Home » Warar »

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo Xukuumadda ku Eedeeyay inay ku Fududaatay Maamul u Samaynta Degmada Afgooye.

Xildhibaan Porf. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbedelka ka dhacay degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaanka ayaa si weyn uga hadlay Maamul uu sheegay in dhawaan Dawladdu u sameysey Degmada Afgooye isagoona sheegey in maamulkaasu uu yahay mid lagu deg degay ama lagu fududaaday.

Pro. Dhalxa ayaa sheegey inaan xiligan la joogin xilli Maamul la sameeyaba isagoona sababta ku sheegay in Ciidamadii ka tirsanaa Xarakada Shabaab oo hore degmadaas uga arrimin jiray in ay haatan ku sugan yihiin dhammaanba Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Afgooye.

Xildhibaan Dhalxa ayaa dhinaca kale saluugay maamulka loo magacabay Degmada Afgooye isagoona sheegey inaan haba yaraatee magacaabidda maamulkaas lagala tashan Odoyaasha Dhaqanka ee Degmada isla markaana Ragga la magacabay dhamaantooda laga magacaabay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Dhalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in loo baahnaa marka hore in gebi ahaanba Xarakada Shabaab laga sifeeyo degaanada hoos yimaada magaaladaas markaas kaddibna tashi la isugu yimaado sidii maamul loo dhan yahay halkaa looga sameeyo.

Maamulkan iminka ku magacaban Degmada ayuu sheegey xildhibaanku inuusan ahayn mid loo dhan yahay isla markaana ay wax ka ogyihiin odoyaasha Dhaqanka ee Degmadaas sidaa darteedna uusan wax macna ah samaynayn Maamulka iminka halkaa looga dhawaaqay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaan Maamul loo sameeyay degmada Afgooye oo sedax Todobaad ka hor laga saaray Maamuulkii Xarakada Shabaab oo halkaa hore uga jiray.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo Xukuumadda ku Eedeeyay inay ku Fududaatay Maamul u Samaynta Degmada Afgooye. "

  1. cilmi says:

    dalxa maamulka ayuu ka hadlay lakin waligiis kama hadlin qawlasatadii wadanka haysan jirtay in loo xoreeyana waa raba madax inuu ka noqdana waa rabaa hurdaaye ka toos hurdada

  2. Maxamed soomaali says:

    Xildhibaa Dhalxa waxaa filayaa in uu rabo in loo magacaabo gudoomiyaha degmada afgooye.