Home » News »

Musharax Yaasiin Maaxi oo si kulul uga hadlay Laba arin oo caqabad weyn ku ahay Nabada ka dhalata Somalia.

Musharaxa u Tartamaya Doorashada Xilka Madaxweynaha Jamuuriyada Somalia Mudane Yaasiin Maaxi Macalin oo la hadlayay Warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay Xaalada kala guurka ah ee uu ku sugan yahay Dalka Somalia.

Mudane Maaxi waxuu ka hadlay arimo uu ku tilmaamay in ay caqabad ku yihiin in dalka Somalia uu helay Nabad iyo kala dambeeyn mar uu ka hadlayay Laba arin uu sheegay waxa uu yiri.

“Somalia laba arin ayaa hortaagan hadii la rabo in la helo Nabad waa in meesha laga saaraa laba arin oo muhiim ah oona hortaagan Nabada Somalai waana Musuqmaasuq iyo Qabiil” ayuu si kulu u yiri Mudane Maaxi.

“Tusaale Hada guddiga soo xulaya Xildhibaanada la doonayo in dalka Somalia uu yeesho waxaa dhibaato xoogan ku hayo Musuqmaasuq oo gacmaha la la soo galaya howsha ay wadaan waana arimo ka dhan ah oo laga xumaado qof howshiisa in lagu fara geliyo”. ayuu mar kale raaciyay hadalkiisa Mudane Yaasiin Maaxi Macalin.

Dhan kale waxuu si qoto dheer uga hadlay uu uu ku tilmaamay in Somalia meesha ay maanta taalo dhigay Qabiil waxuuna ku tilmaamay dhibka ugu weyn in uu yahay arinkaasi.

Mar uu ka hadlayay Qabiilka waxuu yiri Mudane Maaxi.

“Qabiil iyo Qaran waa in aan kala dooranaa Qabiil waa kan maanta nadhigay halka aan joogno Qarana waa kan aan dooneeyno in aan dalkeena ku hormarino oo aan helno Nidaam iyo kala dambeeyn waana in an marka hore kala dooranaa Qabiil iyo Qaran labaas isma qaataan” ayuu ku cel celiyay Mudane Yaasiin Maaxi.

Ugu dambeeyntii Siyaasigaan dhalin yarada ah ayaa ugu baaqay Madaxda Qaranka in ay dhibaato ku noqon fursadaan qaaliga ah ay heestaan Dadka Soomaaliyeed oo aayahooda gacantooda ku jiro si ay uga baxaan dhibta mudada dheer hortaagneeyn in ay helaan Nidaam Dowladeed ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay.

Hadalkaan ka soo yeeray Musharax Yaasiin Maaxi ayaa ku soo beegmayo xili haatan la soo bandhigay qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub asagoo ku tilmaamay in weli musuqmaasuq lagu hayo soo xulida Xildhibaanada waxaana ilaa haatan la soo gudbiyay 202 Xildhibaan taas oo aan weli dhameestirmin soo xulida Xildhibaanada la sugayo in uu yeesho Wadanka Somali.

Madaxa Olalaha Doorashada
Musharax Yaasiin Maaxi Macalin
Muqdisho Somalia.
18.08.2012

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Musharax Yaasiin Maaxi oo si kulul uga hadlay Laba arin oo caqabad weyn ku ahay Nabada ka dhalata Somalia. "

  1. A/Clykm,

    Waxa meesha na dhigay waa Qabiil oo keliya, qurun oo dhanna isagay ka sii beermaan sida: Musuqmaasuq, Dulum, Xaaraan cun, Kufsi, bililiqo, Qax iyo Qalalaase, laakiin soomaalida inteeda sheegata waxgarad iyo culummoba waxay dhaafi la’yihiin 30 sano ka badan hal erey oo ah: WAA IN,,, sidaas la yeelaa, WAA IN qabiilka la iska daayaa, hadii dagaal lagu hoobto uu dhaco waxa keliya oo ay af ka yaqaaniin: WAA IN dib u heshiisiin la sameeyaa, WAA IN ciidammada la kala qaadaa,WAA IN hantida muuqata la isu celiyaa, WAA IN .. WAA IN .. WAA IN.. badanaa 9 qodob ayey qoraan maalin walbana waa 9 cusube tii hore maxaa fulay maxaa dhimman dib dambe la isuma weydiiyo.

    20 kii sano waan ka hadlayey inay ka sii darto mooyee inaysan rajo lahayn soomaalidu inta ay WAA IN uunku jirto, iyadoonba la iga yeelayn inta hal qof dunida nalaga weynayo ama inta naga hartaahi addoon afrikaan ah addoon u sii noqonayso, balse aan isaga celceliyee cilladda na hor taagani waa Rixinkeennii oo aan goynay oo keliya, oo hooyadii iyo ehelkeedii ka xaq badnaa aabbe iyo ehelkiisii ayaan magacyadii Abtiriska aabbe la siiyey moodnay in aabbe ilaa Nabi Aadam laga gaaro ay ehelkeenna yihiin, Hooyana ilaa Abooto Xaawo iska daaye aan ruux soomaali ah oo ayeydiisii 2aad xiriiriya ama xitaa mahaceeda yaqaan uusan jirin, ilaahayna sheegay inuu naxariistiisa naga fogeynayo gaaladana ka nolol liidanayno sida aayadahan iyo aayado badanba sheegayaan:

    الَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهْدَ اللَّـهِ مِن بَعْدِ مِيثَاقِهِ وَيَقْطَعُونَ مَا أَمَرَ اللَّـهُ بِهِ أَن يُوصَلَ وَيُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ ۚ أُولَـٰئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ﴿٢٧﴾

    وَالَّذينَ يَنقُضونَ عَهدَ اللَّـهِ مِن بَعدِ ميثاقِهِ وَيَقطَعونَ ما أَمَرَ اللَّـهُ بِهِ أَن يوصَلَ وَيُفسِدونَ فِي الأَرضِ أُولـئِكَ لَهُمُ اللَّعنَةُ وَلَهُم سوءُ الدّارِ ﴿٢٥﴾

    فَهَلْ عَسَيْتُمْ إِن تَوَلَّيْتُمْ أَن تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَتُقَطِّعُوا أَرْحَامَكُمْ ﴿٢٢﴾ أُولَـئِكَ الَّذِينَ لَعَنَهُمُ اللَّـهُ فَأَصَمَّهُمْ وَأَعْمَى أَبْصَارَهُمْ ﴿٢٣﴾ أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ الْقُرْآنَ أَمْ عَلَى قُلُوبٍ أَقْفَالُهَا ﴿٢٤﴾

    إِنَّ اللَّـهَ لا يُغَيِّرُ ما بِقَومٍ حَتّى يُغَيِّروا ما بِأَنفُسِهِم وَإِذا أَرادَ اللَّـهُ بِقَومٍ سوءًا فَلا مَرَدَّ لَهُ وَما لَهُم مِن دونِهِ مِن والٍ ﴿١١﴾

    Marka Tiihii reer banii israaiil ayaa na haysa oo waxa kaaga filan in dhawr boqol oo ah ontii oday iyo wax garad naga dhaqaaqaayey ee hal diyaarad loo saaray Turkiga, oo la waayey ruux yiraa war dal dhan oo socda ayaan nahaye, walba na kala reeba, waxa kaloo kaaga filan inaad maalin walba maqlaysid reer hebel 51 xildhibaan ayaa la siiyey annagana 50 ee waa caddaalad darro inay hal na dheeraadaan, bal ayaa weli maqlay qabiil leh dad Quality ama Tayo leh nalooma magacaabin, …. waxaas oo dhanna waa TIIH oo ruux dareemi karo waan waayee raalli iga ahaada waxanna uga baxayaa:

    أَلَيسَ مِنكُم رَجُلٌ رَشيدٌ ﴿٧٨﴾