Home » Warar »

Sheikh Shariif oo wax laga weydiiyey Carruurta ka laabtay Maraykanka xilliguu uu Xakumay Maxaakiimtii Islaamiga ahaa

Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo ka hadlay Carruurta ka laabatay Maraykanka xilligii uu Isagu Xukumay Maxkamadihii Islaamiga

Waraysi ay idaacadda BBC la yeelatay Sheikh Shariif ayaa wax laga weydiiyey in carruurta Soomaaliyeed ka laabtay Maraykanka xilligii uu madaxda ka ahaa Maxakamadihii ayaa sheegay in arrintaasi dhici karto.

Maxamed Xaaji Xuseen (Shiino) oo Idaacadda British Broadcasting Corporation (BBC-da) uga soo warama Maraykanka ayaa marka hore waxa uu madaxweynaha DFKMG weydiiyey ciddii madaxda adduunka ay iska arkeen arrimaha Soomaaliya?

Sheikh Shariif waxa uu ku jawaabey “dadkii aan la kulan dhammaantood waxay ahaayeen dad wadaaga dareen ay qabaan oo ku aadan in Soomaaliya xaaladdeedu ay adagtahay loona baahan yahay in gacan la siiyo, anagana waxay noo ahayd fursad runtii aan ugu sharxi karno qaddiyada Soomaaliya iyo baahida loo qabo adduunka in uu garab istaago Soomaaliya, xaaladda adag ay ku jirto darteed.”

Markii la weydiiyey in uu arkay dad fursaddaas qaaliga ah wax uga faa’iidaynaya oo wax la qabanaya, waxa uu ku jawaabey “dadka oo dhan runtii waxay isku waafaqsanaayeen in lagama maarmaan ay tahay in wax lala qabto Soomaaliya.”

Markii la xasuusiyey ay shirkii ka soo daaheen oo aysan iman markii ay joogeen madaxdii badnayd, waxa uu Sheikh Shariif ku jawaabey “Shirka waqtigii la furaayey ma joogin laakiin haddana madax badan ayaan la kulanay.”

Markii la weydiiyey “waxaa la sheegay in aad tegeysid magaalooyinka Minneapolis iyo Columbus, maxaad ka dooneysaa? Waxa uu ku jawaabey “dadka Soomaalida in aan aragno, oo warbixin aan siino iyagana aan dhegeysano intaas ayaa ugu muhiimsan.”

shariifka

Weriyaha idaacadda British Broadcasting Corporation waxa uu weydiiyey “waxaa jirta carruur farabadan oo ka baxday Maraykanka, carruurtaas miyaad ka war haysaa.”

Sheikh Shariif waxa uu ku jawaabay “waxaan u malaynayaa arrin hadda lawada ogyahay in ay tahay in carruur farabadan ay ka tagtay dalkaan Maraykanka, arrintaasuna waxay u dhacaysaa xaaladda dalka ka jirta oo dadku aysan ka warqabin iyo waalidiinta oo laga yaabo in ay aad u mashquulaan marka halkaan ay joogaan iyo carruurtoo laga yaabo in marwalba ay u fududaato yacni in si khalad ah wax looga dhaadhiciyo.”

Markii la weydiiyey in la sheegay in carruurtaasi ay meesha ka bexeen markii uu isagu maxkamadaha xakumayey, waxa uu ku jawaabay “WAA DHICI KARTAA, laakiin haddee qadiyadda maanta annaga cadow na hortaagan oo aan la dirirnaa ma jiro, waxaa nalooga baahan yahay in aan dawladnimadeena iyo nabaddeena iyo midnimadeena ka shaqayno, marka nasiib darro waaye in qof waalidkiis ama asagu nabad darro ka soo cararay in uu Soomaaliya ku laabto asagoo nabaddii ka soo horjeeda.”

Shiino ayaa weydiiyey “Laakiin waxay leeyhiin carruurta jihaad ayaa loogu yeeray xilligii maxkamadahu ay yiraahdeen dadka muslimiintu meel ay joogaanba hana soo gaaraan, sidaa daraadeed ayey uga jawaabeen call-ka.” Waxa uu Sheikh Shariif ku jawaabay “maxkamadaha waxaad ogtahay haddee hoggaan ayey lahaayeen, Islaamkuna fowdo ma aha marka jihaadkuna wuxuu leeyahay shuruud, iyo wuxuu leeyahay dawaaqid xadidan marka cid lagu jihaado hadda Soomaaliya ma joogto.”

Su’aalaha oo intaas ka badnaa:

Mar haddii Sheikh Shariif uu sheegay in ujeedada uu ula kulmayo jaaliyadaaha Soomaaliyeed ee Maraykanka ay tahay in uu “warbixin siiyo oo iyagana dhegeysto” ayaa la is weydiin karaa in warbixintaas uu kaga hadli doono sababta xukuumaddiisa ku kallifaysa in ay difaacaan heshiiska ay ugu yeeraan Is-fahamka ee ay Soomaaliya ku waayi karto 116,000 km2

Akhristuhu si uu u fahmo sidii degdegga ahayd ee xukuumadda Sheikh Shariif ay ku fulisay heshiiska is-faham: Febraayo 22, 2009 ayaa la dhaariyey xukuumadda FKMG. March 10 waxaa Nairobi ka dhacay kulan dhex maray xubno xukuumadda ah, UN iyo Norway, kulankaas ayaa xukuumadda loogu soo bandhigay qorshaha heshiiska. March 12 ayaa la sheegay in xubno ka tirsan golaha wasiiradda DFKMG ay ansixiyeen heshiiskaas. March 18 waxaa Nairobi heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, heshiiskaas oo kusaabsan in cashuurta alaabta aadeysa Soomaaliya in ay Kenya cashuurta uga qaado DFKMG. April 5-6 ayaa wafti reer Norway ay yimaadeen Muqdisho safarkooduna uu la xiriirey arrinta badda. April 7 ayaa Nairobi lagu saxiixay heshiiska Is-fahamka. April 8 ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu warqad lifaaq ah ku daray heshiiska una diray UN-ta. April 14 ayaa si rasmi ah heshiiskaas lagu daabacay shabakada Qarammada Midoobay.

Baarlamaanka DFKMG ayaa diidey heshiiskaas August 1, 2009.  Markaas ka bacdi ayaa guddoomiyaha baarlamaanku waxa uu diidmadii baarlamaanka u gudbiyey madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif si uu ugu gudbiyo Qarammada Midoobay. Halkii laga filayey xeerkaas oo madaxweynaha DFKMG ku saxiixan yahay oo loo gudbiyo QM ayaa August 19, 2009 waxaa taas bedelkeedii QM loo gudbiyey warqad loo saxiixay Cumar C/rashiid, ra’iisulwasaaraha DFKMG.

Waa jawaabaha ay Jaaliyadda Minneapolis, Columbus iyo Washington DC ka sugayaan Sheikh Shariif.

 baddaa13

…………………………………………..

Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Xilku kaga egyahay October 14, 2009, sida uu dhigayo Axdiga DFKMG?
Akhri Halkan…

 

Sh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii BaarlamaankaSh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii Baarlamaanka” Baarlamaanka sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay waxa ay tahay heshiis inuu buriyo,laakiin kani heshiis ma’ahayn wuxuu ahaa IS-AFGARAD”…”heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay”. Akhr…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.