo Qoys oo markasta Bishaas la siinayey waxa ay ku Afuraan halka Biiya Dhaaminta oo Hayada ka wadey Gobolka Banaadir ka faaideystey Kun iyo Siddeed Boqol Qoys oo ku kala nool kaamka kala ah Bar-Kulan iyo Iidle oo ku yaal Wadada Warshadaha waxayna maalinkasta ay helayeen Bishaas Biyo. .

Hayadda Amoud Foundation oo ka mid Hayadaha Samafalka ayaa mar aan ka wareysney Barnaamijkaan Deeqda ayaa yey sheegeen in sababaha ay Howshaas uga fuliyeen Gobolada Bay , Bakool iyo Banaadir ay tahay iyadoo ay ku nool yihiin dad aad u fara badan oo aan awoodin in ay Bishaas heleen wax ay ku afuraan ama Biyo sidoo kale waxay sheegeen in maalintii Ciidul FIdriga ay Hayadu qabisey Hilib iyo Raashin Noocyo kala Duwan si ay dadka ugu Ciidaan maalintaas waxaana ay si gaar ah Hayadu diirada u saartey Isbitaalka Xabeeb ee ay ku jiraan dadkaDhimirka La’a waxayna Hayadu geysey Hilib iyo Macmacaanka loogu talagaley Farxadda Ciidul Fidriga

Dhinaca kale Hayadda Amoud Foundation Waxay sidoo kale Deeq taa la mid ah gaarsiiyeen Dugisga Indhoolayaasha ee Al-Basiir waxayna Deeqdaas isugu jirey Noocyo kala Duwan oo Raashin taasoo ay Hayadu ugu tala gashey in ay ku Afuraan inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan iyadoo Maamulaha Dugsiga uu si aad ah ugu Mahadceliyey Hayadda Amoud Foundation isagoo sheegey in Deeqdaan aysan ahayn tii ugu horeysey ee ay Hayadu soo gaarsiiso Dugsiga balse ay jireen mara badan oo deeq ay soo gaarsiiyeen Dugsiga.

Dadkii ay gaartey Deeqdaas ayaa u Mahadceliyey Hayadda Amoud Foundation iyagoo sheegey in ay Hayadu qabatey Deeq ay dadka u baahnaayeen Xili lagu Guda jirey Bishii Ramadaanka waxayna Codsadeen in ay halkaasi ka sii wado Barnaamijyada dadka Jilicsan loogu gargaarayo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.