Home » Warar »

Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamanka Puntland oo Maanta lagu Dilay Magaalada Garoowe.

Wrarka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Magaala Madaxda Maamulka Puntland ayaa sheegay in Kooxo Hubaysani ay maanta Agoosto 6, 2012 halkaa ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Barlamanka Puntland.

Xildhibaan la Dilay ayaa waxaa lagu magacaabi Jiray Xildhibaan C/salaan Sh. Maxamuud (Sheybe) kaasoo xilli uu ku sugnaa gudaha Magaalada Garoowe, kana soo baxay masjid, maanta subaxnimadii hore halkaa lagu toogtay.

Dilka kaddib ayaa Ciidamada ammaanka ee Mamaulka Puntland waxaa ay halkaa ka sameeyeen hawl galkii ugu soo dad qab qabashada badnaa abid ee ka dhaca Magaalada Garoowe iyo Nawaaxigeeda.

Hawl galkaas oo weli soconayay ayaa wararku waxa ay noo sheegayaan in lagu soo qabtay dad gaaraya dhawr Boqol oo qof, tiradaas oo dadka qarkiis gaarsiiyeen lixi boqol oo qof.

Saraakiisha hawl Galka Hoggaaminaysa ayaa saxaafadda u sheegtay in ay sii wadayaan hawl galada illaa ay gacanta ka soo dhigayeen kuwii ka danbeeyay Dilka Mudanaha ka tirsanaa Baarlamanka Puntland.

Si kasta ha ahaatee ma aha markii u horeeyay oo Mas’uul ka tirsan Maamulkaasi lagu dilo Magaalooyinka waa weyn ee Puntland iyadoo Mas’uuliyiinta maamulkaasina ay mar walba ku baaqaan in ay wax ka qabanayaan ammaanka guud ee Puntland ,waxaana Dhawaan Magaalada Garoowe lagu diley Taliye ku xigeenkii Booliiska Pundland oo ilaahadda aan la sooqaban kooxiihii ka dameeyey Dilka Sarkaalkaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinlklhasaaro@yahoo.co.uk


Muqdisho: Koox Hubaysan oo diley Maareeyihii Guud ee Garoonka Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.