Home » Warar »

Maxaa ka soo baxay Kulankii Shiikh Shariif iyo Meless Zanawi

iyo Taliyaha Ciidamada Itoobiya Jeneraal Gabra oo soo gaarey Muqdisho…

Madaxweynaha DFKMG Jamhuuriyada Soomaaliya Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Malez Zenawi, Waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya labada wadan, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha DFKMG iyo xukuumadiisa “horumarka ay ka gaareen dhinacyo badan, gaar’ahaan dhanka amniga iyo siyaasada.”

Waxa kale oo ay ka wada hadleen “sidii loo dardar’galin lahaa how’galada ay sida wada jirka ah uga wadaan ciidamada dowlda KMG iyo kuwa Ethiopia qaybo ka mid ah Gobolada Somaaliya.”

Shariif iyo Melez ayaa kulankooda laga soo xigtey in ay “isla gorfeeyeen sidii loo xoojin lahaa Xiriirka labada wadan, ayna ka wada shaqeeyaan mashruucyo fududaynaya wax soo’saarka labda shacab, sida korontada, dhismaha wadooyinka iyo biya galinta.”

Waftiga Sharif Sh. Axmed ayaa waxaa ku weheliyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdullahi Xaaji Xuseen iyo xubno kale.

Dhinaca kale Magaalada Muqdisho waxaa soo gaarey Taliyaha Ciidamada Itoobiya Jeneraal Gabra waxaana uu habeenkii xaley ahaa la kulmey Raiisul Wasaaraha DFKMG  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbixinada ka soo baxay tibaaxeen in ay “isla soo qaadeen sidii Itoobiya u si wadi lahayd Dagaalada ay kula jirto Xarakada Alshabaab.”

Intii uusan soo gaarin Muqdisho Gen Gabre Magaalada Muqdisho waxaa la sheegey in uu soo marey Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo la sheegey in uu la soo kulmey Xubno ka tirsan Ahlu Sunna oo ay isla soo qaadeen arrimo ay ka mid ahaayeen sababihii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa ahlu Sunna uga soo baxeen Magaalada Ceel Buur.


Ethiopian troops will remain in Somalia: GCAO

Shariif iyo Zenawi June 25-26, 2012

Wadahalkii dhex maray Gen Gabre iyo Madaxda Ahlu Suuna ayaa waxaas lagu waramey in uu ku dhamaadey Is faham darro iyadoo Dowlada Itoobiya ay u soo jeedisey Ahlu sunna in ay la yimaadaan Qorshe looga hortagi karo Xarakada Alshabaab loogana saari karo Deegaanada Goboka Galgaduud ay ka joogaan Xarakadda Alshabaab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.