Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo Balan qaadey in Dowladiisa wax ka qaban doonto Tacadiyada ka dhaca Afgooye

Madaxweynaha DFKMG Shariif Shiikh Axmed iyo Xubno uu hoggaa,minayo ayaa Maanta gaaray Degmada Af Gooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Madaxweynaha iyo wafdigiisii ayaa markii ay halkaa gaareen waxaa ay warbixin ka dhagaysteen Odoyaasha iyo wax garadka degmadaas kuwaasoo ka war bixiyay dhibaatooyinkii loo gaystey Shacabka af Gooye.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maamulka Dawladda ee Degmadaas oo halkaa war bixin ka soo jeediyay ayaa Madaxweynaha iyo Saraakiishii la socotay u soo ban dhigay dhibaatooyin joogta ah oo loo gaystay Shacabka ku dhaqan Magaaladaas.

Guddoomiyaha Degmada ayaa sheegey Rag ku lebisn Direyska Ciidamada dawladda in ay halkaas ka gaysteen Dhac, Dil, Boob Kufsi iyo wax kastoo xumaan ah oo Gabood fal loo gaysto Binuaadan iyadoona Indhihiisa ay ka qubanaysey Ilmo,markii uu Madaxweynuhu ka dhagaystay Odoyaasha Dhaqanka iyo Mas’uuliyiinta Degmada Warbixintaas ayaa waxaa shirkii dibadda looga saaray Saxaafadda bal si si hoos ahaan uu Madaxweynaha arrinta ugu kuur gala.

Waa markii Saddexaad uu Madaxweynaha gaaro Degmada Afgooye welina ay taagan tahay dhibaatadii ay Ciidamada Dowladda ka wadeen Degmadaas ayaa waxaa shir Jaraaid qabtey qaar ka mid Odoyaasha Deegaankaas oo si cad u sheegey in Ciidamoi ka tirsan Beesha Madaxweynaha ay halkaa ka wadaan falal isugu jira Dil iyo Dhac , waxayna Madaxweynaha ka codsadeen in Ciidamadaas Deegaanka laga saaro oo dib loogu celiyo Magaalada Muqdisho.

Madaxweyanah oo ka Hadley kulankaas ayaa sheegey in Dowlada Federaalka ay wax ka qabaneyso dhibaatooyinka ay tirsanyaan Bulshada ku nool Degmada afgooye islamarkaana Talaabo Cad laga qaadi noono Askarigii dhibaato u geystey dadka Rayidka ah.

Ka hor intii uusan Madaxweynaha soo gaarin Magaalada af gooye ayaa waxa uu soo maray safar dhinaca dhulka ah iyadoona lagu arkayay wadad isku xirta Degaanka ceelasha Biyaha illaa Degmada Afgooye Ciidamo aad u fara badan oo ka kala socda kuwa Amisom iyo Dawladda oo wadadaas difaac adag kaga jiray.

Si kastaba safarkan safarkii Saddexaad uu madaxweynaha ku gaaray Degmada afgoye ayaa waxaa uu kala kulmay Dagaal Jid gal ah oo ay ku sameeyeen Xarakada Shabaab halkaasoo dagaal qaraar oo ka dhacay uu sababay Khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee Dhimasho iyo Dhaawacba lahaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.