Home » Warar »

Gudoomiyaha Qoxootiga Soomaalida Ee Dalka Jabuuti Calidaahir Xasan Cali Oo Fariin Culus U Direy Bulshadda Caalamka Iyo Ummadda Soomaaliyeed

“Wixii Aan Laga Daalin Libintooda Maalin Baa La Helaa… Ummadda Soomaaliyeed Dhammaan Waxaan Ka Codsanayaa In Ay Dhigaan Qoriga Gacanta Iyo Kan Maskaxdaba”

Xaflado lagu xusayo Sannad Guuraddii 61-d ee ka soo wareegtey markii dhidibada loo taagey Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa lagu qabtey Xerooyinka Qoxootiga Cali Cadde, Hol Hol iyo Hoteelka Sharitoon ee Caasimadda dalka Jabuuti 20/06/2012-ka.

Munaasabadan lagu weynaynayo maalinta Qoxootiga adduunka, oo ay ka hadleen mas’uuliyiinta dhinaca qoxootiga ee dalka Jabuuti, kuwa Hay’adda UNHCR iyo mas’uuliyiinta qaybaha kala duwan ee hay’adaha Qaramadda Midoobey ee la shaqeeya UNHCR, ayaa waxay si guud iyo si gaar gaar ahba uga hadleen tiradda qoxootiga adduunka iyo tan dalka Jabuuti, wadamadda ay ka soo barakaceen, baahidooda guud iyo tan gaar ahaaneed iyo culeyka uu ku yahay in la qaabilo xiligan shekh-si qoxooti ah, ayaa Xaflad lagu soo xirayo lagu qabtey Hoteel Sharitoon ee caasimadda dalka Jabuuti. Mas’uuliyiinta ka hadashey xiritaanka munaasabadda lagu weyneynayo 61-guuradda aas aaska Hay’adda UNHCR ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa Hay’adda WFP dalka Jabuuti, Madaxa NGO-ga wadaniga ah ee APEF ee la shaqeeya UNHCR, Madaxa warfaafinta Hay’adda UNHCR ee dalka Jabuuti iyo gdoomiyaha qoxootiga Soomaaliyeed dalka Jabuuti.

Gudoomiyaha Qoxootiga Soomaalida dalka Jabuuti Calidaahir Xasan Cali waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Wakiilada dowlada, wakiilada UNHCR, wakiiladda hay’adaha kale ee UN-ka iyo wakiiladda hay’adaha aan dowliga ahayn waad salaaman tihiin. Caawa waxaan halkan isugu nimid xusida maalinta Qoxootiga adduunka oo sannad walba laga xuso caalamka bisha Juun, sidaan ognahay qoxootiga adduunyadu wuxuu marayaa amma dhaafeyba malyuumaad, kuwaas oo ka qaxaya wadamadda colaadaha ay ka jiraan sida Af-gaanistaan, Ciraaq, Siiriya, Liibiya, Soomaaliya iyo kuwo kaleba.

Halkan ka dhegeyso – Cali Daahir:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/calidaahir.mp3]

Qoxootiga jooga Jabuuti oo tirsiguusu uu gaarayo 20,000, kana kala yimid soomaaliya, itoobiya iyo Eriteriya, islamar ahaantaasina ku kala nool Cali Cadde, Ho Hol oo bishaan la furey iyo Magaaladda Jabuuti, qowmiyadda ugu badana ay tahay soomaalida 80%, waxaana gacanta ku haya Dowladda Jabuuti iyo Hay’adda u qaabilsan UN-ka arrimaha qoxootiga ee UNHCR, iyaga oo u shaqeeya uguna addeega si habsami ah, kaasoo adeecsan xeerka qoxootiga ee qaraaradii Geneva 1951-dii, qofkasta oo dhibaateysan amma dan yar qoxooti ah, dadaalkasta oo loo galo, haddana wax buu tabanayaa. Hay’adda UNHCR iyo hay’adaha kale ee UN-ka la shaqeeya, waxaan ka codsaneynaa marka la eego wax-barashada Kaamka waxaa wax barashadeedu uu yahay ilaa Dugsiga dhexe, marka waxaan u baahanahay in dugsi sare looga dhiso, si ardeyda dhameysatey dugsigii dhexe, ay u helaan wax-barasho ay ku dhameystirtaan dugsigii sare, si ay uga faa’iideystaan waqtigooda dhalinyaro-nimo ee qaaliga ah” .

Isagoo khudbadiisa sii wata islamarkaana baahida wax-barasho iyo tan caafimaad ee qoxootiga isagoo tilmaamaya ayaa waxaa uu yiri “Waxaa kale oo jira, in uu yar yahay gaaska la siiyo xerada, waxaan dooneynaa oo aan jecelnahay in loo siyaadiyo si ay u baaqato jarida geedaha loogana nabad galo nabaad guur ku yimaada dhulka, dowladda Jabuuti iyo Hay’adda UNHCR iyo Hay’adaha kaleba, waxaan ka codsaneynaa in ay u dhabagalaan una fiirsadaan habka hannaan socodka ee caafimaadka qoxootiga daaweyntiisa”.

Gudoomiyaha Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Jabuuti Calidaahir Xasan Cali isagoo ku hadlaya magaca Qoxootiga soomaaliyeed ee dalka Jabuuti waxaa uu codsi balaaran jeedinaya waxaa uu yiri “ Dowladda Jabuuti, UN-ka iyo Mujtamaca caalamiga ee daneeynaya nabad-gelyeynta soomaaliya, waxaan ka codsaneynaa in aysan ka daalin nabadeynta soomaaliya, si qoxootiyada adduunyada ku firirsan ee soomaalida ay dibb ugu soo laabtaan gurigooda Hooyo, wixii aan laga daalin libintooda maalin baa la helaa, waxaana rajeynayaa haddii aan laga daalin, in nabad lagu soo dabbaalidoono dalka soomaaliya”. Gudoomiyuhu waxaa uu khudbadiisa ku soo xirey “Ummadda soomaaliyeed dhammaan waxaan ka codsanayaa in ay dhigaan qoriga gacanta iyo kan maskaxdaba, ayna ka shaqeeyaan iyaga oo wada jira oo gacmaha is-haysta nabadeynta dalka soomaaliyeed iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa waad mahadsan tihiin”.

midig Calidaahir, midix Cabdullaahi Xargeeye oo hadalka Calidaahir u tarjumaya Faransiis

Tiradan Labaatanka Kun ah ee qoxootiga jooga dalka jabuuti inkastoo ay ugu badan yihiin Jinziyadaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteriya, haddana waxaa jooga qoxooti ka yimid Suudaan, Yemen, Ciraaq iyo Hnidiya oo ay ka joogaan hal amma laba qof. Marka dib u eegis lagu sameeyo xusaskan iyo habkii loo aas aasey Hay’adda UNHCR iyo xiligan aynu joono, waxaad moodaa in wax badan ay iska badeleen. Haddana xuska maalinta Qoxootiga adduunka iyo tirada sii kordheysa ee qoxootiga dunida ee maalinba maalinta ka dambeysa iyo diggniinaha dabayaal, ma ahan mid lagu farxo, islamarkaana lagu faano, in wax loo qabtey shucuub ka barakacay guryadooda. Iyadoo la iska indho tirayo habb-dhaqanka dadyowga dunida horumarey ee maalinba maalinta ka dambeysa damacooda qalafsan uu sii wiiqayo dhulalka iyo khayraadka ku duugan kuwa taagta daran, islamarkaana si cad u raamsanaya. Iyadoo aan la heyn awood hor istaagta, mid fasaxda mooyee, taasoo ah sababaha keena in uu sii bato barakaca iyo colaadaha ka jira dunida dacaladeeda.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.