Home » Warar »

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dawladda FKMG oo Ra’iisul Wasaare Gaas ku Eedeeyay inuu ku been Abuurtay.

 

Iyadoo uu dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya Xuseen carab Ciise uu sheegey in ay bixiyeen lacagihii Mushaaraadka Ciidanka ah isla markaana la joogteyn doono ayaa haddana arrintaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dawladda.

Col. Axmadeey Maxamed Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dawladda KMG ee ku sugan Aagga afgooye oo la hadlay qaar ka mid ah Saxaafadda Madaxabanaan ayaa sheegey in ay jirto Lacag Bil keliya ah oo soo gaadhay Ciidamadooda ku sugan Safka hore ee dagaalka.

Sarkaalkaan ayaa xusay inuu dhegihiisa ku maqlay Ra’iisul Wasaare Gaaz oo warbaahinta ka sheegaya in ay bixiyeen illaa Afar Bilood Mushaaraadkii Ciidanka isagoona Sarkaalka uu qiray in ay soo gaartay Bil keliya dhinaca dawladduna ay ku tabayaan Lix Bilood Mushaarkooda marka laga reebo Bisha keliya ee soo gaartay.

Saraklaaka ayaa sheegey in wax laga xishoodo ay tahay in Ruux Mas’uul ah uu sheego warar aan raad lahayn isla markaana Magacooda lagu been abuurto.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada dawladda ayaa sheegey in iyagu haatan Dantoodu aysan ahayn Mushaar balse ujeedkoodu uu yahay sidii ay dalka u xoreyn lahaayeen .

Col. Axmadeey ayaa intaa ku daray in Ciidanku dhulkii hore uu u joogay uu haatan ka baxay isla markaana uu galay dhul kaneeco Qabow iyo dhibaatooyin kaleba ay ku haystaan sidaa darteedna loo baahna in Dawladdu Daryeel gaar ah la daba taagnaato taasoo uu sheegey inaysan waxba kaga helin.

“Ciidankeenu wuxuu u babac dhigay, Dhaxan, Kaneeco, Rasaas iyo wax kasta oo Dhibaata ah, ha yeeshee Askeriga Safka ku Jira ee aan caruurtiisa arag, dhimanaya dhaawacmaya haddana aan haysan wax daryeel ah taasi waa sumcad Xumo iyadoona lagu been abuuranayo” ayuu si kulul u yiri Col. Axmadeey.

Ugu danbayntii Sarkaalkan ka tirsan Ciidamada dawladda KMG ayaa ka codsaday Madaxda sare ee dawladda in Ciidanka la daryeelo, kuwa Dhaawacba la Xanaaneeyo kuwa dhintana ubadkooda la Ogaado.

Hadalka Col. Axmadeey Maxamed Nuur oo ka tirsan Ciidamada dawladda FKMG ee Aagga Afgooye ayaa imaanaya xilli maalinimadii Shalay Wasiirka gaashaandhigga ee Xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya uu sheegey in ay bilaabeen bixinta Mushaaraadkii Ciidanka isla markaana ay joogto u bixin doonan Bil walba iyadoo dhanka kalena Ciidamadu ay ka cabanayaan lacago hore uga maqnaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dawladda FKMG oo Ra’iisul Wasaare Gaas ku Eedeeyay inuu ku been Abuurtay. "

  1. Waar hooy odayga Reerka,

    Wiilasha Xooga Dalka ee baahida lagu dilay waxaad xaqooda u duudsiyeysaa? Ee yaahee Odayga Reerka ariimahan ila arag bal:

    1. Xooga dalku waxay mushahar u qaataan $200 sadexdii bilood mar,
    labada bilood ee kale dhexda ayaa laga saaraa,
    2. Ciidamada AMISOM waxay qaataan $1,300 bishuu, uu raashinku u
    dheer yahay,
    3. Ciidamada AMISOM waxay ku lebisan yihiin UNIFORM and boot both
    are aan xabaddu karin,
    4. Ciidamada Xooga waxy ku lebisan yihiin uniform kala jaad ah,
    5. Ciidama AMISOM waxay haystaan hubka noocii ugu danbeeyey, halka
    Xooga dalka weli lagu hayo cuna-qabatayn xagga hubka.

  2. Waad salaamantihiin dhamaantiin.waxaan la yaabanahay qofka leh hal bil baa la i siiyey.lakin dal baan xoreenayaa marka ha ilaawin halgankii gobanima doonka somaliyeed,in mushahaar la’aan naftan loo huray.mida kale somaliyi 21sano ayeey daryeel la’aan ku jirtay oyna agoomoobaysay,marka xooga dalkow noqda kuwii samata bixin lahaa umaddan ee ha noqonina kuwa u fekeraya sidii calooshood u shaqaystayaal.mahadsanidin.
    waa:Odayga reerka