Home » Faallo »

Waa maxay shuruudaha iyo sifooyinka laga rabo Madaxweynaha Cusub?

Qore: Farah Aw-Osman

Madaxweynuhu waa wajiga ama muraayada matalaysa ummada Soomaliyeed taas oo caalamku ay wada arkayaan. Sidaa awgeed, waa lama huraan in qof u qalma buuxiyayna shuruudaha ama sifooyinka aasaasiga ahna la doorto jagadaas muhiimka ah. Hadaba waxaa isweydiin mudan maxay yihiin sifooyinka lama huraanka ah ee ay tahay in laga helo madaxweynaha mustaqbalka, si markaasi qof tayo, tacliin, iyo haybad madaxweynenimo leh uu horjeege inoogu noqdo kaas oo masraxa siyaahadeed ee caalamkana waji iyo muraayad muuqaal iyo maamuus fiican oo ina matali kara loo helo.

Ummad kastaa waxay leedahay sifooyin iyo shuruudo ay lagama maarmaan tahay in uu buuxsho qofka hogaanka u qabanaya ama u qalma inay ku aaminaan masiirka ummadooda.

Hadaba waxaa maanta jagada madaxweynenimo ee Soomaaliya u taagan musharixiin ku dhow ilaa 40, kuwaas oo midkasta oo ka mid ahi uu aaminsan yahay inuu yahay qof leh xirfadaha, sifooyinka iyo aqoonta hogaamiye, sidaa awgeedna uu u qalmo inaan ku aamini karno masiirka ummada Soomaaliyeed.

Habada jamaahiirta Soomaaliyeed dal gudo iyo dibadba waxay ku wareereen tirabadnaanta musharaxiintaan. Dadka qaar waxay leeyihiin faa’iido ayaa ku jirta inay bataan musharaxiintu maxaa yeelay codbixiyayaasha ayay siin kartaa fursad ay ku wada dhagaystaan, kadibna ku kala doortaan , kalana soo dhexbaxaan qof u qalma jagadda Madaxweynenimo. Meesha qaar kalena ay qabaan in tayadadii iyo hamigii madaxweynenimo ay hoos u dhigtay tirada badnida musharixiinta ee maalinba sii hordhaysa, taas oo keeni karta in codkii ay kala jabiyaan (wiiqaan) taas oo sababi sababi doonta ayay leeyihiin in uu soo baxo qof aan u qalmin hogaankan isaga ah.

Jagada Madaxwenenimo maaha mid fudud, balse waa shaqo adag maadaama uu madaxweynuhu yahay taliyaha guud ee ciidamada, gudoonka habsami u socodka laamaha dowlada, magacaabaha Xaakimada iyo Xeerbeegta Sharciga, Saxiixaha Shuruucda cusub ee dalka, Magacaabaha Safiirada, Soo dhaweeyaha Martida, u matalaha ummada Soomaaliyeed ee Shirarka Caalamiga ah iyo ka qaybgalaha munaasabad sharafeedyada. Dhamaan howlahaas kor ku xusani waa kuwo u baahan aqoon garaad xambaarsan, xirfad xeel dheeri huwan, dulqaad diin lagu dheehay, dad isku wad sinaan iyo cadaalada lagu qurxiyay, iyo dareen wadaniyadeed oo dad iyo dal jacayl wata.

Hawsha madaxweynuhu maaha mid qofkasta lagu aamini karo, waa mid u baahan in loo dejiyo shuruudo iyo sifooyin aasaasi ah oo qofkii aan soo buuxin sifooyinkaas looba ogolaan inuu ka mid noqdo kooxda isugu soo haraysa tartanka.

Sifooyinkaan iyo shuruudahaan hoos ku taxani waa kuwo lagu kala reebi karo musharaxiinta, waa kuwo ay isticmaali karaan taageerayaashu kuna miisaami karaan musharaxiiinta si markaasi qofka taageeradaada aad siinayso uu u noqdo mid wakhtigaaga, maalkaaga iyo sumcadaada aad u huri karto. Sidoo kale waxaa lama huraan ah in xubnaha baarlamaanka cusub ee dooranaya Madaxweynaha mustaqbalka ay haystaan mid qiyaas iyo miisaan ay ku kala saari karaan tartamayaasha, ee aysan yaa ila jifo ah wax ku dooran ee ay wax ku doortaan yaa masiirka ummada lagu aamini karaa.

Sidaa awgeed , waa lama huraan inay jirto sifooyin iyo shuruudo ay lama hurana tahay in laga helo qofka la dooranayo.

SIFOONYIN:

Aaminimo: waa in Madaxweynaha la dooranayaa noqdaa qof lagu aamini karo masiirka dalka iyo dadka, uusan ahayn tuug, xaaraan cun iyo khaa’in.

Kalsooni: uu yahay hogaamiye hanan kara kalsoonida shacabka, uu yahay qof waxa uu balan qaado lagu kalsoonaan karo, leh geesinimo uu ku fuliyo waxa dalka iyo dadka dantu ugu jirto, naftiisa, kartidiisa iyo aqoontiisana ku kalsoon. Keeni kara Ra’iisal Wasaare u qalma howsha loo irkaday, dabadeedna siin kara kalsooni buuxa oo uu howshiisa ku fulin karo.

Run-Sheeg: Ah masuul aan been aqoon, laba wajiiyo iyo laba carablana ahayn.

Dulqaad: u dulqaadan kara cayda, canaanta, ogolaan karana figrada iyo aragtida tiisa ka duwan, xakamayn kara xanaaqiisa, si nabadi ku jirtana ula falgeli kara una xalin kara khilaafaadka.

Masuuliyad: Qaadi kara dushana u tuuran kara wixii ka yimaada balan qaadyadiisa, ficilkiisa, hogaankiisa iyo siyaasadihiisa, ahna xilkas dareensan masuuliyada ay leedahay kursiga uu ku fadhigo iyo magaca uu xambaarsan yahay.

Karti iyo Hufnaan: Leh karti uu ku fulin karo shaqadiisa, ku hanan karo shaqaalihiisa, shacabkiisa iyo caalamkaba, ah masuul ka hufan xumaan, u siman ummada oo aan aqoon eex, qabyaalad iyo qof iyo hayb jeclaysi.

Naxariis: ah masuul u tura ummadiisa, leh qalib xaaran oo caafimaad qaba , qali aan cuqdad ka hufan, diyaarna u ah inuu cafiyo cidii ku xadgudubta.

Xaq-dhowr: ah masuul had iyo goor xaqa dhowra, cadaalada u gargaara, u siman ummada, sharciga ilaaliya oo aan garab marin shuruucda dalka u degen, kuna ekaada howsha loo irkaday, tixgeliya oo aan ku faragashan howsha masuuliyiinta kale.

SHURUUDO

Sifooyinkaas kor ku xusan waxaa sii dheer shuruudo ay tahay in laga helo qofka loo dooranayo Madaxweynenimada Dalka, hadaba shuruudahaasi waxaa ka mid ah:

Aqoon: in uu yahay qof aqoon iyo cilmi u fududayn kara howsha loo irkanayo uu qofkani leehahay, sida: Aqoonta Siyaasada, Dowlad Wanaaga, Dhaqaalaha, Sharciga, Maamulka iyo Maaraynta iwm…, yahay qof aqoon u leh siyaasadaha caalamka, istaraatiijiyada laga leeyahay Soomaaliya, lehna aqoon uu ku hagi karo dalka, kagana saari karo dhibka, una horseedi karo mustaqbal fiican.

Khibrad: inuu yahay qof fahamsan waaqaca siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale, horumarineed iyo amni ee uu dalku marayo. Hadii uu yahay hore dalka uga soo qabtay hogaan dowladeed, yahayna qof (track record) ama yahay qof hore loo tijaabiyay lana arkay wax qabadkiisa iyo kartidiisana waaba ka sii fiican (bonus).

Madaxbanaan: yahay qof aan ku xirnayn xisbi gaar ah, mid diimeed, iyo mid qabiil, hadii uu horay ugu jirayna muujiya inuu ka baxay , yahayna qof u simad dadka iyo dalka.

Xirfad Siyaasadeed: Maadaama Soomaaliya laga leeyahay istiraatiijiyo dheer, 20 sanadoodna aynu ku jirnay god la inoo qoday , waxaa lama huraan ah in la helo qof leh xirfad siyaasadeed, oo si xeeladaysan dalka u hogaamiye, isagoon iska didinayn dalalka iyo hay’adaha raba inay silica iyo saxariista dalkeena iyo dadkeena ku sii hayaan, yaqaanana luqadaha lagula hadlo kuwaas iyaga ah. Yahayna mid aan qalinka ku duugin warqadii iyo heshiiskii loo keeno , balse dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka ilaalin kara hagardaamooyinka iyo jilaafooyinka lala rabo.

Howlkarimo: yahay qof wakhtigiisa, aqoontiisa iyo kartidiisa u hura wax qabadka dalka, u adeega ummada, diyaarna u ah inuu u dhabar adaygo masuuliyada weyn ee loo irkaday.

Nafiihurenimo: inuu yahay qof aan maal, mansab iyo magac soo doonan, balse diyaar u ah inuu naftiisa, sharaftiisa, maalkiisa, iyo magaciisaba u huro adeega ummadiisa, diyaarna u ah inuu ku dhiman karo isagoo fulinaya howshaas iyada ah sidii ay qaar badan oo Muwaadiniin Soomaliyeed ahba ugu nafwaayeen doonista qaranimada , dib u soo celinta haykalka dowli iyo dib u hanashada amniga iyo istiqraadka Soomaaliyeed.

Hadaba hadii aad sifooyinkan iyo shuruudahan ku qiyaasto ama ku miisaanto musharaxiinta maanta u tartamaya jagadda madaxweynenimo waxaad arkaysaa in qaar badan aysan gudbi doonin imtixaanka wajigiisa koobaad, meesha qaar kalena ay buuxin karaan qaar ka mid ah shuruudaha balse aysan wada buuxin karin dhamaan. Sidaa awgeed, hadafkayga ama ulajeedadii aan ka lahaa qormadani maahayn inaan hebel iyo hebel kala fadilo, balse waxay ahayd inaan iftiinsho sifooyinka iyo shuruudaha aasaasiga u ah in qof uu isku soo sharaxo ama hanto jagadda Madaxweynenimada iyo hogaanka masiirka ummada Soomaaliyeed.

Waxaa dhici karta inaan ka tagay shuruudo iyo sifooyin badan, hadaba maadaama aanan diyaar u ahayn inaan falanqayn iyo faalo siyaasadeed sii gelin, qofkastaa isagaa xor u ah baan qabaa sii falanqayba maqaalka, min qiyaaska iyo miisaanka lagu kala reebayo musharaxiiinta, iyo sifooyinka iyo shuruudaha aasaasiga ah ee laga rabo in qofka loo dooranayo Madaxweyne laga helo.

Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.