Akhristoow wali waxaa inoo socda masaa’ilkii aan ka soo qaadanay kitaabkii Mowlaanaa Abuu Aclaa AL-mowduudi ee ( Tadwiin AL-dastuur AL-Islaami ) :
[ wuxuu shiikhu ku yiri fasalka seddexaad ee kitaabkaas , waxaan rabaa in aan idiin sheego Masaa’il aad muhimad u leh aasaasna u ah Dastuurka Islaamiga ah anigoo soo gaabinaaya waxaan ka helnay masaadirta asaasiga ah ee Islaamka, taas baanan ku ogaan doonaa in Islaamka nagu hanuuninaayo Masaa’il Dastuuri ah iyo in kale?.
Halkaana kuma soo qaadanaayo ilaa sagaal mas’alo mooyee wax kale, kuwaas oo ka mid ah masaa’isha Aasaasiga ah oo kala ah :
1) Xukunka yaa iska leh Sidiisaba ?ma Boqor boqortooyinka ka mid ah amase dabaqad Dabaqooyinka ka mid ah ama Qoys Qoysaska ka mid ah, Mise Allaah Subxaanahu wa tacaalaa ???.
2) Maxay tahay xuduuda ay ku shaqeyneyso Dawladda Islaamiga ah ? Xad intee le’eg bayna dadweynuhu adeecayaan, Goormayna u qalmaan in la adeeco ?.
3) Xududuud intee le’eg bay ku shaqeynayaan Qeybaha kala gadisan ee Dawladu ka kooban tahay ( organs of the state ) Golaha Fulinta ( Executive) iyo Golaha Maxkamadaha ( Judiciary) iyo Golaha sharci dejinta ( lagislative ) iyo noocyada ay u kala shaqeynayaan iyo xiriirka dhexdooda ka dhaxeeya.
4) maxay ku dhisan tahay Dawladaan oo ay higsaneysaa in ay fuliso, maa maxay mabaadida Asaasiga ah ee Siyaasadeeduna leedahay .
5) muxuu noqonayaa dhismaha xukuumaddu si ay u socdsiiso Nidaamka Dawladnimo.
6) maxay yihiin sifaadka looga baahan yahay Madaxda Dawladda si ay u noqdaan kuwo u qalma hogaaminta wadanka.
7) Dastuurku muxuu ka sheegayaa Arrimaha lagu noqon karo Ruux Muwaadin ah ( citizenship) Sidee buuna shaqsigu uga mid noqon karaa Ruux muwaadin ah.
8) Xuquuq intee dhan baa dawlladu ku yeelan kartaa dadweynaheeda ?
9)xuquuq intee dhan baa dadweynuhu dawladda ku yeelanayaa ??? ]
Bogga 19-20
.
Sagaashaas qodob ayuu Shiikh Abu Aclaa kaga hadlay kitaabkiisa ( Tadwiin AL-Dastuur AL-Islaami) waxaanna isku dayeynaa in aan soo gaabino Arrimahaas sagaalka ah .
1 ) YAA XUKUNKA ISKA LEH :
Allaah kaligiis (SWT) ayaa iska leh Xukunka, asaga kaligiis uun baa ah midka Amarkiisa u raaya ( فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ ) waa midka wuxuu doono sameeya , waa midka kaliyah ee waxa uu sameeyo aan la su,aalin ( لَا يُسْأَلُ عَمَّا يَفْعَلُ وَهُمْ يُسْأَلُونَ ) waana Allaah wax awooda ee xoogga leh ee caziizka ah ee gacantiisu ay ku jirto lahaanshaha wax kasta ( بِيَدِهِ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيْءٍ ) waana Allaaha kaliyah ee uusan suldhadiisu aysan awood kale xadeyneynin ( وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيْهِ )waa Allaha wax magan galiya ee aan asaga ruuxna magan galin , waana Allaaha ka Nasahan gefka ( الْمَلِكُ الْقُدُّوسُ السَّلَامُ ) waana Allah Boqor ah ,daahir ah Nabadgaliye ah .
Sidiisaba Islaamku arrinka Xukunka waa soo afjaray wuxuuna xukumay in Allaah kaliyah uu leeyahay, waxaanna ka mid ah Aayadaha arrinkaas soo afjaray : ( إِنِ الْحُكْمُ إِلاَّ لِلّهِ أَمَرَ أَلاَّ تَعْبُدُواْ إِلاَّ إِيَّاهُ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَـكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لاَ يَعْلَمُونَ ) 12:40-
Allaah wuxuu Quraankiisa ku yiri Xukunka uma sugnaanin ilaa Allaah mooyee, wuxuuna faray in aadan caabudin asaga mooyee kaas ayaa ah Diinta toosan se dadka badankiisu ma oga ) 12:40
Sidoo kale Aayad kale wuxuu Allaah ku yiri : (
اتَّبِعُواْ مَا أُنزِلَ إِلَيْكُم مِّن رَّبِّكُمْ وَلاَ تَتَّبِعُواْ مِن دُونِهِ أَوْلِيَاءَ قَلِيلاً مَّا تَذَكَّرُونَ ) 7:3 )
Allaah wuxuu leeyahay : ( Raaca wixii Allaah agtiisa la idinkaga soo dajiyey oo hana raacina wixii asaga ka soo haray oo gargaara ah …) 7:3
Sidoo kale xukunka Allaah oo laga tago wuxuu Quraanku ku tilmamay kufri cad ( ومن لم يحكم بما انزل الله فاولئك همالظالمون ) 5:45 )
Allaah wuxuu yiri ( Ruuxii aan kitaabka Allaah isku xukumin kuwaas ayaa gaalo ah ) . 5:45
waxaa halkaas si cad ugu cadaanaaya in Aayadaan uu Islaamku & iimaankuba yahay in loo hogaamsamo xukunka Allaah oo loo madax raariciyo, diiditaankiisuna ma ahan ilaa kufri mooyee ] bogga 21-28
2) Maxay tahay xuduuda ay ku shaqeyneyso Dawladda Islaamiga ah :
Haddiiba aan horay u soo ogaanay in dawladda Islaamku ku shaqeyneyso xukunka Allaah kaliya , waxaan halkaas ka ogaaneynaa in xuduudeedu ay kooban tahay ooysan dhaafi kareynin xuduuda Allaah ,waxaan halkaas ka arkeynaa in Allaah Aayaddo farabadan wax ku faraayo ama wax ku reebaayo haddana uu daba dhigaayo :
( تِلْكَ حُدُودُ اللّهِ فَلاَ تَقْرَبُوهَا ) Allaah wuxuu leeyahay :( Taasi waa Allaah xuduudisii ee ha u dhawaanina ) 2: 187
Sidoo kale waxaa imaanaaya Qaacido Guud oo ah :
( ا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ أَطِيعُواْ اللّهَ وَأَطِيعُواْ الرَّسُولَ وَأُوْلِي الْأَمْرِ مِنكُمْ فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللّهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلاً ) 4:59
Sidaan Aayadaan ku arkeyno waxay na tusineysaa in daacadda dawladdu ku xirantahay daacadda Allaah & rasuulkiisa.
Taas macnaheeduna wuxuu noqonayaa dawladdu xaq uma laha in ay dadweynaha adeecis weydiisato haddii aysanba ayaduba ku taagneyn adeecista Allaah, siduu Nabiguba yiri NNKH : ( Adeecis ma jirto la Adeecaa- mid la abuuray- si Allaah loo caasiyo ) masnadka Imaam Axmed.
Sidoo kale Aayaddu waxay sugeysaa in wax kasta oo khliaaf ah oo ka dhex dhaca mujtamaca Muslimka ah loo celiyo xukunka Aasaasiga ah ee aan kala kulanay Allaah & Rasuulkiisa.
Halkaas baan ku soo gabagabeynayaa maqaalkaan waa inoo qeyb 4aad oon kaga hadli doono xiriirka ka dhaxeeya seddexda qeybood ee dawladda qeybta fulinta,qeybta Baarlamaanka iyo Qeybta Maxkamadaha insh allaah.
fii amaani laah
Shiikh Sahid mohamed yusuf
USA,VA
Al-mutakhasis fi l xarakaat Al- Islaamiyah
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.