Home » Warar »

Xarakada Shabaab oo Faah Faahisey Qaraxii Is Miidaamineed ee Shalay ka Dhacay Degmada Afgooye.

iyo Dowladda Federaalka oo ka Hadashey Dagaalo Qaraar oo ka dhacay Degmada Qansax Dheere

Wararka naga soo gaaraya Degmada Qansax Dheere ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in shalay gelinkii Danbe Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dawladda ee halkaa ku sugan iyo Xarakada Shabaab inuu ka dhacay Degmadaasi.

Xildhibaan Cali Maxamed Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya oo iminka ku sugan Degmadaas ayaa warbaahinta uga war bixiyay qaabkii uu dagaalkaas u dhacay.

Xildhibaan Aadan ayaa sheegey in Dagaalku ka dhacay goobta loo yaqaano Suuqa Xoolaha ee Degmadaas ka gadaal markii Ciidamo ka tirsan dawladda oo halkaa Roondeynayay ay weerar gaadma ah ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsanaa Xarakada Shabaab.

Xildhibaanka ayaa sheegey in Dagaalkaasi ay ku dhinteen Illaa Laba Askeri oo ka tirsanaa Ciidamada dawladda halka laba Ruux oo Rayid ahina ay ku dhaawacmeen.

Cali Maxamed Aadan ayaa intaa ku daray inuusan garanayn Khasaaraha dhinaca Xarakada Shabaabka soo gaaray hase yeeshee Ciidamo Dawladda oo dagaalkaas ku soo baxay ay goobtii ka Raacdeeyeen waa siduu hadalka u yiriye Ciidamadii Shabaabka ee Weerarka soo qaaday.

Xarakada Shabaab ayaa wadday dagaalo Dhuumalaysi ah oo ay ku qaadayeen Fariisimada Ciidamada Dawladda iyo kuwa ay ku leeyihiin qaybo ka mid ah Gobolka Bay.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya Siraaliyoon iyo kuwa dawladda oo ku soo jeeday Gobolka ay weerar Jid gooya ah ay ku sameeyeen Xarakada Shabaab oo iyagu sheegtay in halkaa ay ku dileen Tiro Ciidamada Siraaliyoon ah in kastoo Ciidamada dawladduna ay arrintaa beeniyeen.

Xarakada Shabaab oo Faah Faahisey Qaraxii Is Miidaamineed ee Shalay ka Dhacay Degmada Afgooye.

Shiikh Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Afhayeenka Guud ee Xarakada Shabaab oo la hadlay warbaahin ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ayaa ka warbixiyay Qaraxii Shalay ka dhacay Degmada Af gooye.

Af Hayeenka ayaa sheegey in qaraxaas ay ku Dileen Illaa Siddeetan Askeri
Oo ka tirsanaa Ciidamada Psta Dawladda isla markaana uu dhaawac xun ka soo gaaray illaa Lixdan Askeri.

Sheikh Cali Dheere ayaa intaa ku daray in Weerarkan Ismiidaamineed inuu fuliyay wiil Dhallinyara ah oo ka tirsan Xarakada Shabaab kaasoo uu sheegey in ay u suurta gashay isla markaana uu helay Fursad aad u wanaagsan.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in xilliga uu qaraxu dhacayay ay halkaa ku sugnaaayeen Saraakiil caddaan ah iyo kuwa Ugaandhees ah isla markaana ay goobta yaaleen in ka badan Labaatan Gaari oo Nooca Dagaalka ah kuwaasoo uu sheegey in dhamaantoodba ay halkaa ku Bas beeleen.

Cali Dheere ayaa sidoo kale war bixintiisaasi ku daray in uu jiray Gaari Nooca Cabdi Bilaha ah oo ay isla shalay ku qarxiyeen halka loo yaqaano Quraca Dhimbil oo ka mid ah meelaha loo barakacay isagoona sheegey in Gaarigaas iyo Askartii Saarneedbna in ay halkaa ku Geeriyoodeen.

Afhayeenka ayaa Digniin u diray Ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM isagoona uga digay ka sii mid ahaanshaha Hawl Galada ay dadka Muslimka ah ay ku dhibayaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.