Home » Warar »

Safar uu Danjire Colow ku tegay Magaalooyinka Melbourne iyo Sydney

SAFAR UU DANJIRE COLOW KU TEGAY MAGAALOOYINKA MELBOURNE IYO SYDNEY

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaliyeed ee Indonesia ayaa safar uu ku tegay wadanka Australia, gaar ahaan magaalooyinka Melbourne iyo Sydney, waxa uu kaga qeybgalay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku nool wadaankaas, ayna gacan weyn ka geysatay shirkadda Soomaaliyeed ee Bakaal. Shirka waxaa lagu qabtay Jaamacadda Melbourne, waxaana Danjiruhu u sharraxay ka soo qeybgalayaashii shirkaas oo isugu jirey Soomaali iyo dawyaw kale oo ku nool wadanka Australia, kana koobnaa bulshada qeybaheeda kala duwan, sida: Aqoonyahanno, Arday, Siyaasiyiin iyo Madax ka socotay magaaladaas xaaladda manta wadanku marayo; sharraxadda Daniraha ayaa ifinaysay xaaladda adag ee uu dalka marayo iyo sida loogu baahan yahay in ay Soomaalida dibada ku nool qeyb uga noqon lahaayeen xal u helida arrimaha Soomaaliya ee aadka u cakiran.

Sidoo kale, waxa uu Danjire Colow booqasho kooban ku tagay magaalada Sydney oo uu kula kulmay Mr. Laurie Ferguson, oo ah xoghayaha arrimaha dhaqannada ee Baalamaanka Federaalka Australia, ayna isla soo qaadeen sidii ay dawladda Australia gacan uga geysan lahayd waxka qabashada dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed. Kulankan waxaa Danjiraha ku wehliyay qaar ka mid ah aqoonyannada iyo Jaaliyadda ku nool gobolka Sydney oo ay ka mid ahaayeen Md. Maxamed Cabdullaahi Baaruud, Md. Siraaji Cabdullaahi Cusmaan iyo Md. Cabdulcasiis Iimaan Cabdullaahi oo si guud ula wada sheekeystay masuulka ka socday dawladda Australia, waxaana si gaar ah Md. Baaruud ugala hadlay dhibaatada Trauma iyo dhibaatooyinka aan la soo koobi karin ee haysta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Yemen, Kenya iyo dawladaha kale ee deriska la ah Soomaaliyeed, wadahadalkaas ka dib, ayuu ballan qaaday Mr. Laurie inuu gaarsiin doono fadhiga Baarlamaanka oo la qaban doono dabayaaqada bishan aynu ku jirno, xiriirna uu kala sameyn doono hay’adaha ku shaqada leh, uuna dadaal ku bixin doono sidii wax looga qaban lahaa.

 amb

Kulankaas ka dib, Danjiruhu wuxuu kulan casho ah la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Sydney oo ay ka wada sheekeysteen xaalada guud ee wadanku marayo iyo sida ay qeyb uga noqon karaan xal u helida dhibaatada Soomaaliya, gaar ahaan wuxuu Danjire Colow u sharaxay sida loogu baahan yahay in dhallinta soo koreyso lagu dadaalo waxbarashadooda si aanay u noqon qoryaha lagu shidayo dhibka Soomaalida maanta haysta.

Ka dib, Danjiruhu wuxuu ku soo laabtay magaalada Melbourne oo uu kulan kula qaatay xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Melbourne oo ay sidoo kale ka wada hadleen midnimada jaaliyada iyo waxwada qabsigeeda, iyadoo ay ka wada qiiroodeen dhibka wadanka maanta ka jiro, uguna duceeyay in Ilaahay shacabka Soomaaliyeed u furo faraj kheyr leh, dhibkana ka saaro. Kulaankaas waxaa goobjoog ka ahaa odayaal taariikh iyo magacba ku leh bulsha weynta Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Xil. Saalim Caliyow Ibrow iyo Md. Xuseen Xarako oo ah Guddoomiyaha Golaha Soomaalida Victoria.

amb1

Safarka Danjiraha ayaa ku soo dhamaaday guul iyo horumar laga gaaray ujeedada safarka uu ku tagay wadanka Australia, waxaana uuna ku soo gurya noqday 01 October 2009.

Jakarta 02 October 2009

Safaaradda Jamhuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia

JAKARTA

Somali Embassy JKT
Email: somalirep_jkt@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Safar uu Danjire Colow ku tegay Magaalooyinka Melbourne iyo Sydney "

  1. Makaran says:

    Run ahaantii dadaalka, u adeegidda bulshada Soomaaliyeed iyo shaqada adag ee ee uu Danjre Colow u taaganyahay har iyo habeen aad ayaan uga mahad celineynaa , Safaaradda soomaaliyeed ee Indonesia waxay ka mid tahay safaaradaha soomaaliyeed tan ugu fir fircoon, waxaana u rajeyheynaa danjiraha in uu Alle la garab galo howsha adag ee uu u hayo umadda Soomaaliyeed.