Home » Warar »

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida oo Mamnuucay in Hub lala soo Dhex Galo Xeebta Liido

Muqdisho: Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida Gen. Xasan Maxamed Xuseen Mungab ayaa manta Boqolaal Dhallinyara ah kula hadlay Xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho.Guddoomiye Mungab ayaa sheegey in Xeebta Liido ay tahay meel ay u soo dabbaal iyo dalxiisba tagaan Mas’uuliyiinta dawladda, qaybaha kala ee Bulshada isla markaana loo baahan yahay in goobtu ay u muuqato Goob ammaan ah.Guddoomiayaha ayaa sheegey in sharci darro ay tahay in Rag Hubaysan ay gudaha u soo galaan Xeebta oo uu sheegay inaan loo baahnayn in la argagax geliyo dadka halkaa u soo dalxiis tagaya.

Mungab ayaa intaa ku daray in Ciidamada hubaysan ee soo raacaya Mas’uuliyiinta ay Istaafka u yihiin in Hubkooda ay soo dhigteen Xeebta Banaankeeda balse aan la ogolaan Karin in gudaha Xeebta lala soo galo Hub isagoona uga digay raga Hubka la soo galaya Xeebta in arrintaasi ay tahay dembi isla markaana ay tallaabo ka qaadayaan.

Dhallinyaradii dhagaysanaysey khudbadda Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa si weyn ugu riyaaqay hadalkaas si aad ahna ugu sacbiyay iyagoona muujiyay sida ay u taageersan yihiin hadalada Mungaab.

Xeebta Liido oo ah meel ay dadku u daawasha tagaan Maalmaha jimacaha iyo khamiista ayaa mararka qaarkood waxaa laga maqlaa rasaas ay ridayaan rag ku lebisan Direyska Ciidamada taasoo khal khal iyo deganaansha la’aan ku reebaysa Shacabka faraha badan ee halkaas isugu imaanaya.

Maamulka Degmada Cabdulcasiis ee Gobolka Banaadir ayaa laga yaabaa inay cabasho u gudbiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda taasoo keentay in Mungab uu maanta booqdo Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba xeebta Liido ayaa waayadii danbe soo jiidatay Kumanaan dad ah oo qaarkood ay dibadaha ka yimadeen kuwaasoo marka aad la sheekeysato ku sheegaya in ay dareemayaan beri samaadkii iyo sidii ay ahaan jirtay Xeebta Liido.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida oo Mamnuucay in Hub lala soo Dhex Galo Xeebta Liido "

  1. B sanka says:

    waa arin lagu diirsado inaan aragno caasimadeenii oo maalinba maalinta ka danbaysa kasoo wanaagsanaanaysa mudane muungaab noqo kii ciidanmada iyo shacabkaba u horseeda anshax waanaga iyo wado noolaanshaha Ilaahay waxaan kaaga baryaynaa hadii aanahay bahda nabada jecel Inuu Rabbi kaa dhawro xumaan dhamaanteed kuna dhaxal siiyo wanaag dhamaantiis