Home » Warar »

Kooxo Hubaysan oo Weerar ku Qaaday Saldhigga Boliiska oo ku yaal Magaalada Wajeer.

iyo Itoobiya oo Sheegtey in uu Dhamaadey Khilaaf u dhaxeeyey iyaga iyo Kenya oo ku Aadan sidii ay u Qaban lahaayeen Dekedda Kismaayo

– Faah Faahin Dheeraad ah oo ka soo baxaysa Afduubkii Sahqaale Ajnabi oo laga Afduubey Xerada Dhadhaab


Kooxo Hubaysan oo Weerar ku Qaaday Saldhigga Boliiska oo ku yaal Magaalada Wajeer.

Kooxo si aad ah u hubaysan ayaa Weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada Boliisku ay ku leeyihiin Xaafadda Al Carabiya ee Magaalada Wajeer.Raggan Hubaysan ayaa la sheegey in halkaas ay Rasaas ku Fureen isla markaana Ciidankii saldhigga uu ku sugnaa uu si aad ah isaga difaacay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Boliiska ee Saldhiggaas oo weerarka kaddib Saxaafadda la hadlay aya au sheegey in Weerarku ay soo qaadeen rag waa dhinaca xadka Soomaaliya ka soo tallaabay.

Sarkaalka ayaa sheegey in ciidamadu weerarkaas oo soconayay muddo hal saac ah ay u babac dhigeen isla markaana Kooxdii weerarka soo qaadday ay dib isaga waabiyeen.Magaalada Wajeer oo ku taala Xadka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa hore uga dhacay falal qaraxyo ah taasoo lala beegsaday Ciidamada ammaanka ee ku sugan Magaaladaas.

Dawladda Kiinya ayaa inta badan waxa ay ku eedeysaa falalka ka dhaca dalkeeda in ay ku lug leeyihiin Xarakada Shabaab oo hore wacad ugu martay in dagaalka Soomaaliya ka soconaya loo weecinayo ama la gaarsiinayo gudaha Dalka Kiinya.

Ciidamada ammaanka ee Magaalada Wajeer ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan kooxihii xalay weerarka soo qaaday iyo halkii ay ka soo qaadeen weerarkaas.

………..

Itoobiya oo Sheegtey in uu Dhamaadey Khilaaf u dhaxeeyey iyaga iyo Kenya oo ku Aadan sidii ay u Qaban lahaayeen Dekedda Kismaayo

Xukuumadda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in khilaaf ku aadan Dekedda Weyn ee Magaalada Kismaayo ee Gobalka J/hoose uu kala dhexeeyey Dowladda Kenya kadib markii Dowladda Itoobiya ay sheegtay in labada dowladood ay isku fahmi waayeen qaabka loo qabanayo Magaaladda Kismaayo ayaa Sarkaal ka tirsan Dowlada Itoobiya uu sheegay in uu dhamaaday khilaafkaasi.

“Labada Dowladood way dhameeyeen khilaafkaasi waxayna ku heshiiyeen in ay si wadajir ah u qabtaan Magaalada Kismaayo si meesha looga saaro Xarakada Alshabaab oo dhaqale badan uu ka soo galo Dekeddaasi” ayuu yiri Sarkaalkas oo sidoo kale sheegay in waqtiyada soo dhow Dowladdaha Kenya iyo Itoobiya ay si wadajir ah u qaban doonaan Magaalada Kismaayo.

Shacabka soomaaliyeed yaa si weyn ula yaabey Warka Raiisul Wasaaraha Itoobiya ee ku aadan Qabsashada Magaalada Kismaayo iyagoo sheegey Shacabka in uu soo baxay Damacii Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ee ahaa in ay qabsadaan dhul ka mid ah dhulka Soomaaliya gaa rahaan Deegaanada leh Dekedaha iyagoo ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed in ay ka hortagaan Damcaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa soo galay qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliya hase yeeshee degmooyin ka tirsan Gobalka Galgaduud ayay isaga baxeen gaar ahaan degmada Ceel Buur iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan ka bixitaanka degmadaasi. Qaar waxay sheegayaan in dagaalo joogto ah oo ka jiray Deegaano ku dhow dhow gobalkaasi ay sababtay in ay halkaasi ka soo baxaan, warar kale ayaa waxay sheegayaan in sababaha ay Itoobiya ay uga baxday Ceel Buur ay tahay khilaaf soo kala dhex galay ciidamada Itoobiya iyo Ahlusunna Waljameeca.

Dhinaca kale waxaa Magaalada Nairobi ka furmay shir ay isugu yimaadeen xubno ka socday Dowladda Federaalka, Ahlusunna Waljameeca, Raas Kambooni, Asaaniya, Harti Guruub, waxaana shirkaasi soo qaban qaabiyey IGAD gaar ahaan AMISOM, waxaana looga hadlayey sidii gacanta loogu dhigi lahaa Magaalada Kismaayo oo ay xoog ku leeyihiin Xarakaada Alshabaab, hase yeeshee kullankan ayaa waxaa cambaareeyey Beelaha Dega Gobalada Jubbooyinka oo AMISOM kula taliyey in aysan dhinacna u xaglin gaar ahaan markay timaado Gobalada Jubooyinka.

16-kii October sanadkii hore ayaa Ciidamada Kenya waxay galeen deegaano ka tirsan Gobalka J/hoose, waxayna ciidamada Kenya ay weli dhaafi la’ yihiin deegaano ku dhow dhow xuduudka u dhexeeya Soomaalia iyo Kenya halkaas ay weeraro kala kulmaan Shabaab sidoo kale sababihii ay u soo galeen ciidamada Kenya deegaano ka tirsan Soomaaliya ayaa weli taagan, iyadoo shalay laga soo afduubtay xerada Dhadhaab afar qofood oo u shaqeynayey Hay’dda NRC oo u kala dhashey Wadamada Kanada ,Norway,Bakistaan iyo Filibiin kuwaas oo la sheegay in loola soo dhaqaaqay dhinaca Soomaaliya, sidoo kale gudaha dalka Kenya ayaa weli waxaa jira qaraxyo iyo dilal, isku soo wada duuboo xaaladda Deegaanada Gobalka J/hoose ayaa moodaa inay cirka isku sii shareereyso iyadoo Beelo Dega Gobolkaas si gaar loo Gacan Bidixeeynayo


Faah Faahin Dheeraad ah oo ka soo baxaysa Afduubkii Sahqaale Ajnabi oo laga Afduubey Xerada Dhadhaab

Kooxo hubaysan waxa ay jid gooyo ku sameeyeen laba gaari oo ay wateen Shaqaale ka tirsan Hay’ad sama fal ah oo loo yaqaano NRC.Weerarkaas lagu qaaday Gaadiidkaas ay wateen Shaqaalaha SamaFalka oo xiligaa ku sii jeeday Xeradaas ayaa waxaa ka dhashay Dhimasho, Dhaawac iyo afduub loo gaystay qaar ka mid ahaa Shaqaalihii Hay’addaas.

Inta la Xaqiijiyay waxaa weerarkaas ku dhintay Nin ka Tirsanaa Shaqaalaha hay’addaas oo dhalashadiisu kiinyaan ahaa halka mid kale oo dhalashadiisu Soomaali tahayna uu ku dhaawacmay.Shaqaalaha la afduubtay ayaa waxa ay u kala dhasheen Dalalka Kanada Norwey, Bakistaan iyo Filibiin kuwaasoo sida la sheegey loola soo dhaqaaqay dhinaca Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Boliiska Dalka Kenya ayaa sheegey in afduubkaasi ay ka dambeeyeen Xarakada Shabaab isla markaana Dadka haatan la afduubay loola dhaqaaqay dhinaca Soomaaliya.Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in gaarigii lagu afduubay Ragaas laga helay meel ku taala Xadka Soomaaliya ka gadaal markii afduubayaashu ay halkaa isaga tageen gaarigii wateene

Sarkaalkan ayaa sheegey in ay soo furan doonaan Shaqaalahaas isagoona intaa ku daray inuu jiro hawl gal ballaaran oo ay ka qayb qaadanayaan Diyaaradaha Qumaatiga u kaca kuwaasoo baadi goobaya Shaqaalihii Hay’adda Sama Falka ee NRC.

Sannadkii tagey bishoo Oktoobar ayaa laba Haween ah oo u dhashey Spain laga soo afduubteey Xerada Dhadhaab Iyadoo Afduubkii shaley si weyn loogu cambaareeyay Xukuumadda Kenya in ay wax ka qaban weeyday ammaanka Shaqaalaha u shaqaynaya Hay’adaha Sama Falka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.yk

France’s Total has been awarded a licence covering Block L22 in the Lamu basin, off the coast of Kenya.

Total announced on Wednesday that it had signed a production sharing contract with the Kenyan government for the block, which it will operate with a 100% interest.

It added the first phase of the exploration programme over the licence area would consist of a 3D seismic survey.

The offshore L22 licence covers 10,000 square kilometers off the the Lamu Archipelago in water depths of between 2000 and 3500 meteres.

Total already has a foothold in the Lamu basin through its 40% stake in the L5, L7, L11a, L11b and L12 exploration licenses which are all operated by US independent Anadarko Petroleum.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.