Soomaliya waa dal aan lahyn dowlad Rasmiya taasna waxey keentay in wadamada deriska ay xoog ciidan ku soo farageliyaan arrimaha gudaha Soomaaliya. Ujeedada faragelintoodu waa mid ku dhisan iney hogaanka siyaasada Soomaaliya taladeedu ka timaado Addis Sababa ama Nairobi. Waxaa muuqata in isku daygaas ay u rukuuceen madax goboleedyo iyo kuwa ka tirsan dowlada dhexe. Shacab weynaha Soomaaliyeed marna uma hogansamayo inuu qaato talooyinka ka imaaneysa madaxda deriska oo ay la hulaaban yihiin kuwa KMG.
Dowlada Ethiopia oo ku dhalatay qaab jabhadnimo, waxey dhinac mareen qawaaniinta caalamka iyo nidamka dowladnimo. Waxey marar badan ku soo xadgudbeen xuduuda ay la leedahay Soomaaliya iyadoo aan wax ogaalsho ah ka heysan dowlad ku timid rabitaanka shacabka. Ciidanka Ethiopia waxey Soomaaliya marar badan la soo galeen ciidan fara badan oo lagu qiyaasi karo sideetan kun, kuwaas oo u dhisan qaab jabhadnimo. Marka ay wadanka Soomaaliya soo galaan waxey gooyaan dhul dheer, waxey fariisimo ka sameystaan degaan fog oo ku yaala caloosha Soomaaliya. Xeeladooda dagaal waa mid ay ku muujinayaan geesinimo, laakiin ay ku hoobtaan ciidankooda, ciidanka la socda iyo kuwa ay la dagaalamayaan.
Ciidamada Ethiopia waxey markasta xulufo ka dhigtaan maleeshiyaad qabiil oo ay siiyaan magaca ciidanka DKMG. Ciidamada Soomaaliyeed lama siiyo hubka culus iyo wax mushaara. Waxaa xaqiiqa in Ciidamada Ethiopia uu yahay qasadkoodu inuu si toosan is kaga hor keeno ciidanka xulafadiisa la ah iyo kuwa ka soo horjeeda, si ay u galaan dagaal qaraar oo dhimasho iyo dhaawac badan sababa. Runti waxey tahay in mucaaradka iyo muxaafadka ay Ethiopia daneyneyso iney wada jabaan.
Siyaasada Ethiopia ee ku dhisan in Soomaaliya xoog ciidan u adeegsato si danaheeda dowladnimo ay ku gaarto waxey u martay shaqsiyaad iyo maamulo ay la noqotay saaxiib dhow. Diidmada shacabka Soomaaliyeed uu uga soo horjeestey faragelinta Ethiopia waxey dhalisay Ethiopia iney ku weyso dhaqaale iyo saaxiibtinimo dhow oo ay la lahayd wadamo ka tirsan dunida horay u martay. Waxaa Ethiopia si dadban iyo si toosanba loo wargeliyey iney faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya oo aysan jirin cid u igmatay.
Dadaalada Ethiopia waa mid aan lahayn tayo siyaasadeed oo ka durugsan muujin qab ciidan iyo qar iska tuurnimo. Ethiopia waxey laysay ama isku laysay dad badan oo Soomaaliyeed ee ka tirsan xubnaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale iyadana waxaa laga laayey kumanaan ka tirsan ciidankeeda, waxaana sidaas ku burburay niyadsamida ciidankooda oo sababta loogu soo dirayo Soomaaliya u arkay iney tahay danta hogaamiyahoodu ka leeyahay oo ah in loo arko inuu yahay nin libaaxa oo awood badan iyo in iyaga lagu laayo dagaaladaas aan xambaarsaneyn nuxur dowladnimo.
Ethiopia haddii ay xoogga saari lahayd derisnimo wanaaga iyo iskaashiga dhinaca ganacsiga ama dhaqaalaha, waxaa xiriirkaas ka dhalan lahaa shirkado badan oo isku dhexdhafa, kuwaas oo xaruumo dhaqaale oo xooggan ka abuuri lahaa Geeska Afrika, iyado baxada Ganacsiga uu gaari lahaa wadamada ku jira gudaha Afrika. Waxaa cad in Ethiopia ay daneyneyso Xeebaha Soomaaliya, Soomaaliduna ay dooneyso suuqyada Ethiopia iyo wadamada deriska la ah. danahaas la kala leeyahay waxaa loo mari kara nidaam aan ku dhisneyn xoog ciidan iyo Ethiopia oo aan soo faragashan siyaasada Soomaaliya inta xal laga helayo dhulka Soomaalida Galbeed oo ay xoogga ku haysato dowlada Ethiopia.
Hogaamiyaha Ethiopia oo ku dhaqana Soomaalida iyo Ethiopia waxa uu ka marin habaabay fursad qaaliya oo uu u heystay nabadeynta labada dal. Wuxuu doorbiday inuu u dhego nuglaado wadamada shisheeyaha danahooda iyo inuu dalaal uga noqdo arrimaha Soomaliya danaha ay ka leeyihiin isaga oo iib geysanaya badeecadiisa ciidan. Wuxuu wax weyn ku noqon lahaa haddii u xaliyo khilaafka dhuleed wakhtiga dheerna soo jiitamay ee u dhexeeya labada dal. Nasiibdarro wuxuu ku dhumay xulafeysi aan abaal looga ahayn iyo qiimo jab la soo deristey xeeladahiisa dagaal oo ka gadmi waayey Afrika iyo Yurub.
Dowladnimada Soomaaliya helitaankeeda waxaa fogeeyey iskaashiga Ethiopia iyo ururka IGAD oo Ethiopia ku jira gacanteeda midig. Ethiopia waxaan u muuqan in nabada iyo dowladnimada Soomaaliya ay amni u tahay nabadgelyada Ethiopia. Caalamku maanta wuxuu isku raacsan yahay in dowlada Ethiopia ay gacan qaldan kula dhex jirto arrimaha guddaha Soomaaliya, tabarna aysan u lahayn in Soomaaliya ay talo u yeeriso. Waxaa laga codsaday Ethiopia iney ixtiraamto dadaalada Ururka Midowga Afrika oo aysan ka dhinac furin xagaldaacis waxyeeleyn kara ciidamada Afrikaanka.
Ethiopia waxey maantay ku baraarugtey iney ku guuldareysatay siyaasadeedii ku dhisneyd jabhadnimada iyo cagajugleynta ay ku heysey madaxda maamul gobeleedyada iyo kuwa KMG. waxaa intaas wehlisa in siyaasadeedi ay gashay go’doon oo saaxiibo badan ay ka sii fogaanayaan. waxaa kaloo meesha ka baxay in macaawinooyin ay is fahamsiisay iney ku heleyso dalaalnimadeeda xaga Soomaaliya in loo leexiyey mashaariicda siyaasadeed oo ay wadaan UNka iyo nabad ilaaliyayaasha Afrikaanka. Intaas oo dhan markii ay la soo gudboonaatey dowlada Ethiopia waxaa u soo baxday iney gacmo fara maran ay kala noqotay Soomaaliya.
Ethiopia jabkeeda siyaasadeed waxaa ka masuula hogaankeeda oo dan dhalanteeda ku bedeshey dan lama huraan ah. Wixii Ethiopia dhaqaalo ahaan ka soo galay macaawino wuxuu ku maalgeliyey ciidamadiisa uu ku jiheeyey dhinaca Soomaaliya. Hanti badan oo lagu hormarin lahaa wadanka Ethiopia ayaa lagu qasaariyey howlgalo ciidan oo lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed.
Maantay waxey xaaladu mareysa in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo rasmiya iyada oo Ethiopia aysan ku lahayn wax talo ah, lagana codsaday iney ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya inta aysan dhisan dowlad dhameystiran. Waxey wadamada qaar walaac ka qabaan in Ethiopia uu hadda gelayo burbur siyaasadeed iyo mid militari, meesha Soomaaliya ay rajeyneyso iney ka baxdo dowlad la’aanta. Guuldarida ka dhalatay howlgalada ciidamada Ethiopia oo ay kula soo noqdeen wadankooda, waxey keeni doonta dhibaato dib ugu noqota Ethiopia.
Dr. Said Issa Mohamud
saciidciise258 [- AT – ] aol.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.