Home » Warar »

Xarakada Alshabaab oo Deegaanada ay ka taliyaan Dadka u sheegey in Hilibka Waraabaha la Cuni karo.

Shiikh Cabdi Umal “Hilibka waraabaha waa Xalaal mana jirto meel lagu Xaaraatinimeeyey”

Shiikh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif “Hilibka Waraabaha Waa xaaraan Cidii Tiraah waa Xalaal Been bey sheegtay” 

Waraabaha oo ka mid ah Duur Joogta isla markaana Cuna Dadka iyo Xoolaha ayaa xiligan waxaa la sheegayaa in Cunsitiisu ay Banaan tahay Diinta Islaamkana aysan waxba ka qabin iyadoo Xarakada Alshabaab  Deegaanada ay ka taliyaan ay u fasaxeen dadka in ay Cuni karaan Hilibka Waraabaha halka Culimada Soomaaliyeed ay isku Khifaafeen Cunista Hilibka waxayna qaarkood Sheegeen in Hilibka Waraabaha la  cuni karo  iyagoo soo daliishaday Axaadiis laga soo Wariyay Nabigeenii Suubanaa Naxariis iyo Nabadgelyo Dushiisa ha ahaatee.

Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Mashaa’iikhda Soomaaliyeed oo waraysi siiyay Idaacada  Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in Hilibka Waraabaha uu Banaan yahay islamarkaana ma jirto Aayado Ama Axadiis Xaaratinimeyneysa,waxaa kale uu sheegey in Dhulka Carabta si aad ah looga Cuno islamarkaana uu ahaa  Hilib si aad ah loo jecel yahay oo Suuqyada si aad ah loogu kala iibsado

“Dadka Soomaaliyeed haddii ay Cunaan Hilibka Waraabaha waxba kuma jabna waayo dadka qaar baa Bakhtigu u Xalaal yahay sidaa darteed ma jirto meel lagu Xaraatinimeeyey Hil;ibka Waraabaha”ayuu yiri Shiikh Cabdi Umal oo sheegey  in  dadka oronaya Hilibka Waraabaha Xalaal maha ma haystaan wax Daliil ah oo Cad ..

Shiikh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed isna u waramayey Raadiyaha Dalsan ayaa sheegey in Hilibka Waraabaha ama Dhurwaaga uu yahay mid Xaaraan islamarkaana waxaa uu sheegey Shiikh In Waraabvaha uu ka mid yahay bahalada dadka Cuna iyo Duunyada sida darteed  waxaa uu sheegey in  gabi ahaantiisa uu  Xaraan yahay

“ Qofkii yiraahda Hilibka Waraabaha waa Xalaal waxaa isna Xalaal Noqonaya Hilibka Libaaxa marka dadkaas waxay ka been sheegeen Diinta Islaamka marka Hilibka waraabaha waa Xaaraan “ayuu yiiri Shiikh  Maxamuud Ow Cabdulle  Cariif oo shacabka Soomaaliyeed iga digey in ay Cunaan Hilibka Waraabaha.

Hadal hayhta Cunista Hilibka waraabaha waxay soo shaac baxdey Markii Xarakada Alshabaab ee  Magaalada Kismaanyo ay dadka ku wargeliyeen in uu Xalaal yahay  Hilibka Waraabaha islamrkaana la cuni karo , waxaana durbadiiba Degmada Kismaanyo ka bilowdey  in Kuwaanada lagu iibiyo Hilibka Xoolaha uu isna qayb ka noqdey Iiibinta Hilibka Waraabaha

Mar aan la xiriirey Shaqsi ku sugan Magaalada Kismaanyo ayuu ii Xaqiijiyey Cunista Hilibka Waraabka waxaana Kiiladii Hilibka Waraabaha  la kala siisanayey 120 kun Shilin Soomaali  halka Hilibka Geelaha isna uu ahaa qiimahiisa 100 Kun Shilin Soomaali waxaa weydiiyey Muxuu qaali uga noqdey Hilibka Geele waxaa uu yiri”Dadkii oo dhan baa aad u jeclaadey waxaana u sii dheer in  Cuduro badan uu daawo u noqdey”

Wararka naga soo gaaraya Gobolada Dalka qaarkood ayaa haatan waxaa ka bilowdey Ugaarsiga Waraabaha ama Dhurwaaga iyadoo horena Waraabaha loogu Ogaa inuu Ugaarsado dadka iyo Xoolahaba.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.