Home » Warar »

Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka oo sheegey in Raiisul Wasaare Gaas uu Mudan yahay in Xilka uu ka dego ka dib markii Qaraxii ka dhacay Kaniisadii Gaarisa uu u saariyey Dadka Soomaliyeed

Qaar ka tirsan Xildhibaanada barlamanka ku meel Gaarka Soomaaliya ayaa Talaadadii shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho. Xildhibaanadan ayaa shirkooda Jaraa’id waxa ay uga hadlayeen hadalo sida ay sheegeen ka soo yeeray Maalinimadii shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya Dr Cabdiweli Gaaz.

Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro oo ka mid ahaa xildhibaanadii goobtaas ka hadlay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyay inuu meel uga dhacay Sharafta Umadda Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye ka gadaal markii bambooyin ka dhacay gudaha Dalka Kenya uu u saariyay arrintaas in Falkaasi ay ka dambeysey Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegey in xilka Maalinimadii shalay loo dhiibay Ra’iisul wasaaraha Mas’uuliyadana uu ugu qaaday inuu ugu shaqeeyo Umadda Soomaaliyeed in haddana uu Umaddii Dembi u saariyo waa dhibaato ayuu yiri Xildhibaanka oo intaa raaciyay in Ra’iisul Wasaaruhu arrintaa si weyn ugu qaldanaa Cudur daarna uu ka bixiyo.

Xildhiban Ciiro oo hadalka shirkiisa jaraa’id sii wata ayaa u Cudur daaray Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegey in iayaga ay ka mas’uul yihiin isagoona xusay in wax aan Munaasibkooda ahayn loo gaystey. Isagoo dhinaca kalena Farta ku fiiqay in Dalka kenya ay tahay meelaha Caalamka ugu Luuluushka badan oo mar walba ay ka dhacaan Falal Boob dil iyo wixii la mid ah ay ka dhacaan Dharaarta cad

Xildhibaan Ciiro ayaa sidoo kale ka dhacay dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed loo gaysto in ay ka mid tahay Dhallinyaro Soomaaliyeed ee Kalluumaysata ah in mar walba lagu sheego in ay yihiin Burcad sidaa drteedna aan loo baahnayn in Dhallinyaradaas Burcad badeed lagu sheego ha yeeshee kuwa Burcad Badeedka ahi ay yihiin kuwa Badaha Soomaaliya sida sharci darada ah uga kalluumeysanaya.

Xildhibaan Daahir Ciiro ayaa ka codsaday Madaxweynaha dawladda fferaalka Soomaaliya inuu ka hadlo arrinta ka soo yeertay Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya arrintaas oo uu ku sheegey in ay tahay Mid uu Ra’iisul Wasaaruhu xilka looga qaadi karo.

Si kastaba Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Maalinimadii shalay Xarakada Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Weeraradii lagu qaaday Kaniisado ku yaala Magaalada Gaarisa isagoona Xukuumadda kenya ka codsaday in ay iska kaashadaan sidii looga hor tegi lahaa Falalka amni darro ee beryahan ku soo batay Dalkooda.

Madaxweyne Kibaki oo sheegey Qaraxii Kaniisadii Gaarisa uuusan u joogsan doonin Dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya

Madaxweynaha Dawladda Kiinya Kibaaki oo manta ka hadlay Magaalada Nayroobi ayaa soo hadal qaaday Weerarkii Shalay ka Dhacay Degaanka Gaarisa ee Waqooyiga bari ee Dalka Kenya.Madaxweyne Kibaki ayaa sheegey in qaraxyadii ka dhacay Magaaladaas inuu aad uga xun yahay isla markaana aysan wax u dhimeyn wada noolaanshaha dadka Kirishtanka iyo kuwa Muslimiinta ah.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale farta ku fiiqay in arrintaas iyo kuwa kale oo dhici karaba inaysan joojineyn dagaalada ay Ciidamadooda ka wadaan gudaha Dalka Soomaaliya.Kibaki ayaa mar kale cambaareyn dusha uga tuuray kooxihii ka danbeeyay falkii shalay ka dhacay Magaalada Gaarisa halkaasoo Dad gaaraya labaatan qof ay ku dhinteen halka in ka badan Konton kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale Ciidamo dheeraad ah oo ay galbinayaan Diyaaradaha dagaalka ee Kiinya in ay manta ka soo tallaabeen Xadka Kiinya iyo Soomaaliya kuwaasoo la sheegayo in ay baadi goob ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Raggii Shalay Weerarada ka gaystey gudaha Magaalada gaarisa .

Kooxdan Shalay weerarka ka gaysatay Magaalada gaarisa ayaa hore u soo qaatay laba Qori oo ay lahaayeen Ciidamada Boliiska Dalkaas.

Hawl galadan ka soconaya inta u dhaxaysa Kiinya iyo Soomaaliya ayaa la sheegey in Ciidamadu ay ku lugeynayaan dhulka hawdka ah halka Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helkobteriska la yaqaano ay dusha ka hareynayaan Ciidamadaas.

Hawl galkan ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay Kooxo Bambooyin ku Hubaysan ay weeraro ku qaadaan Kaniisado ku yaala Magaalada gaarisa iyagoona hore u qaatay laba qori oo ay lahaayeen Ciidamada Boliiska taasoo Mas’uuliyiintu ku hanjabeen haddii aan qoryahaas la soo saarin ay qaadi doonaan hawl galo ay ku baarayaan gebi ahaanba Magaalada Gaarisa.

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.