Home » Warar »

Rasiiul Wasaaraha Itoobiya Melless Zanawi oo Xaaladiiisa Caafimaad laga Dayrinayo ka dib markii uu ka Baaqsadey shirkii Madaxda Midowga Afrika

Wararka ay Qorayaan Warbaahinta Caalamka waxay sheegayaan in Raiisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Melless Zanawi Xaaladiisa Caafimaad si weyn looga Dayrinayo ka dib markii uu ka baaqsadey Shirweynihii Ururka Midowga Afrika ee ka furmay Magaalada Adis Ababa  kaasoo ahaa Shirkii Sannadlaha ee ay isugu yimaadaan  Madaxda wadamada Afrika kaasoo mar weliba uu ka dhaco Xarunta Midowga Afrika  ee  Adis Ababa.

Rasiisul Wasaaraha Itoobiya oo lagu yiqiiney in uu soo dhaweeyo Madaxda Afrika islamArkaana uu Khudbad ka jeediyo Shirka Midowga Afrika ayaa haatan muuqata in uu ka  maqnaadey Shirkaas , iyadOo wararka  la helayo ay sheegayann in Xitaa Raiisul Wasaaraha Itoobiya uu Todobaadkii hore uu ka baaqsadey  Kulankii Baarlamaanka oo lagu wadey in uu Khudbad ka jeediyo , waxay Warbaahinta Mucaaradka ay Qorayaan in Xaaladiisa Caafimaad ee Raiisul Wasaaraha ay aad u liidato islmarkaana uu ku jiro Caalad Miyir la’aan ah.

Meles Zenawi ayey Warbaahinta Mucaaradka ay leeyihiin in  Caafimaadka Raiisul Wasaaraha ay tahay Mid  u baahan Caafimaad Dibadeed ka dib markii ay wax ka qaaban waayeen Dhaqaatiirta Dalka Itoobiya , iyadoo Rasiisul Wasaaraha Booskisa ee Shirka Midowga Afrika uu u matelayo Wasiirka arrimaha Dibadda ee dallka Itoobiya hase yeeshee wararka laga helayo Dhinaca Dowladda ay sheegayaan in Xaalada Caafimaad ay tahay mid aan sidaa u weyneyn islamarkaana waxay hoosta ka Xariiqeen in Maalmaha soo socdas uu dib ugu soo laban doono Shaqadiisa.

Raiisul Wasaaraha Itoobiya ayaa xilka Wadankaas waxaa uu qabtey sannadkii 1991 dii ka dib markii jabhado Mucaarad ay la wareegeen talada wadankaas, kuwaasoo kala wareegey Mingiste Xayle Maryam waxaana lagu wadaa in uu talada wadanka uu ka dego sannadka 2015 ka oo ah xilka uu ugu egyaha Xilka Madaxweyninimada  iyadoo lagu waramey in Raiisul Wasaareha Melless uusan dib dambe wixii xiligaas ka dambeeyo uusan isku soo sharaxi doonin Madaxtinimada wdankaas.

Mudadii  dheereed uu hayey talada Wadanka Itoobiya Melless waxaa uu galey Dagaalo waaweyn waxaana ka mid ahaa kii uu la galey Wadanka Erereteriya oo ay labada dhinac ay kaga dhinteen Kumaan Qof sidoo kale waxaa uu ciidamadiisa taageero siyeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf oo dagaalo ku hayeen Ciidamadii Maxaakiimta kuwaas oo markii dambe dalka ka saarey islamarkaana Ciidamadiisa ay soo galeen Magaalada Muqdisho waxaana markii dambe lala galey  dagaalo dad badan ay ku dhinteen.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.